Guurtidu Waa Inay Daaqadda Ka Tuuraan Muddo Kordhinta Daahir Rayaale Doonayo

Golaha Guurtidu Waa Inay Daaqadda Ka Tuuraan Muddo Kordhinta Daahir Rayaale Doonayo, Qabashada Doorashadana Ansixiyaan

Madaxwaynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa la sheegay in uu dhawaan digreeto Madaxwayne ku soo saaray maalinta komishanku doorashada madaxtooyada u cayimay in ay dalka ka qabsoonto oo ku beegan 31ka May 2009.

Wuxuu Rayaale  shir-guddoonka golaha Guurtida ka codsaday in ay iswaafajiyaan muddada xilka Madaxwaynaha oo ku eg 06da April 2009 iyo muddada Komishanku u cayimay maalinta doorashada madaxtooyadu dalka ka dhacayso ee 31ka May 2009.

Waxa halkaa ka cad inuu Rayaale noqday nin macal ku bartay Guurtida waayo hadda ka hor ayaa  muddo kordhin aan qiil lahayn ay guurtidu hore ugu sameeyeen oo ah hal sano oo dheeraad ah oo ku eg 6da April 2009 taas oo dheeraad ku ah 5tii sano ee dastuurku u cayimay inuu xukumo waddanka.

Haddaba su’aasha mudan in la is-wediiyo waxa weeye: Daahir macashii uu ku bartay guurtida (waa muddo kordhinta sharcidarrada ah eh) ma ka heli doonaa, mise waxay noqon doonaan kuwa xaqa soora oo markan runta u sheega madaxweynaha inaan macal dambe oo meesha laga cunaa ku hadhin?

Waxaan jeclahay inaan in yar xusuusiyo akhristayaasha maqaalkan in Puntland oo aynu had iyo jeer cambaarayno inay maanta ina maqaan dhaanto markaad u fiirsato sida dimuqraadiyaddu ku jirto ee ay ciidda afka ugu dareen Madaxweynahoodii Cadde Muuse.

Cadde Muuse wuxuu ahaa nin markii hore ka fallaagoobay Puntland oo dalka Somaliland magangalyo siyaasadeed (political asylum) ku joogay. Waxa la dejiyey hudheel, waa la hubeeyey, lacagtii cashuurta dadka reer Somaliland laga guray ayaa gaadhi loogu raray si uu ula dagaalamo Cabdillaahi Yusuf oo markaa ka talinyay Puntland. Ugu danbeyntii, Cadde Muuse madaxweyne ayuu ka noqday Puntland, isla markiiba weeraro ayuu Somaliland ku soo qaaday oo muu khiyaamayn dadkiisii. Ummadiisu aad bay ula dhacday laakiinse markii dambe way ka niyad jabeen waayo  wuxuu noqoday hoggaamiye la bahoobay budhcad-badeeda (sea-pirate); wuxuu ahaa nin mishiino la soo degay uu ku daabacdo lacagta (counterfeiter); wuxuu ahaa nin ku lug leh qafaalashada iyo afduubka dadka ajnabiga ah ee yimaada Puntland iyo nawaaxigeeda (kidnapper); wuxuu noqday nin ku lug leh tahriibinta dadka (human trafficking). Waxa ummaddii reer Puntland xaalufiyay sicir barar aan xad lahayn (hyper-inflation) oo dhaliyay in bannaan baxyo lagu dhigo Cadde Muuse.

Haddaba maalintii ay xaqiiqadu xaqaaqida timi ee doorashada xilligeedii la gaadhay ninkii Cadde Muuse ee intaas oo meheradood ku lug lahaa ee lacagtu meel kasta ka soo galaysa ee awoodda waddanka oo dhami gacanta ugu jirtay way u suurageli weyday inuu doorashada dib isaga riixo ama uu ku yidhaahdo Baarlamankiisa ‘ha la ii sameeyo muddo kordhin’.

Tartanka madaxweynimada Puntland ayaa waxa u loollamayay 8 murashax, halka shan murashaxna u taagnaayeen jagada Madaxweyne-ku-xigeenka. Baarlamanka Puntland oo ka koobnaa 66 xildhibaan waxa uu tartankii madaxatooyada Cadde Muuse ka helay 8 cod oo qudha halkaas ayaana ciidda lagu cunsiiyay. Si dimuqraadiyadi ku jirto aya looga helay, isaguna si sharaf leh ayuu xilkii ugu wareejiyay Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo helay 49 cod. Kumuu meeraysan Maxakamad baan tagayaa iyo bujubujaa!!!

Ummaddii reer Puntland ayaa isu soo baxday oo u dabaal degtay in Madaxweyne cusub la doortay iyagoo u mahadnaqaya sida wanaagsan ee dimuqraadiyadu ku jirto ee odayaashaoodu u kala saareen tartamayaasha jagada madaxweynanimada. Halka Cadde Muuse loo diiday inuu maalin dheeraad ah sharci darro iskaga sii fadhiyo kursiga, Daahir Rayaale markay muddadiisii dhammaatay sannad sharci darro ah oo aan qiilna haysan ayaa loogu daray shantii sano ee dastuuriga ahayd. Ma geed ummadda ka dul baxaybaa?

Cabdillaahi Yuusuf oo ahaa taliye macangag ah markuu arkay siday wax u socdaan xukuumadii uu madaxda ka ahaa, si sharaf leh ayuu wadad cagta ugu dhuftay oo iska casilay jagadiisii, cadaadisba ha la saaree. Cabdillaahi Yuusuf wuxuu ahaa nin balliyo dhiig ah kaga dhiijiyay wax Alle wixii ka soo horjeestay si uu xukunka uga laalaado. Haddii aan runta loo sheegi lahayn wuu iska jeclaa inuu madaxweyne weligii ahaado inta uu ka dhimanayo laakiinse rag baa u quusgooyay. Sidoo kale Cadde Muuse inuu kursiga iska sii fadhiyo wuu jeclaa laakiin ragbaa runta u sheegay. Daahir Rayaale-na waa in la helaa guurti runta u sheegta.

Waxa xusid mudan in Golaha Guurtidu ogaadaan in Caalamka reer galbeedka ee wufuudoodii waddanka ku soo qulqulayso, Afrikada madow, dunida carabta iyo cadowga Somalilandba ay maanta indhahoodu ku wada dheygagsan yihiin Golaha Guurtida ee Somaliland oo laga dhursagayo waxay go’aan ka soo saaraan codsiga madaxweynuhu u gudbiyey ee uu kaga codsaday in muddo kordhin loo sameeyo inta u dhaxaysa 6da April 2009 illaa 30ka June 2009, lana ansixiyo waqtiga doorashadu qabsoomayso ee ku beegan 31ka May 2009.

Haddaba guurtida Somaliland waa inay xilkasnimada Cabdillaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse loogu quus gooyayay mid la mid ah ay iska baadhaan maanta. Taa micnaheedu ma aha marnaba in caddaalad darro lagula kaco Daahir Rayaale, mana aha in caddaalad darro loo sameeyo xisbiyada mucaaradka ah. Balse waxa weeye in golaha guurtida laga helo mid qudha oo aan hore looga baran: shayga CADDAALAD LA YIDHAAHDO oo ay maanta Daahir Rayaale runta u sheegaan in haddii xukunka uu damac ka sii hayo uu horta debedda uga soo baxo xafiiska madaxweynanimada marka laga bilaabo   6da April 2009, 12.00ka habeenimo markaas isaga oo ah guddoomiyaha xisbiga UDUB oo suuq-jooga ah uu la taratamaa labada guddoomiye ee xisbi qaran ee mucaaradka ah.

Waa sida caddaaladda iyo xaqu ku jiro ee ummadduna ku kala bixi karto lagana filayo inay go’aamiyaan guurtidu.

Maanta mindida daabkeeda ma hayo Daahir Rayaale maadaama uu taladii u dhiibay guurtida. Guurtidu sababta doorashooyin loo gelinwaayay golahooda waxa ka mid ah inaanay noqon qaar xisbiyo iyo firqado u kala fadhiya oo is-xag xagta oo aan muran dhexdooda ka dhammaan,  golahana curyaamiya. Nasiib wanaag, maanta ma kala laha golaha guurtidu kanaa ah, UDUB, KULMIYE iyo UCID-toona ee dhammaan waa guurti. Waana niman caqli wanaagsan iyo talo odaytinimo la bidayo inkastoo odayaashii la yaqaanay dhammaadeen. Caqligaa iyo taladaa wanaagsan waa ta lagaga dhur sugayo go’aan xaqa maalmaha soo socda. Kollayba way jiraan, wayna jiri doonaan dantood marraatayaal damiir liita oo dadnimada debedda ka ah, diintuna teel-teel ku tahay oo doolarka Daahir Rayaale doonaya. Laakiin kuwaas waa inay calaamadsanaan doonaan taariikhda.

Daahir Rayaale waxay ummaddu dooratay muddo shan sano ah sida dastuurka ku cayiman, wuu ku qaban waayay doorasho mudadaas sida dastuurka farayo. Waxa loo kordhiyay sannad kale wuu ku qaban kari la’yahay; sidii lagu wada heshiiyay. Wuuna diidanyahay weliba  inuu ummadda raalli ahaansho ka siiyo in muddooyinkii loo cayimay doorashooyinka uu ku qaban waayay. Wax uu waddanka u qabto  meel iska dhig iyada, sida Cadde Muuse oo kale, dhagxaantii buuraha wuu jajabsaday, waddanka bir daxalaysatay kumay hadhin, warshado ayaa la furfurtay oo la dhoofiyay, beebabkii Berbera ayaa la fadhataystay oo la iibsaday, dhoofintii xoolihii noolaa ee waddanka waxa laga mamnuucay muwaadiniintii u dhashay waddanka oo la siiyay ajnabi, Berbera waxay noqotay meel laga haajiray oo dadkii badeecada kala soo degi jiray waxay u wareegeen Puntland oo si kadeed la’aan ah iyo cashuur macquul u samaysa; dhulkii baatrool lagu tuhunsanaana kolba kambani tuug iyo malaal ah ayaa meel madow wax lagag qaataa, waxa si xishood la’aan ah uu u iibsaday gawaadhiddii iyo  guryihii dawladda. Denbiyadaas waxa ka mas’uul ah kuwa ummaddu u igmatay inay la xisaabtamaan xukuumadda ee ku fashilmay inay gutaan waajibaadkoodii. Daahir Rayaale shahaado sharaf ayaa loogu daray denbiyada ummadda uu ka galay oo sannad dheeraad ayaa loo gu daray muddadiisii, immikina wuxuu leeyahay foolxumadii  ka sii badiyay intii hore ee shahaado sharaf kale i siiya. Bal hadda bar-bar dhig Cadde Muuse.

GUNAANAD:

Guurtidu inta aanay gaadhin go’aan kama dambeys ah waa inay rogrogaan xaajada oo fahmaan cawaaqibka foosha xun ee ka iman kara go’aan ah inay Daahir Rayaale isaga kordhiyaan muddada. Taasi waxay keeni kartaa in shacabku gadoodo oo gacanta la isula tago maadaama kuwii ay hawsha u igmadeen gar leexsan qaadeen. Wixii denbi iyo fidno ah ee ka dhasha go’aan qaldan oo muddo kordhin ah waxa dhabarka u ridan doona odayaasha if iyo aakhiriga.

Mutamalaqiinta Daahir Rayaale way neceb yihiin xaqiiqada laakiin waxa dhici karta in Somaliland beelo u kala burburto oo ninkii caashaqsan Rayaale la odhan doono ardaagiina la tag ha ka taliyee, annaga noo noqon maayo madaxweyne eh waayo waxa ummad isu hayaa waa CADDAALAD iyo xaqa oo la sooro. Guurtidu waa inaanay dhinacna garab saarin ee caddaaladda go’aamiyaan oo aanay Puntland inaga hoos marin illayn jamhuuriyada baynu sheeganaynaaye. Haddii kale waxay noqon doontaa:

RAG CADDAALAD WAAYAY SIDA CAWSHA KALA YAAC.

Jamaal Madar

London,

United Kingdom

adammadar@yahoo.com

This entry was posted in opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.