Suldaan iyo Socdaalkii Dheeraa ee Somaliland Q. 4′aad

...

...

“Siyaasadda guri baa loo iibiyaaye, guri lagama dhisto,” Marxuun M.I Cigaal – Subaxnimadii 25 January 2008 ayaannu ka soo kicitinnay xarunta Acadeemiyadda Nabadda iyo Horumarinta (APD) ee magaallada Hargeysa, aniga, Boobe Yuusuf Ducaale, Abwaan Yuusuf-Shaacir, inan u shaqeeya APD oo camareman ah oo la yidhaahdo Axmed iyo dhowr nin oo kale.

Xarunta Acadeemiyadda Nabadda iyo Horumarinta

Xarunta Acadeemiyadda Nabadda iyo Horumarinta

Waxaannu wadanney laba gaadhi landcruiser iyo surf ah. Waxaannu afka saarnay galbeed, waxaannu qaadnay laamigii dheeraa ee Laascaanood Ilaa Hargeysa isku xidhnaa (Somaliland dhexdeeda ah), weli Gabiley iyo Kalabaydh dhankaa galbeed uma dhaafin, xagga Itoobiya marka laga reebo, laamigu aad buu u burbursanaa, oo gaadhigu si toos ah iyo xawaare joogtaha toona ku socon maayo, dhowr magaalo markii aannu sii marnay, istab kasta oo aannu isa soo taagno waxa nala lahaa ma weftidii baad la socoteen, waxa hortayo baxay in ka badan 50 gaadhi oo ay wateen wasiirro, siyaasiyiin, madaxdii xisbiga Kulmiye, Udub iyo Ucid, malaha anagaaba ugu dambeynay oo sideedii subaxnimo marayna,, laga yaabee.

Degemada Dila

Degemada Dila

Waxaannu soconaya, markii dambe ayaannu gaadhnay degemada Dila oo laamigii aannu haynay uu halkaa ku dhammaaday, sawir-maskaxeedka aan ka haystay Dila wuxuu ahaa inay ku taallo galbeedka Boorama, hase yeeshee maalintaa ayey beenowday. Waxay ku taallaa wadada u dhexaysa Hargeysa iyo Boorame, Inta kale waxay la mid tahay magaalooyinkaa laamiga ku yaal, wax gaar ah oo aan ka tilmaamo waa laamiga dheer ee Xamar ka soo bilaamaa inuu iyada ku dhammaado. Waxaannu galnay waddo jay ah oo god god badan, dhagax dushii la marayo, goor dambe ayaa dhankaa bidix waxa naga qabtay buuro waaweyn oo ay ka mid tahay buurta Saw, iyo Subulaha. Waakuwii ku jirey gabayga Gaarriye ee Saxansaxo ee uu kulahaa:

Lix gu’ baan Safeeriya fadhiyey Sool anoo rabaye

Subulaha galbeed iyo lix baan Sibidhlay taagnaaye;

Saax-dheertan taakada jirtiyo Saawba waan gabaye

Siyaabliyo iniintaan ku riday Suuftu may bixine.

Kuwaas oo markii hore aann u haystey meelo magacood, haddase noqday Buuro ku yaalla jidka Boorame loo maro. Boobe wuxuu i tusay geed ilaa kiiloo mitir xagga galbeed wadada ka xigey oo uu yidhi waxa mara xadka Itoobiya iyo Somaliland; kaas oo runtii aad iiga yaabiyey sida uu ugu soo dhowaaday jirka Boorame loo maro, markii dambese aan ka arkay khariidadada Somaliland.

Laba saacadood oo keliya markii aannu Hargeysa ka soo soconnay, ayey noo muuqatay Boorame oo ahayd meeshii safarkayagu ku ekaa. Boorame, yaab kale, weli wadadii jayga ahayd ayaannu haynaa, Sawir-maskaxeedka waxa iigu jirey in Boorame ay ku taal dhulciideed dooxooyin iyo dhir waaweyn oo gob ahi ku yaallaan, meel isku siman oo kayn iyo dhir badan leh; taasina waa beenowday, oo waxay noqotay magaallo ku taal buur dusheed, oo halka Hargeysi ay buuruhu sida Madiina afarta dacal kaga wareejisan yihiin, Boorama iyadu buur yar ayey afarteeda dacal uga dhacday, buuro kalena dusha sare oo aad uga fog ayey kaga teedsan yihiin. Waa magaallo aan lahayn daaro dhaadheer oo badan sida Hargeysa, aadna uma weyna magaallo ahaan. Laami keliya kuma dhex arag intii aan marayey inkastoo aanan ku raagin.

Jinaasadii Marxuun Abwaan Xasan Shiikh Muumin

Jinaasadii Marxuun Abwaan Xasan Shiikh Muumin

Markaannu magaallada soo galnay ayaa la yidhi ina geeya Huteelka Rays, kolley halkaa ayaa la iska raacayaaye, sababtoo ah kolanyadii baabuurta ahayd dib ayaannu uga yara dhacnay, waxaannu soo dhex qaadnay magaalada dhexdiidii, xoogaa markii aannu soconay oo la i barayo magaallada ayaa guri dhanka bidix naga qabtay oo deyr ku meersan yahay, la igu yidhi waakan “Gurigii Daahir Riyaale”, mid kalena wuxuu yidhi “Aafadda Togdheer baa la yidhaahdaa guriga”. Waa guri kaanbool ah oo leh deyr yar oo ku wareegsan, waxaanay ii raaciyeen xooggaa xasarad ah oo ahayd, inuu gurigan Ina Riyaale dhistay isla markii uu noqday Madaxweyne ku xigeenka, wakhtigaas oo guddoomiye u ahaa guddidii Aafada Togdheer; waxay ii sheegeen in wakhtigaa uu Riyaale Guriga dhistay Marxuun Cigaal maqlay oo ku yidhi “Siyaasadda guri baa loo iibiyaaye, guri lagama dhisto,”. Si kastaba gurigaasi ha ku dhistee, ku filan haddii uu xilka waayo, gef iyo godob toona aannu dalka ka gelin, oo uu noqdo madaxweynihii hore ee Somaliland… sharafna ugu filan.. kol haddii aannu ku sii waarrayn..

Aan yara hakiyo qoraalka; oo ujeedada socdaalkayagii Boorame idinku celiyo; Waxaannu ka qayb gelaynay jinaasadii Marxuun Abwaan Xasan Shiikh Muumin, oo Alle ha u naxariistee, ku geeriyoodey dalka Norway, si weyn oo maamuus lehna ay u soo gelbiyeen meydkiisa Jamhuuriyadda Jabbuuti oo diyaarad khaas ah soo saartay, calan iyo billad sharafna soo raacisay, wefti ballaadhan oo uu ka mid ahaa la taliyaha madaxweynaha dhinaca dhaqanka iyo suugaanta way la socdeen. Waxaannu ka mid ahayn labadayadii gaadhi koloyo baabuur ah oo jinaasadda abwaanka Hargeysa uga soo kicitimay, waxa ka mid ahaa; guddoomiya Kulmiye Axmed Madaxmed Maxamuud (Siilaanyo), Cabdiraxmaan Aw-Cali, Iskeerse, Wasiirka Xidhiidhka goleyaasha Cabdi Xasan Buuni, wasiirka warfaafinta Axmed X Daahir, wasiirka madaxtooyada Nuur Amiin, wasiirka macdanta iyo biyaha Qaasim Sh. Yuusuf; qoraa sare, Boobe Yuusuf Ducaale, Dr, Maxamed Rashiid Sh. Xasan, abwaan Yuusuf Shaacir, Maxamed Aadan Dacar, Abwaan Cabdiraxmaan Dheere, suxufiyiin caan ah, fanaaniin, indheer garad, aqoonyahanno iyo dadweyne farabadan.

Waxaannu tagnay, madaarkii Boorame – Aden Isak International Airport – Dadkaa Hargeysa iyo daafaha dalka isaga yimi, waxa dheeraa bulshadii reer Boorame oo si weyn ugu soo baxday jinaasada, yar iyo weyn, dowlad iyo dadweyne, mucaarid iyo muxaafid, aqoonyahan iyo suugaan yahan, askar goobta nabadgelyadeeda iyo anshaxeeda dhowraysey; waxay ahayd madal tacsiyeed, aad loogu qiiraysnaa haldooraa geeriyoodey, saxaafadda ayaa abwaannada waraysanaysey intii diyaaradda la sugaayey, oo gabayo baroordiiq ah iyo kuwo taariikhdii abwaanka ka hadlaaya tirinaayey, qaarkoodna taariikhdii abwaanka iyo wuxuu ahaa ayey ka hadlayeen.

Abwaanka waxaa ku tukaday dad kumanaan gaadhaya oo markii dambena u sii gelbiyey hoygiisii negaashanaha isagoo calankii Somaliland huwan, hareerahana ay hayaan gacalkiisii uu ifka kaga tegey, wuxuu ahaa aaskii iigu horreeyey ee dad intaa le’eg isugu soo baxeen, isaga iyo kii Maxamed Ducaale (Dhoolayare), Suldaan Maxamed Cabdi Cali, iyo xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Tuke) oo intaba loo sameeyey aas qaran oo aan ka qayb galay.. usha cirka loo tuuraa dhulka uma dhacayn…

Marxuunka waxaa la bud-dhigey goobtii lagu aasay aabbihii Sheekh Muumin, oo ku taallay badhtamaha magaallada Boorame. Waxaanna uu Somaliland iyo Somalida kaleba kaga tegey taariikh lama ilaawaan ah, suugaan murtiyeed hogatus iyo hiyi-korin ah. Wuxuu ahaa wadani mu-hindis ah, ababshe luuqadyahan ah, haasawshe kaftan yaqaanna, macallin taariikh yahan ah, aqoonyahan indheer garad ah, la-hiigsade holdoor ah, wuxuu ahaa,, wuxuu ahaa, intaan sheegay iyo inta maankaaga ku jirta ee aan maqaalkan ku dhaafay. Alle ha kuu naxariisto…

Mar haddii jinaasadii laga soo dhamaaday maxaa hadhay, dib u noqosho. Waxaannu dib ugu soo noqonay huteelkii bilicda badnaa iyo doogga quruxda badan lahaa, waa Rays huteel – five star hotel Boorama – dadkii goobta wada joogay sugitaankii meydka iyo aaskiiba, markii huteelka Rays la yimi si loo sii qadeeyo tegitaanka ka hor, waxa loo kala fadhiistay laba kooxood, mid uu hoggaaminayo Siilaanyo oo Kulmiye Boorame la qadaynayey iyo wasiiraddii iyo weftidii meydka la socotay oo iyana goob fadhiistey, waxaana kaftan iyo dacaayad aan kala go’ lahayn halkaa ka jeedinayey La-taliyaha Madaxweyne Geelle, oo ahaa nin kaftan badan oo waayo aranimo badan u lahaa dhaqanka, taariikhda iyo dadka reer Boorame iyo Somaliland ba.

Boobe Yuusuf Ducaale

Boobe Yuusuf Ducaale

Boobe Yuusuf Ducaale na wuxuu halkaa waraysi ku siiyey telefiishannada Boorama iyo Hargeysa oo uu kaga waramayey taariikhdii iyo mahadhadii murxuun abwaan Xasan Sheekh Muumin. Labadii galabnimo ayaannu ka soo baqoolnay Boorame. Socdaal taariikhi iyo ajarba lahaa ayuu ahaa, 25 January 2008…..


Qaybtii 1′aad – halkan guji …

Qaybtii 2′aad – halkan guji …

Qaybtii 3′aad – halkan guji …

La soco qaybta dambe [Insha Allaah] ee Suldaan Iyo Socdaalkii Dheeraa Ee Somaliland.

Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)

Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)

Allaa Mahad Leh

Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)

aftahan@gmail.com

www.aftahan.org

This entry was posted in socdaal, somaliland, taxane. Bookmark the permalink.

Comments are closed.