Monthly Archives: December 2008

Sanadka Cusub Siduu Ula Egyahay Somaliland?

Dhiiga ka daadanaya Falastiin ma aha sansaan fiican oo sanadkan lagu soo dhawayn karo.  Taasina waa  cabsida koowaad ee sannadkan cusb iyo caalam weynaha.

Posted in opinion | Comments Off

Cadaalad dad loo diiwaangeliyey ma jirto yeynaan been isku sheegin

Cadaalad dad loo diiwaangeliyey ma jirto yeynaan been isku sheegin. Waxa meesha ka dhacay waa fawda. haddii diimuqraadiyad jirto dadku waa inay haystaan wakhti ku fillan (sadex cisho kuma filla kumaan kun qof) si ay isku diiwaan geliyaan. waa in dadkan wax diiwaan gelinaya tababar la siiyaa. Continue reading

Posted in opinion | Comments Off

Waa Maadays Diiwaangelintu Komishankuna Way Matalayaan

Waxaa imikana socota diiwaangelinta gobolka Sanaag oo lagu xigsiinayo gobolka Sool marka la soo dhameeyo gobolka Sanaag. Diwaangalintu waa mid dal ahaan iyo dimuqraadi ahaanba inoo wada wanaagsan dan weynina inoogu jirto hadii si wanaagsan loo maamulo Riyaalena faraha kala baxo waxaa se durba halkaa ka sii dhex muuqta jahowareer, is dhex yaac aanay haba yaraatee isu war hayn xubnaha komishanka diiwaan gelinta ee laftoodu u xilsaaran hawshan oo midna Cadan ka shaxaayo ka kalena kuu sheegayo sheeko aan meeshaba oolin oo burinaysa sheekadii hore ! Waxaa kale oo kaba sii wada daran dawladii oo ah xisbi la yidhaa UDUB oo iyaduna dhex muluqmuluq leh hawlihii komishanku u xilsaarnaa, sifo allaale iyo sife ay komishankaas madax bannaan u dhex dhus dhus leedahay aan la fahamsanayn! Continue reading

Posted in opinion | Comments Off

Wasiir ku xigeenkii dib-u-heshiisiinta Kooxda Embagathi oo Si Axmaqnimo ah loogu dilay Baydhabo

Ismaaciil Xasan Timir oo u Dhashay Beesha Isaaq ahaana Wasiir ku xigeenkii dib-u-heshiisiinta Kooxda Embagathi oo Si Axmaqnimo ah loogu dilay Baydhabo.

Marxuunka oo dhawaan Nuur-Cadde u magacaabay Wasiir ku xigeenka dib-u-heshiisiinta Kooxda Embagathi ayaa caawa waxaa lagu dilay gudaha Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, Faahfaahinta ka imanaysa Baydhabo ay Tibaaxaysa in Maleeshiyaadka dilka Ismaaciil Fuliyey ay ka soo baxeen Madaxtooyada uu Cabdillahi Yussuf ka deggan yahay Magaalada Beydhabo. By Osman Abdillahi Sool Continue reading

Posted in opinion | Comments Off

DOOD Furan – Raalli Ma Ka Tahay Qaabka Ay U Socoto Diiwaangelintu

” width=”" height=”" alt=”" class=”taleft” />Waxa beryahan dambe iska soo daba dhacayay qoraalo ay soo dirayaan akhristeyaashu oo midba si u aragto qaabka ay u socoto diiwaangelintu. Badidoodu waxay ka cabanayaan hawlwadeenada qaabilsan diiwaan gelinta. Haddaba akhristow maxay kula tahay … Continue reading

Posted in dood | 17 Comments

Duxda Shaxaadka: Maanso iyo sheeko Qosol

Sheekadani waa sheeko run ah, Maansada la socotana Qoraha ayaa ku daray. Qosolka iyo murtida suugaaneed ka sokow wuxuu qoraalkani dhiibayaa fariin culus oo hoga tusaaleeyn ah. Waa Xagaagii 1999kii, goobtu waa magaalada Hargeysa oo uu booqasho ku joogay Jamaal xilligaasi isagoo ahaa qurbo-joog degenaa waddanka Trinidad and Tobago ee Jasiiradaha Carribeanka. Safar dheer ka dib, wuxuu Hargeysa u yimi si uu fasax fiican ula qaato Hooyadii iyo Aabahii … Jamaal Cali Xuseen Continue reading

Posted in nolosha | Comments Off

DOOD FURAN: Sidee Loogu Kalsoonaan Karaa, Komiishanka Doorashooyinka Somaliland?

Marka lagahadlayo garsoor ama qaadii, maaha wax hawlyar cadaaladu waa waxa qudha ee umadi ama ku rogmato ama ku guuleysato, Cadaalad qofka qadayaa waxaa looga bahan yahay dhamaan astamaha qofkasii xeerbegti kunoqon karo, sida iiman runsheeg mas-uuliyad I.W.M. – By Muniir Axmed Cigal Continue reading

Posted in opinion | 1 Comment

Maxkamadda Sare ee Finland oo Xukuntay in Dembiileyaal Soomaali ah Lagu Celinkaro Dalkoodii

Go’aan ka soo baxay maxkamadda sare ee Finland ayaa go’aamiyay 2 dembiile oo jinsi ahaan ka soo jeeda Soomaali, in loo musaafurin karo Somaliland, kuwaas oo hore marar badan loogu xukumay dembiyo kala duwan oo ay ku galeen dalka Finland. Markii uu booliiska Helsinki soo jeediyay sannadkii 2005 in la musaafuriyo 18 nin oo Soomaali ah, oo dembiyo badan ku kacay, ayaa wasaarada ajanibigu go’aamisay sannadkii 2006 in 13 dembiile oo ka tirsan raggaas la musaafurinkaro, halka 5-ta dembiile ee kalena laga reebo iyada oo noloshoodu aad ugu xidhxidhantahay Finland dardeed. Continue reading

Posted in qurbaha | Comments Off

Awdal Intaa Wayka Badan Tahay

Dood badan ayaa ka dhalatay mashruucan diwaan galinta cod bixiyayaasha dalka Somaliland. Doodaasina waxay inteeda badan raad ku leedahay tuhunka laga qabo masuuliyiinta komishanka diwaan galinta , gudida diwaan galinta iyo dhammaan shaqaalaha diwaan galinta, oo loo aanaynayo xirfad la’aan, xilkas yari iyo xaq darro inay ku wada shaqaynayaan. Waxad arkaysaa masuuliyiinta diwaan galinta oo kolba natiijo iska soo daba ridaya, taasina waxay ka tarjumaysaa haab la kac iyo hiyi raacnimo an loo baahnayn. Waxa lagu jiraayi ma aha doorasho, oo lama tiranayo meel walba dadkii ka codeeyay iyo xusbigay u codeeyeen. Balse waxa lagu jiraa diwaan galin, oo sida magaceeduba ka tarjumayo iska cad inay tahay diwaan wax lagu kaydinayo.– Abdiqani Ateyeh (HiilDanYare) Continue reading

Posted in opinion | 1 Comment

Gudoomiyaha diiwaangalinta oo si farshaxanimo leh tiro dheeraad ah ugu daray gobolka Awdal

Nin somaliyeed ayaa horey ugu gabyey “musuq maasuq Somali waa meheradeediiye”. Ninkii Somaliland ugu magacawnaa gudoomiyaha diiwaan galinta ayaa shir jaraaid oo uu qabtay ku sheegay in tirooyinkii hore loo shaaciyey ay gobolada qaarkood wax iska bedeleen, isagoo wax aan macnalahayn ka jaray labada gobol ee Toghdeer iyo Maroodijeex kabibna u gudbay ujeedadii uu awalba lahaa oo u eg wax lasoo maleegay isagoo yidhi Awdal 50,000 baa ku siyaaday, markaas bal akhristaw ila eeg dhawr qodob oo cadaynaya in waxani tahay wax lasoo maleegay oo macmal ah – by Yasin J Cali Continue reading

Posted in opinion | Comments Off