Roge falanqayn: Halgammo isriixaya, dad iyo duunyo nolol doon ah

Roge waa buuggii saddexaad ee taxanaha cirsankayeedh, waa buuggii labaad ee Cabdillaahi Cawed Cige. Marka aad dhawrka bog ee hore ee sheekadan 416ka bog ka kooban akhridid waxaa iskugu kaa tagaya wiswis, baqdin iyo argagax. Waxaad is odhanaysaa “belo kugu dhici wayday! war qoraagu qalbi adagaa.”

Maanta wax sani cirka kama yeedhin! siday uga soo yeedhaan illayn Nuuraaba heehaabaysee, oo Keenadiid ku dubanaysee! Iskagama dubanayso ee wacdarahan ay dhigayso kolayba inay wacdaro uga horreeyeen waad yaqiinsanaysaa, ma qof baa sidaas naxariisdarrada ah cid u halaaga haddaan lagu kellifin?

Keenadiid samada intuu ka soo dhacay ayuu oogada kaga soo dhacayaa curri yar oo miskiin ah oo aan waxba gaysan; horaa loo yidhi dabka uu munaafaq shido muumin baa ku gubta. Keenadiid wuxuu curriga ku kellifeyaa inuu dhaawac halis ah gaysto.

Goobtu waa Burco, waa badhtankii siddeetamaadkii, way hawlo badan tahay, xasarada iyo xamaasaddu cirkaas bay ku shareeran yihiin. Burco wax walba waa laga helaa, aan ka ahayn AMMAAN. Maxaa ammaan la isu siinayaa waligeedba, cid ammaan in la isa siiyo ka sheekaynaysa miyaa la hayaa; maxkamad, muxaadaro ilaa dugsi Quraan.

Sheekada faalka, riyada, soojeedka, beenta iyo runtu way isku dhex qasan yihiin, iskuna maran yihiin, waxayna marna ka maarmayn sheekadani, meelna kaga jirin Asli.

Asli waxay baro dheer tahay magaalada oo dhan, gurigeedana ka maashaa, inta aanay maamulinna halkaas bay kala socotaa.

Asli lama tacaalayso oo qudha Nuura yar oo ay eeddo u tahay; waxa kale oo ay magaaladan lagu jabay, bini’aadanimadu ku dhimatay uga miciinaysaa, ayna kasoo saaraysaa akhristaha. Meeshan Burco waxaa si ba’an uga socdo; xasuuq, xoogsheegasho iyo fasahaad. Akhristuhuna kama bixi karo haddii aanay Asli madadaalinayn.

Magaalada wax miyirqaba islaamaahaa jira, iyaga xigmaddu kuma yara “Samada iyo aradkaba waa looga ooyayaa labo iyo afartankaa nin ee aan wax ay galabsadeen jirin, .. ma dad ay awliyo u hiiliso baynu nahay. Sowtii Alla Bari la diiday, sowtii mawliidkii la yidhi waa bidco, ma duul loo yimaadaynu nahay, waxaa la yidhi ragu markuu idlaado dumarkaa lagu xejin”

Waxaas oo xigmad iyo falanqayn ah cid ka dhagaysataa ma jirto. Meeshuna waa meel awliyo iyo wixii socon karaaba mar hore ka socdeen; wax la daawado waxa meeshan ugu mudan xidhmooyin dad ah oo baas la marinayo, wax la dhagaystana, wadaad ay iskaga darsameen aayadihii qu’raanka iyo khiyaaligii maskaxdiisa.

Sida maskaxda dhibanayaasha si bilaa sabab ah loogu filqinayo dhulka si ka daran waxaa iyana u filqaysa bulshowayntii magaalada.

Sheekadu waxay taxan tahay Burco, Hawd, magaalomadaxdii oo markan ah Hargaysa ah, carriga Ingriiska ilaa Addis Ababa. Qof walba waxaa la gudboon inuu waayihiisa oggolaado, lambarkiisana xejisto. Nuura waxay iska iimaansanaysaa nasiibdarradeeda, waayaheeda cusub iyo fooxa eeddadeed. Ninkay samada ku halaagaysayna wuxuu xoojinayaa inaadeerkiis Xaad oo isagu mar hore go’aansaday inuu dabka dhinaca kale kasoo shido.

Mujaahid Keenadiid miyuusan ahayn ninkii Nuura ka hiiliyay, silica baday, iinteedii badh midgaannimada ahayd ceebta kale ugu sii ladhay. Ninkii, Nimco oo ilmadu ka qubanayso, waa xaaskii walaalkii Casayre, cidlada kaga dhaqaaqay.

Sidaaas ay tahay waa ninka kuu baddalaya Asli oo da’du ka daba timid, (Asli maanta taag badan uma hayso qiiq iyo uunsi), waa ninka talada iyo tusaalaha u noqonaya Mujaahid Xaad, waa ninka dardaarankiisa iyo dhimashadiisu ay faa’iidada badan Xaad usoo hoynayso.

Shirarka googooska ah iyo khudbadaha dhaadheeri kala go’maleh. Siday Asliba ula yaaban tahay, baad ula yaabaysaa; wasiirrada, madaxwaynaha, Roge iyo tolkii iyo Ayaan yar.

Roge waxaad mooddaa inuu tartan kula jiro dadka uu ku dhex nool yahay, waa dhinaca khudbadaha dhaadheer ee joogtada ah, waa adduunyo isaga tallawga, waa halganka iyo dadaalka uu ugu jiro in uu badbaado.

Sheekadani waxay soo koobaysaa halgammo dhaadheer iyo nolosha afar jiil. Halgamadaas waxaa marba ka hor imanaya oo dagaal kula jira dar cusub; Adeer markii hore meel Bariga Landhan ah Qaad ku miyir beelay , hadhowna ku miyir beelaya hablaha yar yar ee wasiirnimadu la kulan siisay oo aanay marna talada ugu jirin ehelbaa hablaha yar yar ku dhex jiri kara ee aad Roge u xambaarinayso.

Ficilkaasi wuxuu abuuri doonaa halgan hor leh oo ay Ayaan iyo adeerkeed hor kacayaan. Ayaan aabbaheed siduu naftiisa ugu huray inay maanta nololi jirto, ayay Ayaan halgan adag u galaysaa, hadday iyadu badbaadi wayday inta kale ama inta badani ha ii badbaaddo. Sheekadani waa Halgan nolol doon ah!

Lama odhan karo buuggani waa sheeko. Waa sheekooyin iyo shakhsiyaad adduunka cirifyadiisa ku kala nool. Noloshoodu xidhiidh toos ah maleh, haddana way isku maran tahay. Sidda jaldiga buuga qofka ku sawiran muuqaalkiisa iyo hooskiisuba iskugu maleegan yihiin; ninka waxbaa hor daadsan! Ma xadhigbaa? ma silsiladbaa? ma Roge oo u talaabayaa ama ka talaabaya? Siday doontaba ha noqotee quruxda farshaxanka jaldiga buuggani wuxuu indhahaaga ka raali galinayaa wixii buug af-soomaali ah ee jaldi fuulxun ay soo arakeen!

Waxaase sheekadani walwalkeeda leedahay haddii akhristuhu uur leedahay, qalbi jilicsan tahay ama sanboor leeyahay waxaa laga yaabaa inaad ku hafatid fooxa iyo uunsiga ay Asli marba cirka ku aloosayso.

Ayan M Ashour

ayan_mahamoud@hotmail.com

This entry was posted in qoraaga. Bookmark the permalink.

Comments are closed.