Khilaafkii Mayorka Borama Iyo Ururka Jidadka Oo La Soo Afjaray

Khilaafkii U Dhaxeeyey Mayorka Borama Iyo Ururka Jidadka Ee Arna Oo Goor Dhawayd Lagu Dhawaaqay In La Soo Afjaray

Boorama-(Lug)- Shir Jaraaid oo ay wada jir u qabteen Maayarka magaalada Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile iyo masuuliyiinta Sarsare ee ururka ARNA ayaa lagu shaaciyay in xal laga gaadhay khilaafkii mudada u dhexeeyay labada qaybood.

Kulankan ayaa waxa sidan kaga dhawaaqay ugu horayn Ganacsade Muumin Jaamac samaale oo isagu xubin ka ah ururkaasi ARNA, isaga oo arintan ka sii warama ayaa waxa uu yidhi waxa aan xalinay khilaafkii koobnaa ee noo dhexeeyay, waxanan u talaabsanay dhankii wax qabadka anaga oo isku duuban. Muumin Jaamac isaga oo arinta ka sii waramaya waxa uu xusay waxa u qurshaysan ARNA waxana uu yidhi waxa noo qorshaysan in aan wixii qabyo ah ee ilaa hada jira dhamaystirno una soo jeesano dhismaha wadooyin isku xidha gobolada Awdal iyo Salal oo aan u aragno in ay yihiin muhiimadii loo aasaasay ururkan waxanan ku rajo waynahay in aan waqtiga hadhay uga faa’iidayn doono umada.

Gudoomiye ku xigeenka golaha sare ee ARNA Cabdilaahi Xaaji Ciise ayaa isaguna ka hadlay kulankaasi waxana u u mahadnaqay gabi ahaanba bulshada Soamaliland oo uu ugu horeeyo madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin, waxa kale oo uu Cabdilaahi Guul ku tilmaamay madashan ay caawa Fadhiyaan oo ah ayuuyidhi mid lagu soo af jaray khilaafkii koobnaa ee jiray una dhexeeyay maayarka Boorama iyo Ururkan ARNA waxana uu intaasi ku daray in ay waqtigan gacmaha ishaystaan una soo jeesteen waxqabadka iyo daryeelka danta guud.

Khasnajiga guud ee ururkan ARNA ahana Maareeyaha shirkada Dahabshiil ee Boorama ayaa isaguna halkaasi ka jeediyay hadal taarikhi ah waxana uu isaga oo soo halqabsanaya hadalkisa ku bilaabay ” Waxa la yidhi Qudhaanjo Ha Ku Quusato, waxanan ula jeedaa g=fariintan inta aaminsan in aanan waxaba la qabsan karin, waxa aan leeyahay maanta waxa na horkacaya maayar Cabdiraxmaan oo waayo arag iyo astaan u ah waxqabadka wadooyinka ee Boorama, waxanan rabnaa in aan waqtigan wax muuqda ka tagno. Md. Riiraash isaga oo hadlka sii wata ayaa waxa uu xusay waxa ay rabaan in ay qabtaan waxana uu yidhi ” Waxa la gaadhay waqtigii aan Laami dhisi lahayn haba yaraatee ku habsaami mayno cara tuul marka laga reebo dayactirka guud waxanan rabnaa in aan awooda oo dhan isugu keeno waxa yar oo muuqda sidaan u qaban lahayn. Isla goobtaas ayaa Md. Riiraasha waxa uu fariin muhiim ah uga diray qurbo jooga reer Soomaalilan iyo gaar ahaan kan reer Awdal iyo Salal waxana uu yidhi ” maanta waxa aan sheegaynaa in aan waxwalba oo dhexdayada ahaa xalinay waxana aan u soconaa waa dantii guud ee dhulkeena waxa an u baahanahay in aad qaybtiina ka qaadataan oo aad ka qayb gashaan kulmada loogu gogol-xaadhayo wax qabadka guud iyo hor marinta wadooyinka gobololadan Awdal, waxa kale oo aan idiin sheegaynaa in shilinwalba oo aad soo dirsataan uu gali doono meeshii looga baahnaa, waxana aan idiin balan qaadaynaa in aan anaguna la nimaadno xisaabxidho iyo nidaamyo cad oo cid waliba ay ku qanci karto. waxa kale oo Md. Riiraash ku dardaarar dadka gudaha laf ahaantooda in aanay sinaba uga hadhin ka qayb qaadashada dhismaha wadooyinka goboladan waxan uu yidhi waa loo baahan yahay msakaxdiina, maalkiina iyo muruqiinaba. Md Riiraash mar uu ka waramaayay heshiiskan ay wada gaadheen ARNA iyo Maayarka Boorama ahmiyadiisa ayaa waxa uu yidhi waa labo isku baahan, xukuumadu waxa ay u baahan tahay ganacsatada ganacsataduna waxa ay u baahan yihiin xukuumada, waxana ka soo baxaya heshiiskan mudho wanaagsan oo waxqabad dhala.

Madashan ayaa waxa kale oo goob-joog ka ahaa Eng. Mubaarik oo ka socday hayada GAA oo iyadu wax badan oo dhinaca dayactirka wadooyinka ah ka qabatay gobolada Awdal iyo Salal, waxana uu Eng. Mubaarik ku tilmaamay heshiiskan mid muhiim u ah hayadiisa GAA oo uu yidhi ” waa noo farxad in aan aragno mataano isku lamaan oo wax nagala qabta wadooyinka waanan mid loo baahnaa in la helo dadkii u dhashay goboladan oo iyagu wax qabsanaya, hadadan GAA ilaa sanada 2010-ka waxa u qorshaysan in ay wadooyinka halbowlayaasha ah wax ka qabato waxanan ARNA iyo Dawlada Hoosaba la wadaagaynaa waayo aragnimadayada waanan soo dhawaynaynaa.

Maayarka Magaalda Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile Oo isaguna ka hadlay gabagabadii kulankan ayaa xusay in la dhameeyay khilaafkii yaraa ee jiray waxana uu yidhi ” waxa noo dhexeeyay waxa yar waxanan ahayn marka horaba dad leh hal ujeedo oo kaliya waxanse isku haynay meesha  wax laga bilaabayo iyo sida lo osticmaalayo khayraadka yar ee la haysto maantase waxa aan u wada jeednaa hal dhinac waxanan ku heshiinay in laga bilaabo qabashada hawl yar oo muuqata isla markaana raasamal leh. Maayarku isaga oo ka sii waramaya waxyaabaha kale ee ay ku heshiiyeen ARNA ayaa waxa uu yidhi waxa aan isla garanay in dawlada hoose ay wixii shuruucda khuseeya gacan wayn ka siiso ARNA isla markaana agabka dawlada hoose si baahsan loogu isticmaalo dib u dhiska wadooyinka, waxa kale oo aan ku heshiinay in ay ganacsatadu xayn daab u noqdaan dawlada hoose oo aanan inta badan la aaminin anaguna aan noqono kuwo ka qayb qaata waxwalba oo qaadhaan ururin ah oo loo samaynayo hawsha dhismaha wadooyinka, waxana kale oo jirta oo aan ku heshiinay in aan qayb wayn ka noqono dawlada hoose ahaan dayactirka wadooyinka ay dhistay ARNA anaga oo isticmaalayna waayo aragnimadayada iyo agabka Dawlada hoose.

Maayarka ayaa waxa kale oo uu xusay in qurba jooga reer Somaliland oo dhan looga baahn yaahan yahay in ay ka qayb qaataan dib u dhiska wadooyinka Awdal iyo Salal oo uu xusay in ay yihiin meel u baahan wax ka qabaho waxana uu yidhi ” Dhamaan dadka damiirka leh waxna jecel in ay bixiyaan waan soo dhawynaynaa wadooyinka noo hir galana waxa aan ku muujin doonaa calaamado ay ku qoran yihiin cada gacanta ka gaysatay iyo inta ay ku darsatayba, waxanan sidan u yeelaynaa in aan ka marag-kacno dadka aanan sinaba noo hagran oo aan rabno in inta kale ay tusaale lagu daydo u noqdaan. Maayarku waxa uu  saxaafda ka dalbaday in ay iyadauna ka qayb qaadato sidii loo baahin lahaa waraka ku aadan wax qabadka wadooyinka iyo ka qayb qaadashadooda.Waxa uu Maayarku hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay in uu Maalinta Bari ah u amba bixi doono dhinaca dalka Kuwait oo oo hawl u aadayo waxana uu xusay in hawsha Qaadhaan ururinta iyo wacyi galinta wadooyinka ee uu la wadao ARNA ay tahay ahmiyada koowaad ee safarkiisan.

Kulankan oo socday mudo dhawr saacadood ah ayaa waxa laga soo dareeray iyada oo ay masuuliyiinti fadhiday is gacan qaadayso waxana goobjoog ka haa Agaasimaha Fulinta ee Ururka ARNA Siyaad Cumar Cali iyo Madaxa Qaybta Qaadhan ururinta ee Ururkaas Cabdirashiid Xirsi Cali

Lughayanews/Boorama

This entry was posted in news. Bookmark the permalink.

Comments are closed.