Somaliland waxay cagta saartay Jidkii Siraad. Haddii ay dhinacaas u ciirto waxay khatar ugu jirtaa inay muquurato lama-degaan ay ka botorinayaan col iyo abaari; haddii ay dhinaca kale u ciirto waxay foodda la gelaysaa waadigii nabadda iyo caanaha dimuqraadiyadda iyo ictiraafka.
Ergaygu wuxu sheegay Axsaabta siyaasadda ee Somaliland
inuu Somaliland u yimid in uu xog ogaal u noqdo xaaladda Somaliland
inay reer Somaliland talo ka bixiyaan sidii beelsha caalamaku mixnadda uga saari lahayd dadka Soomaaliyeed ee ku silcaya Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.
Dareenkii Naxdinta Lahaa ee Ambassdor Axmed Walid ka Bixiyey Soomaaliya
Ambaassodor Axmed Walid Cabdalla wuxu aad uga dayriyey …
Sidii caadadu ahayd, mar kale ayaa dhinacyada siyaasadda iyo Golayaalsha Qaranka Soomalilayn is weydiinayaan ulajeedada safarka Madaxweynuhu ugu baxay debedda waqtigan.
Iyama ayay Doorteen Axsaabta Mucaaridka ahi? Somalilayn: Sawir kooban: Somalilayn waa dal sabool ah oo aan la ictiraafin. Xaddiga miisaaniyad sanadeedka 2007 wuxu dhammaa USD30 milyan keliya. Waa dal aan lahayn waxsoosaar dhaafsiisan xoolaha nool oo in dhowaaleba dhibaato badani haysatay. Waa dal ay ka jirto shaqo la’aan baahsan shicibka badidiisu yahay ma-qadaan ma-dhergaan.
Maxay Doorashooyinku Muhiim ugu Yihiin Somaliland?
Haddii aynu ku guulaysano qabashada wareegga labaad ee doorashooyinka isbeddelka dimuqraadiyadda Somaliland wuxu yeelanaya qaro waayo waxa gaamuraya oo tisqaadaya mu’asasado aan caalamku indhaha ka qarsan Karin, sida xisbiyo qaran, baarlamaan, golayaal deegaan iyo hay’ado kale oo kuwaas ka sii farcama.