Yusuf X. Adam
Yusuf X. Adam Aw Cilmi Qabilleh waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa bishii July 15keedii, Sannadkii 1914kii, waxaanu ka soo jeedaa caa'ilad weyn oo magaalada Hargeysa ilaa Cadaadley ku baahsan Yusuf X. Adam waxaa dhalay Xaji Adam Aw Cilmi oo ahaa Chief Caaqilka reerka Habar Yoonis Galbeed ee Soomaliland. Waxaa Awow u ahaa Aw Cilmi Qabilleh oo uu dhalay Qabilleh Diriye oo ahaa nin wakhtigiisii caan ka ahaa bulshadii uu la noolaa, kuna magacdheeraa "Qabilleh-GadhlaaweWuxuu Y. X. Adam ahaa Macallin , Diplomaasi, Gabayaa weyn iyo naftii hure halgan weyn usoo galay xornimodoonkii Somaliyeed.
Ogeysiis waxaa iibsan kartaan http://www.yusufhajiadam.com/
Buugaani wuxu ku salaysan yahay halgankii dheeraa ee aabahay Yusuf X. Adam uu u soo galay dalka iyo dadka Soomaliyeed meel kastaba ha joogaane xagga tacliinta, siyaasadda, hiddaha iyo dhaqanka iyo warfaafintaba. Sida ku cad buuggan, taariikh-nololeedka aabahay waxay ku dhex soohan tahay taariikhda dalka. Sidaas awgeed, waxaan mas'uuliyad xoog leh iska saaray inaan taariikhda dalka si saxa u helo, oo sidii uu igula dardarmay aan dhacdada uu ii sheegaba aan dib uga sii xaqiijiyo librariyada iyo dadka ay khusayso.
Waxaan ku faraxsanahay oon ku faanayaa inaan fursad wanaagsan u helay intuu aabbahay noolaa inaan la sheekaysto oon ka qoro waxbadan oo taariikh ah. kow iyo tobankii sannadoood ee noloshiisa ugu dambeeyay oo aannu wada joognay toban kamida.
Aabahay waa abwaan Alle hoodo u siiyey aftahanimo iyo halabuurka sugaanta sida gabayga, geeraarka iyo heesaha oo uu ku iftiimin jirey ujeedooyinkiisa, si uu ummadda u baraarujiyo, u wacyi-galiyo una tusaaleeyo wanaagga waxbarashada, xorriyadda, iyo horumarinta ay ilbaxnnimada iyo dawladnimada dadka iyo dalkaba ay u leeyihiin. Aabbahay ma ahayn qof cilmi leh oo caadi ah. Markuu cimrigiisu gaadhay 86 wuxuu bilaabay inuu afka Dhajka "Dutch language"barto, isagoo doonayey inuu bahda carruurtiisa ugu yaryar uu kula hadlo afkaas maadaama ay Holland ku nool yihiin, oo uu ka baqay inay is afagaran waayaan mustaqbalka.
Alle ha u naxariistee aabbahay wuxuu ahaa nin naxariis badan, deeqsi ah, haddana niyad adag oo dul badan. Waxa uu damco ilaa uu ka midho dhaliyo kamuu hadhi jirin. Waxaa intaas u dheerayd oo uu dadka da'diisa ah kaga duwanaa ilbaxnimo iyo reer magaalnimo. Wuxuu ahaa nin jecel xorriyadda oo aad u dhiirran. Wuxuu ahaa soomajeeste aan wadnehiisu galaw odhan markay timaaddo arrimaha khuseeya waddanka. Gabayadiisa sida ka muuqata dhul jacalkiisu xaddhaaf buu ahaa.
Sagaashankii sannadood ee uu noolaa 65 kamida halgan ayuun buu ku jiray. Wuxuu ahaa nin neceb caadooyinka dumarka dib loogu dhigo. Mar aannu aad u yaryarayn sannaddihii kontonaadkii annagoo magaalada Sheekh deggan, wuxuu hooyaday baray sida gaadhiga loo waddo.
Buuggan waxay qoridiisu iga qaadatay 20 sannadood. Iyadoo siddeedii sannadood ee ugu dambaysay aan meel iska dhigay, si aan u hirgeliyo mashruuc uu jeclaa inuu arko intuu noolyahay. Mashruucaas oo ah Jaamacadda Hargeysa. Taasoo uu sannadkii noloshiisa ugu dambaysay uu ka qayb galay qalin-jebintii ugu horraysay e laga qalin jabiyo. Maalintaasi waxay u ahayd maalmihii noloshiisa ugu farxadda badnaa. Buddhigii Jaamcaddaas wuxu warqadda nulqulkeedu ku yaal buugan eeg Lifaaq Lr.... u diray Maxamed Ibrahim Cigaal oo wakhtigaas Madaxweyne ahaa (AHUN). Wuxuu ku weydiisanayay inuu naga siiyo gacan samaynta jaamacaddaas. Taasoo uu oggolaaday M adaxweyne Cigaal in Dugsigii 1da July laga dhigo Jaamcadda.
May sahlanayn si loo soo kobo 65 sannadoo oo halgan ah, manay suurogelin in la wada helo wixii uu gabay iyo geeraarro tiryey intii uu noolaa. Suugaantiisa haddii la qiyaaso waxaan ku guulaystay inaan helo 25%. In badani waxay ku luntay dagaalladii kala dambeeyey ee Soomaaliland ka dhacay.
Goor galab ah, maalin Jimca ah, bishii Juun 1985kii, ayaa anniga iyo aabbahay Yusuf oo fadhina qolka fadhiga ee gurigii aannu aniga iyo ninkaygii Alle ha u naxariistee General Abokor Moxamad Moxamud (Afdooje) aannu ka degganayn magaalada Pariis ku sheekaysanay. Wuxuu aabbo iiga sheekeynayey waayihii hore iyo taariikhdii noloshiisa oon aad u xiisaynayay. Waxaan xasuusiyey mar uu ka ahaa Lataliye Safaaradda Soomaliyeed ee Kharduum, dalka Sudan, maalin nin ay saaxiib ahaayeen ay is waraysanayeen oo ay iska waraysanayeen halgankii ay soo mareen. Maalintaa waxaan fadhiyey meel aan ka fogayn anigoo wakhtigaas dugsiga sare dhiganayey. Aabbahay ayaa ku yidhi saaxiibkiis goormaynnu qoraynaa wixii aynnu soo marnay. Saaxiibkiis wuxuu ugu jawaabay, waxaynnu soo marnay waxaa ka dambeeyey wixii aan soo maray, waxaanan horta wax ka qorayaa "dagaalkaygii quraaradda" (My battle with the bottle). Wuxuu aabbahay ugu jawaabay anigu buugga aan qori doono waxaa la yidhaahdaa "Geeddigii Noloshayda." Aabbahay markii aan arrintaas xasuusiyey wuxuu ii sheegay inuu wax badan oo qorrallo ah meeleeyey hase yeeshee intii uu debedaha ku maqnaa ay qaarkood dayacmeen qarrna lagala baxay meelo uu ku xifiday. Isla markaas wuxuu i yidhi run ahaantii haddii aan inbadan ka fakaray, wixii aanuu soo marnay ammaba aan soo maray dhinac kastaba ha ahaatee waxay ku wanaagsantahay in qof kale qoro, sababtoo ah haddii aan anigu qoro waxay u ekaanaysaa faan. Somaliduna dhaqan bay leedahay iyo maahmaah tidhaahda "Nin is faanshay waa ri is nuugtay". Wuxuu aabbahay markaa igu yidhi waxaa wanaagsan inaad qortid adigu. Waxaanu igu adkeeyey inaanan buuggaas ka caajisin. Wuxuu ku daray, waxaa kale oon hubaa in uu noqon doono buug dhaxalgal ah oo ummadda tusa raadkii taarikhda dadkeena iyo dalkeena ayuu i yidhi.
Markii aan bilaabay sannadkii 1985 urrurinta iyo iskudubaridka taarikh-nololeedkii dheera ee aabahay Yusuf H Adam dhibaatada aan kala kulmay diyaarinta buuggan waxaa ugu badanaa; buuggag arrintan horay looga qoray oon jirin, dadkii xilligaa noola oo badi geeriyooday iyo qoraallo badnaa oo aabahay keydiyey oo dayacmay ama lumay, intaas waxaa ii dheera anigoo isku dayayey in maclumaadka buuggan ku qorani ay noqdaan kuwa muujinaya taariikhdii dhabta ahayd ee waqtigaas, taasoo igu kalliftay in aan meelo badan ka xaqiijiyo.
Waxa kale oo jirtay in qaybtii koobaad ee taariikhdaasi ay ku jirtay kartoonno lagala baxay gurigii aannu degganayn wakhtigii dagaalladii 1991. Waxaa kartoonnadaas la qaatay ku jiray qoraallo iyo sawirroo aabbahay oo da' yar. Waxa kale oo ku jiray taariikhdii wakhtiyadii uu joogay Masar oo ahayd shaqadiisii koobaad ee diplomaasiyadda wakhtigii uu furay Safaaraddii Somaliyeed ee ugu horraysay ee dal Carbeed laga furo. Isagoo kullanno la yeeshay Jamaal Cabdulnasir iyo halgannadii uu ka galay xorayntii Eriteria iyo Somali Galbeed isagoo ah Diplomasi Somaliyeed. Nasiib darro buuggan qaybahaasi way ka maqan yihiin, taasaana keentay in qoraallka buuggani ila jiitamo. Waxaan ku rajo weynahay in qormada labaad ee buuggan aan kusoo dari doono qaybahaa halkan ka maqan.
Wuxuu buuggaani ka koobanyahay lix qaybood. Waxaase sidaan hore usoo sheegay ku dhex soohan taariikhda ummadda Somaliyeed iyo sidii Isticmaarkii kala duwaanaa u qaybsaday ama ugu tashaday dalkii Somaliyeed iyadoon lagala tashanayn dadkii Somaliyeed.
Halgannadaas kala duwan waxaa sal u ahaa in uu dadka ku guubaabiyo waxna ugu iftiimiyo murti kala duwan sida gabayo, geeraarro ama heeso. Dhibaatooyin aan la koobi karin ayuu kala kulmay halgannadaas.
Halgankii Tacliimeed ee Yusuf X. Adan Si loo fahmo halgankaas tacliimeed ee Yusuf X. Adam iyo Maxamuud Axmad Cali ay soo mareen waxaa lagama maarmaan ah in la fahmo marxaladihii kala duwanaa ee taclimeed ee ka horreeyey halgankaas
- Waxbarashadii Masiixiyadda ee dugsiyadii Berbera iyo Dhaymoole
- Waxbarashadii Islaamiga ahayd
- Waxbarashadii madaniga ahayd ee ugu hoorraysay ee dalka laga bilaabo
- Qorshahii Ingriis ee waxbarashadii dhicisawday ee sannadihii 1924- 1925.
- Bilawgii arday Reer Somaliland ah oo debedda tacliin loogu diro
- Sidii Culimadu ula dagaalantay waxbarashada aan Islaamiga ahayn
- Unuggii Waxbarashadii u horraysay ee ay Somaaliyi Samaysato
Halgankii Siyaasadeed ee Yuusuf X. Adam
- Dagaalladii Talyaaniga iyo Ingriisks iyo saamayntii ay ku lahaayeen Geeska Africa.
- Xabashi iyo sidii ay ku qabsatay dhulkii Somaaliyeed ee ballaadhnaa.
- Qarnigii 19aad iyo dhaxalwareeggii Ummaddii Somaaliyeed.