QAYBTII I-AAD
“Waxa aannu taxanahan kaga faalloondoonnaa “Diin takoor” in muddo ah ay ku hawlanaayeen qaar ka mid ah saxaafadda Soomaaliya lagulana kacayay beelaha Isaaqa. Diin-takoorkaasi oo maanta u gudbay, sida aad ku arkidoontaan maqaalkan iyo maqaalo kale oo taxane ah- heerkii u xumaa ayaa ujeeddada ugu weyn ee ka dambaysaa tahay in lagu tilmaamo shacbiga ku dhaqan Somaliland in uu yahay “Gaalo” iyo “ehelkeed”.
Qormada I aad: “Abshir Nuur Faarax(Bacadle) oo gaalo ku sheegay beesha Isaaq iyo maamulka Somaliland labadaba”
Abshir Nuur Faarax(Bacadle) oo ah nin sarkaal sare ka ahaanjiray ciidamadii dhiigyacabkii Maxamed Siyaad Barre, islamarkaana allifa gabayada oo in muddo ah looga bartay suugaan uu ku difaacayo diinta Islaamka ayaa weerar ba’an oo uu beryahan dambe ku hayay beesha Isaaqa iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland Axaddii 23kii January 2005 gaadhsiiyay heer aad u foolxun.
Abshir oo ay waraysi la yeelatay Marwo Amuun Cabdillaahi Maxamed oo ah soo-saaraha idaacadda Soomaaliga ee Sweden ayaa wuxuu tilmaamay; “In aanay(Somaliland iyo beesha Isaaqu) iyagu diinta Islaamka ku socon, dhaqan lahayn, islamarkaana reer Galbeed haystaan”.
Sheekada keentay waraysiga uu Bacadle kaga dhawaajiyay arrintan u muuqata in ay muddo badan u guntanayd ayaa waxa ay ku timi maqaallo faro badan oo bogga Somalitalk.com ugu gogolxaadhayay hirgelinta ra’yigan “diin takoorka” ah. Boggan ayaa in muddo ah wuxuu taxane ka qorayay sheekada Samsam Axmed Ducaale oo ah gabadh yar oo 15kii August 2004 lagu xidhay magaalada Hargeysa, iyada oo 15kii Diisambar maxkamadda degmada Hargeysa ku xukuntay 5 sanno oo xadhig ah. Dembiga inantan yar lagu soo eedeeyay oo ay aad uga hadleen dadweyne badan oo reer Somaliland ah, islamarkaana qareenno looga qabtay Hargeysa, ayaa wuxuu ahaa mid lagu tilmaamay basaasnimo.
Qaabka iyo hannaanka aan xidhiidh furadka lahayn ee loo soo taxay sheekada Samsam A Ducaale ayaa waxa ay muujinaysaa gundhigga laga leeyahay biyadhaca arrinkan iyo sida ay “baroortu ceesaanta uga weyntahay”.
21 dharaarood ka hor intii aan Samsam maxkamaddu ku ridin xukunkii lagu qaaday waxa magaalada Hargeysa lagu xidhay afar qareen oo u doodayay inanta yar. Nimankaasi may ahayn qareenno ka yimi Soomaaliya iyo meel kale midna ee waxa ay ahaayeen qareenno kiiska inanta yar looga qabtay magaalada Hargeysa.
Bishii Novamber 25dii wuxuu bogga Somalitalk.com soo dhejiyay qoraal laga diyaariyay waraysi ay Raaqiya Cabdillaahi Oomaar oo madax ka ah ururka xuquuqda aadamiga u dooda ee African Rights ay siisay idaacadda Voice of America. Wuxuu boggu qoraalkan soo raaciyay telefoonnadii Raaqiya ee Hargeysa.
27kii Novamber 2004 waxa bogga Somalitalk.com soo gudbiyay maqaal loogu hiilinayo inanta yar ee Hargeysa ku xidhan oo uu soo qoray Maxamed Cabdi Xasan(Diridhaba) oo ah suxufi madaxbannaan oo u dhashay Somaliland.
Qareennada la xidhay, Raaqiya Cabdillaahi Oomaar, Maxamed Cabdi Xasan(Dirirdhaba), ururka Qareennada Somaliland waxa ay dhammaantood ka mid ahaayeen qaybaha kala duwan ee reer Somaliland ee arrintan ka muujiyay dareenkooda, islamarkaana isku deyay in ay u hiiliyaan inanta yar.
Qofkasta oo daacad ah oo la socday shubaasha qumman ee loo darandoorriyay ammuurtani wuxuu ugu horrayn u qaadanayaa in gundhigga sheekadu tahay “raadinta xuquuqda Samsam Axmed Ducaale”, haseyeeshee haddii loo sii kuurgalo waxa bilowgiiba kuu muuqanaya ifafaalo tilmaamaya halka bud-dhigga arrintani u socoto.
Bishii Oktoobar 20dii maqaal uu daabacay bogga Somalitalk.com wuxuu ku bilaabay sidatan:- “Waxaa noo suurtagashay inaan wax ka ogaano asbaabaha keenay in la xiro lana faro xumeeyo, waa sida haya,adaha xuquuqda Aadamaha udooda xaqiijiyeene, Samsam Axmed Ducaale oo ah gabar yar oo hadda madaxa la gashay 16 sano ayaa ilo kala duwan noo sheegeen in arinteedu madaxa la galayso oo ugaar tahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, taaso salka ku haysa kala afkaar duwanaasha Xagga diinta,”
Sida ku cad maqaalkan waxa jirta kala afkaar duwanaansho xagga diinta ah. Waxa muuqata in habdhaca sheekadu ka gudbayso xadkii u doodista xuquuqda Samsam Axmed Ducaale oo ilaa imika u ekayd in loo dhanyahay, Somaliland iyo Soomaaliya, una baydhayso mid qolo lagu takoorayo oo weliba diinta Islaamka laga dhowaysanayo sida ku cad gunaanadka Abshir Nuur(Bacadle).
27kii Diisambar 2004 ayaa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo qore joogto ah ka ah bogga Somalitalk.com soo gudbiyay maqaal uu Abshir Nuur Faarax(Bacadle) kaga codsanayo in uu doonnida ku soo boodo. Fahad Y X Daahir oo ah ruux ay qoraalladiisa farshaxannimo ka muuqato ayaa wuxuu u dhigay codsigiisa qaab dadban, haseyeeshee muujinaya ujeeddada uu leeyahay iyo sallaanka gaarka ah ee uu jecelyahay in Bacadle ka soo fuulo doodda.
Wuxuu qoraagu kaga bogtay codsigiisa “Gabyaagii wahaabiyada maxaa hadal looga waayey?”, isaga oo muujinaya sida uu u jecelyahay inuu Bacadle xadhig gaar ah uga soo garaaco sheekada. Si haddaba Fahad sheekada ugu ilaaliyo dahaadhka loo daayay ee ah “doonista xuquuqda Samsam” wuxuu Bacadle kala dooransiiyay shan god oo uu af reer magaal ku leeyahay ka aynu ognahay soo deg. Shanta god ee maqaalku taabtay waxa ay kala ahaayeen 1. Dawladda Nayroobi lagu soo dhisay, 2. Ciidamada Itoobiyaanka ah ee la hadalhayo in Soomaaliya la keeno, 3. Dalladda Culimada Soomaalida ee Muqdisho, 4. Dekeddda iyo Garoonka Muqdisho iyo ugu dambayn 5. Gabadh yar oo Samsam la yiraahdo.
Faahfaahinta uu Fahad raaciyay godka shanaad ee uu codsiga Bacadle ku darsaday wuxuu u dhigay sidatan: “Gabadh yar oo Samsam la yiraahdo ayaa muddo dheer ku jirta xabsi Hargeysa ku yaal, arinteedana waxaa ka hadlay qolyihii Xuquuqul Insaanka ee aad mar gabayga ku maagtay. Su'aashuse waxay tahay Bacadle muu u gabyo qolyaha gabadhaas haysta”.
30kii bishii Diisambar 2004 ayuu Abshir Faarax Nuur(Bacadle) xafiiska wargeyska Ayaamaha ee Muqdisho soo gaadhsiiyay, sida bogga Somalitalk.com sheegay hordhicii gabay uu kaga hadlayo godkii shanaad ee uu ka dalbaday Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Erayada uu soo hormariyay Bacadle waxa loo dhigay sidatan:-
“Guddiga Habar-magaalood wanjalay
Gabaraan Qaan-gaarin
Duqa ILAAHAY gafiyay gabadha ii daaya
Go’aankooda Higiskaa ma waan gobi ka shuureyn.......... Bacadle”
Isaga oo abwaanku ka bilaabaya gabaygiisa beel ayuu wuxuu ballanqaaday inuu toddobaad ku soo dhammaystiridoono.
Saddexdii bisha January ee sannadka 2005 ayaa waxa bogga Somalitalk.com soo daabacay gabay ka yimi Bacadle.
Sidii uu qorshaha inta badan la soo dhisayay ahaa gabayga ka yimi Bacadle kuma bilaabmin xuquuqdii inanta ee ay ahayd in dhammaan dhinacyada ay khusayso oo dhammi iska-kaashadaan. Wuxuu gabaygii, isaga oo ku halqabsanaya guddoomiyaha ururka mucaaradka ah ee Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ku bilaabmay kala go’ii labada jamhuuriyadood ee Somaliland iyo Soomaaliya. Wuxuu markaas ku dacaldhebay oo qiiq uu isku qariyo ka dhigtay dacwaddii inanta yar.
Wuxuu uga gudbay beel uu, sida uu u dhigay leeyahay waxa ay u bahowday waxyeellada gabadha yar. Wuxuu Bacadle markaas ku raftay gabaygii isaga oo galay “jaad” iyo arrimo caar ah oo la odhankaro waa tii meesha tiil ee iska-kaashigeeda loo baahnaa oo kale. Wuxuu bartan Abshir gaadhay haweenay kale oo ay ahayd inuu u xurmeeyo sida uu leeyahay waxa aan u xurmaynayaa Samsam.
Abshir laga bilaabo goobtaas wuxuu u dhaadhacay dulucdii in badan loo soo gogolxaadhayay, dulucdii loo diyaariyay maqaallada faraha badan, dulucdii loogu talagalay in ay gogol saldhig u noqoto nuxurka uu Abshir Bacadle ku gunaanaday waraysigiisii uu siiyay idaacadda Soomaaliga ah ee Radio Sweden. Isaga oo ku noqonaya beeshii uu gabayga ku bilaabay, ayuu carrabka ku dhuftay gunnimada uu meel u dhigay iyo sida ay Xabashi uga agdhowyihiin.
...................................................
La soco qormada IIaad ee taxanahan aannu ku eegayno “Diin-takoorka” iyo “Cadaawadda” culimo-sheegato iyo saxaafadda .Soomaaliya ee ku aaadan beelaha Isaaqa iyo maamulka Somaliland.
Somaliland.Org News Desk
Qaybaha kale ee qoraalkan: 1 ... (2) ... (3)
-- Qoraalo kale oo la xidhiidha: --
Hayeeshee Guhaaddiyo Halkaad; Gelisay Baaruudda’ Abwaan Cabdilaahi Cawed Cige
Dhallaankuba Ka-gaabsade, Ninkii Xamar Ka Geeraaray! Sayid M Yusuf
GABAY: Jawaab Ku Socota: Abshir Nuur Faarax (Bacadle) - Mohamoud H. Nugidoon
GABAY: Guddoon - Maxamed Cali Cartan