HAL-KA-HALEEL WAA BUUG CUSUB OO UU QORAY SUXUFIGA MAXAMED BAASHE XAAJI-XASAN
www.Hadrawi.com — London,UK — 28 April, 2004

HAL-KA-HALEEL waa buug cusub oo uu qoray suxufiga Maxamed Baashe Xaaji-Xasan ahna qoraa culus. Maxamed isagoo qalinkiisa Af-Soomaali-maalka ah u adeegsanaya, aqoon iyo xeel-dheeri durugsan oo salka ku haysa xidhiidh gaar ahaaneed iyo saaxiibtinnimo muddo dheer soo taxnayd oo ka dhaxaysa isaga iyo abwaanka uu buuggu ka qisoonayo (Hadraawi), waxa uu buuggan ku soo ururinayaa oo kaga sheekaynayaa inta ugu badan ee taariikh-nololeedka iyo sooyaalka abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), isagoo ka soo bilaabaya tan iyo carruurnimadiisii ilaa iyo maanta.

Waxa kale oo qoraagu buuggan HAL-KA-HALEEL kaga faalloonayaa, ku qeexayaa, ku kala haadinayaa, kuna kala shukulayaa shakhsiyadda abwaanka, iyo qaybo badan oo suugaantiisa ka mid ah oo uu sharraxaad dheeraad ah kaga bixinayo. Gaar ahaan wuxuu Maxamed si gaar ah buuggan ugu sii iftiiminayaa maansooyinka Hadraawi uu curiyey intii ka danbeysey Diiwaan maanseedka HAL-KARAAN, taasoo qoraagu ugu yeedhay ama uu u bixiyey MAANSADA RUN-KU-SII-DURUGGA AH ee Hadraawi. Waayo buu yidhi, waa suugaan ka duwan tii hore ee Hadraawi, waxayna ka hadlaysaa abuurta iyo xaqiiqada nolosha ka dhex jirta.

Buuggan HAL KA HALEEL wuxuu dhaayaha akhristayaasha hor iman doonaa, hadduu Alle idmo mustaqbalka dhow. Wixii faahfaahin dheeraad ah waxa lagala soo xidhiidhi karaa E-mailada kala ah:

Maxamed Baashe: mohamedbashe@hotmail.com
Yaasiin-Suldaan Suldaan@aftahan.com

Hadrawi Official Website: www.Hadrawi.com

Archives

Archived articles dated before November 2007

2007

2006

2005

2004

2003