WADDANI iyo Soomaaliya oo ka Midaysan is Hortaagga Qaddiyada Somaliland

200952662437523734_5
Saldhiga Imaaraadku waa jidkii Somaliland ku godlan lahayd maalqabeenada khaliijka carabta

Cadowga Somaliland, waxa uu makarafoonada tushuushka lagu gelinayo shacabka u soo dhiibaa siyaasiyiinta mucaaridka ah iyo dad sheeganaya aqoon-yahanno, kuwaasi oo qasdigoodu yahay inay badhaadhaha bello ugu sawiraan. Hase yeeshee waxay u barteen inay muddo been dadka ku dhego barjeeyaan oo ay dharaaro TV-yada la soo fadhiistaan.
Haddaba waxaan jecelahay inaan qormadan ku dul istaagno ahmiyadda siyaasadeed, dhaqaale iyo faa’iidooyinka togan ee ugu jira Somaliland, qorshaha imaaraadka carabtu ay saldhig millatari kaga furanayaan magaalo xeebeeda Berbera.waxaana ugu muhiimsan qodobbadan:-
1- Waxa uu wax weyn ka tari doonaa nabadgalyada gobolka guud ahaan, gaar ahaana dekada Berbera iyo marinbiyoodkeeda, kaasi sahli doona fududeyna doona isticmaalka dekada.
Saladhigani waxa uu magaalada Berbera iyo dekada ka dhigi doonaa buqcad ay ku soo hirtaan maalgashadayaasha caalamku oo ay hantidooda ku aamini karaan. Waxay kor u qaadi doontaa gaadiidka dhulka , cirka iyo badda ee istica Berebera.
2- Waxa qiimahoodu hoos u dhici doonaa bagaashka iyo shixnadaha kale qiimaha lagu keenno wadanka iyo ka lagu caymiyo, kol haddii amniga marin biyoodku helay ciidan cudud leh oo suga amniga. Dekada Berbera waxay ka dhigi doontaa mid la jaan-qaada dekadaha caalamka oo la tartan kuwa kale ee mandaqada ku yaalla.
3- Dhismaha marinka ganacsi ee isku xidhi doona dekada iyo Marsada Berbera (Berbera Corridor) oo lagu qiyaasay lacag ka badan 300 milyan oo dollar in uu ku kici doono iyo waliba mid xadiidka tareenka ah oo isku xidhi doona Somaliland iyo Itoobiya.
4- Wuxuu saldhigani suurto-gelin doonaa in beeraha dalka imaaraadku ka iibsadeen Itoobiya waxa ka soo baxa laga dhoofiyo oo aanay dekadda Berberi noqon uun mid wax laga soo dejiyo ee ka dhigi doonta mid Imaaraadku iyo Itoobiyaba wax ka dhoofiyaan.
5- Dhismaha madaarka Berbera ee caalamiga ah, wuxuu soo jiidan doona maalashi caalamiya iyo dalxiisayaasha.
6-Mashruuca saldhigu wuxuu kor u qaadi doonaa qalabaynta , tayaynta iyo dhismaha qalabka Ciidamada badda, dhulka iyo cirka ee Somaliland, waxaanay tababarrada ay ka kasbadaan u sahli doonaa gudashada difaaca soohdimaha dalka.
7- Imaaraadka oo noqon doonta dal qaddiyadeenna ka difaaci doona fagaareyaasha caalamka sida Jaamacada Carabta, qarramada Midoobay iyo Ururka dalalka Islaamku ku bahoobeen.
Maslaxada Somaliland iyo danaha Somaliland ee calaamka iyo gobolka uu kaallinteedu noqon doonto mid muuqata oo soo dedejin doonta aqoonsi caalami ah oo dalku helo. Waxaanay muujin doontaa buqcada istaraatajiga ah ee Illaahay ku abuuray dadka reer Somaliland.
Shaqo abuurka oo ah baahida ugu weyn ee dalka ayuu wax ka tari doonaa.
8- Saldhigan Milarari dalka Itoobiya wax saameyn taban ah kuma yeelanayo. heshiisyadana waxa ku jira in aan lagaga weerari doonin dalalka jaarka ah, Itoobiya oo aynu xidhiidh iyo wada shaqayn dhanka amniga leenahayna way la socotaa waanay og tahay.
Siyaasiyiinta mucaaridka ah ee dagaalka hubsiimo la’aanta ah ku jira ee leh, waxa saldhigan diidan Itoobiya. Waa been sida xumbada u gudhi doonta. Dadka saldhigan ka soo horjeedaa ma oga in Itoobiya iyo Imaaraadku ay leeyihiin iskaashi dhinaca millatariga ah oo ay wax wada qabsi ka dhaxeeyo.
Waxa jira in dalka Turkigu uu ka mid yahay waddamada diidan saldhigan, iyagoo dalka Soomaaliya ka sameysanaya saldhig millatari oo hubaynaya dawladda itaalka daran ee Soomaaliya oo ah cidda qudha ee Somaliland qaranimadeeda halista joogtada ah ku haysa ee loo baahan yahay in aynu la nimaadno xeelad diblomaasiyadeed oo ka sareeya qorsheyaasha ay u maleegayaan si ay Somaliland u muquuniyaan.
Waxaan qabaa in dalka saldhigyada ugu badan ee millatari ay ka furan yihiin ee mandaqada ku yaallaa uu yahay wadanka Jabuuti, iyaguna maalgashi iyo dhaqaale ay ka faa’iidaan mooyaane khasaare kama joogaan.
Sidaas darteed, waxa shacbiga Somaliland la gudboon inay ka ilbaxaan shugux-shuguxda dadka aan xilkaska ahayni ay tumayaan. Waxaana habboon in xukuumaddu ay ka fikirto horumarinta dalka balse aanay dheg u dhigin hadaaqyada cadowga loogu adeegayo ee afka loogu riday dad u dhashay Somaliland oo iyagoo aan is ogayn ama aqoon darro hayso doonaya inay isbaaro u dhigtaan tallaabo kasta oo hore loogu qaadayo himilooyinka qarankan.

XIGASHO:WARGEYSKA DAWAN