Xildhibaan Cabdi Laki Oo Soo Dhaweeyay Saldhiga Militari Ee Imaaraadku Doonayo

Xildhiban Laki
Hargeysa(Somaliland.Org)-Xildhibaan Cabdi-laki Xasan Nuur oo ka tirsan golaha degaanka Burco ayaa soo dhaweeyay Saldhig Militari oo dawladda Imaaraadku ku yeelato magaalada Hargeysa. Waxa uu sheegay inuu ka qayb qaadanayo horumarka Somaliland loona baahan yahay in bulshadu soo dhawayso, isagoo mucaaradka ugu baaqay inaanay siyaasadayn arrimaha horumarka.

“Waxaan taageersanahay Saldhiga Militari. Dad aan jeclayn horumarka oo dalka hagardaamaynaya ayaa baryahan sifooyin khaldan ka bixinayay Saldhiga, waxaan ugu baaqaya dadka horumarka dalka hagardaamayna inay ka waantoobaan oo aanay horumarka siyaasadayn oo aanay mucaaradad ka dayin oo aanay ku jiqsii ka dayin,” ayuu yidhi Xildhibaanka oo u warramayay wargeyska Warsugan.

Xildhibaankan oo da’diisu yar tahay ayaa dad uu ugu yeedhay Fadhi ku dirir wuxuu ugu baaqay inaanay wakhtiga ka carqaladayn dhalinyarada u baahan shaqo abuurka iyo horumarka “Xisbiyada Mucaaradka waxaan leeyahay ka daaya siyaasadaynta wixii horumar ah, wixii kaleba ka hadla laakiin, wixii horumar ah taageera kuna hambalyeeya Xukumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, hana niyad jabinina haddii kale idina haddaad guulaysatan taas ayaa idin hortaalla” ayuu yidhi Mudane Cabdilaki.

Xildhibaanku wuxuu mudaneyaasha Baarlamaanka ugu baaqay inay ansixiyaan Saldhiga Militari oo wax ka taraya la macaamilka dunida iyo citiraafka Somaliland raadinayso “Xildhibaannada Baarlamaanka waxaan leeyahay waxaa la idiin doortay inaad dalkan horumarkiisa iyo maalgalintiisa taageertaan, la idiinma dooran in la idiinka warwaro inaad horumarka hor istaagtan, waxa la idinka rabaa inaad umadda ka saartan shaqo la’aanta iyo fakhriga,” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaankan ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa ku baaqay in bulshada Somaliland meel uga soo wada jeedsato arrimaha horumarinta ah ee heshiisyada caalamiga ahi ka mid yihiin, islamarkaana aan dheg loo dhigin dhalliilaha ay faafinayaan dadka fadhi ku dirirka ahi.

Somaliland.Org/Hargeysa