“Saldhiga Milateri ee UAE Waxaanu ku Qanacsanahay Inay Tahay Wax faa’iido Inoogu Jirto Qaran Ahaan”

DSC_0050 (4)
Hargeysa(Somaliland.Org)-Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka hadlay ujeedada safar ay ugu baxeen dalka Itoobiya isaga iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada oo ay wehelinayaan Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye oo isagu ka sii horeeyey iyo qaar ka mid ah Wakiilada Somaliland ee dalalka dunida u fadhiya Somaliland.

Wasiir Maxamuud oo arrintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Annagu waxaanu aaminsan nahay maalgashi dalka loo doono oo lagu dhiirado inay tahay dariiqa kaliya ee wadanku ku horumari karo, waxaanu aamin-sanahay Somaliland inay u baahan tahay saaxiibo siyaasadeed iyo inay u baahan tahay saaxiibo dhaqaale.

Hadba inta aynu saaxiibo helno ayeynu heli karnaa maalgashi, ayeynu heli karnaa in qaranimadeenu ay cago adag isku taagto, hadaynu dunida go’doon ka galno oo saaxiibo kasban kari wayno siyaasadeedna dibadu waxay gali kartaa cidhiidhi, sidaa darteed annagu waxaanu aamin-sanahay ceelalyo ayaanu dalka u nahay, waayo waxaanu nahay xukuumaddii talada qarankan haysay Axmed Siilaanyo waa Madaxweynihii la doortay, Cabdiraxmaan Saylicina waa Madaxweyne ku xigeenkii la doortay, umaddu dee labadaa nin ayey dooratay annaguna waxaanu nahay kaaliye-yaashoodii waxaanu ku shaqaynaa fikirkooda iyo hamigooda.

Ceelalyo ummadda uma aha kuwa maqaaxiyaha fadhiya ee fadhi ku dirirka talo aduun ka yaqaanaa ee cudurada horumar nacaybka iyo maalgashi diidku ay ku dhaceen, kuwaasi umadda ceelalyo uma aha, xilna ma hayaan, ILAHAY-na cida uu kala xisaabtamayaa waa cida loo doortay, umadda Somaliland-na annaga ayey nagala xisaabtamaysaa, waana la noolaan doonaa oo taariikhbaa dunida ka hadhi doonta. Nebigu (SCWS) wuxuu yidhi “ ninka ceelalyada ahi bahdiisa been uma sheego.” Dee waabu u maqan yahay siduu been ugu sheegaa?, annagu waxaanu nahay ceelal yada meeshii doog leh ayaanu dadka u hayaaminaynaa, talaabadii DPWorld ee dekedad Berbera ayaanu ku dhisaynay waxay ahayd talaabo saxa, dunida oo dhan baa ka markhaati kacday dariiq sharci ah ayaanu marinay, arinta saldhiga milaterina iyadana waxaanu u aragnaa oo ku qanacsanahay inay tahay wax faa’iido inoogu jirto qaran ahaan, dunida wax aan khasaare iyo faa’iido lahayni ma jiro, waa sunaha nolosha, bini-aamdanku labada ayuunbuu is barbar dhigaa maxaa faa’iido ka helaysaan iyo maxaa khasaare ku jira?, annagu waxaanu aamin sanahay khasaaraha ku jira saldhig milateri oo aynu dawladda Imaaraadka siino inay ka badan tahay, oo si weyn ugu badan tahay faa’iida aynu ka helayno, Imaaraadku danbuu doonayaa inagguna dan baynu doonaynaa, waynu isku danaysanaa, waxa muhiim ah uun inaynu danteena qorno cadaato, waxa aynu faa’iidayno.

Madaarka Berberi shalay wuxuu ahaan jiray saldhig milateri Ruush ayaa dhisay, wuu ka tagay, horumarkii laga sameeyey iyo kaabayaashii dhaqaalaha inaga dhaxalnay muu laalaaban Mooskana lamuu tagin, talaabadii laga bixiyey, taariikhdu maanta waxay qiraysa Maraykan iyo Ruush talaaabooyinkii lagu siiyey in aanay ahayn talaabooyin khaldan.
Wixii daar iyo hanti ah waa la kala dhaxlaa, wixii caloola galay maanta cidna ma hayso, halkay ku dambeeyeena waynu garaynayaa, ragii qaatayna waynu ognahay, laakiin maanta hantidaas ayeynu haynaa oo waa wax la inooga tagay.

Dunidu saldhigyada milateri way bixisaa maaha wax caagan , danno-na way ku bixisaa, ka doonayaana dano ayuu wataa, ka laga doonayaana dantiisa ayuu eegayaa wuu u kitaab furanayaa annagu waa u kitaab furanay waa u rognay, waa gorgortanay marba gacanta ayaanu is galinay kordhi, waar hadda waxaanu leenahay kordhi lacag tuurta lagu qaado maaha, ee waa wax ummadda dhaxal u noqda, gollahaas ayaanu keenaynaa, qarsan mayno, meel madow wax kulamaanu saxeexan.

Waxaanu keenaynaa halkii ay ahayd, waa halkee halka u habooni? Ma suuqa ragga joogaa? ma ragga gidaarada fadhiyaa? Waxaanu hordhigaynaa Umaddu ciday dooratay ee dastuurka qaranku awooda u siiyey inay arrimahaa ka go’aan qaataan.

Waxaanu nahay xukuumad isku kalsoon oo waxay aamin san tahay fagaareyaasha keenta oo aan la biqin oo aan odhan golahaa gayn mayno, Anigu waxaan ahaan jiray mudane golaha wakiiladda ka mida waxaanu xukuumadaha ka baryi jirnay waar heshiisyada keena, annagu maanta anagga la ordayna oo horgayna, DPWorld ayaanu gaynay, qoodhi fagaare ayey ku warsheegootaa, kana waa gaynaynaa golayaashu haday diidaana halkaas ayaanu kaga hadhaynaa, haday ogolaadaan halkaas ayaanu ka wadaynaa cid joojin karntaana ma jirto raga suuqa ka hanjabayaa ma joojin karaan “ Iska hadlow ina igare” ayaanu leenahay, waxa weeye haday golayaasha sharcigu naga reebaan waanu u hogaan samanaynaa, uma naqaano haday golayaashu nagu diidaan wuxu yidhi “ Gambi ayaan ku dhaartaye guul kuma dhaaran” annagu in aanu wax keeno ayaanu amran nahay.

Dawladda Imaaraadka carabta waxaanu u sheegnay saldhigaa Milateri iyo waxaa aynu isla fahanay dal dumuquraadi ah ayaanu nahay dal idinka duwan ayaanu nahay, anagga boqor qudhi nooma taliyo madaxweyne la doortay oo sharciga codkooda iyo dareenkooda qiimayna oo laba gole dhaabad u yihiin ayaanu nahay, haday na diidaan waxaa waxba kama jiraan, waanu ku go’naa ayey yidhaahdeen.

Halkaas ayaanu keenaynaa, labada golle ee umadda u talinayey ayaanu hor dhigaynaa wixii aanu la gaadhay ayaanu hor dhigaynaa, qarsan mayno, xaq waxa ay u leeyihiin inay diidaan iyo inay ogolaadaan labadaba waa awoodooda, anaguna soo bislaynta ayaanu leenahay iyagu dheri ka gurista ayey leeyihiin, way noo qayb san yahay xilku.

Xaajo nimaan ogayn indha ayuu ka ridaa, ragga suuqa wax ka booshaaqayaa waar namabay waydiinba, ma naanu hadlin namanay waydiin waxaanu wadno, haday yihiin dad wadaniyiin ah may u yimaadaan Madaxweynaha qaranka oo wanaag wada, oo cuduradaa aan ka waramayey qaba may u yimaadaan Madaxweynaha, may noo yimaadaan oo yidhaahdaan waar waxan aad wadaan waa maxay, miyaanu la dhukusaynaa? Sownaga umadda acyaanteedii ku wadna.

Afar arrimoodba wax buu ka tarayaa, annagu waxaanu aamin sanahay nabad galayada Somaliland in aanu uga darayn ee uu wax weyn ku kordhin doono saldhigaasi, waaba saldhig milater ee siduu uga daraa? Amniga badeedna ayuu wax ka tarayaa dhismaha ciidamadeena ayaa ka tarayaa.nabad galyada wadankan uga biqi mayno mashruucan, waxbuu ku kordhinayaa xaqiiq iyo daloolana waanu keenaynaa.

Waxaanu beeninayaa, in dalka Masar waa saameyn ah iyo wax raad ah, iyo wax lug ah in saldhiga milateri ee berbera kuma laha, dawladda Imaaraadka difaac wadaag ah ma laha, dunida laga soo heli maayo hal meel oo askari masri ah iyo askari imaaraati ah ay ka wada hawl galaan. Xitaa dagaalka Yamaneed kuma wada jiraan, heshiis yadanaya waxa ku cad in aan dawlad kela garoonkaa isticimaali karaynin, markaa dad col ah meesha isu keeni mayno, mandiqada dab sudhi mayno ee nabada, horumar iyo iskaashi ayeynu abuuraynaa dawladda itoobiya walaalo ayeynu nahay, saaxiib-na waynu nahay, saaxiibo guun ah ayenu nahay, saaxiibtimadeenu waa is waynaanaysaa, dawlada imaaraadka hadaynu saldhigaa siino oo ay yimaadaan ka bi’i mayso kama xumaan mayso, waana laba dal oo saaxiib ah, xogogaala yaanu u nahay, waar cidi noogama xogogaal sana umadda xukuumadeedii ayaanu ahay raga halkaa ka hadlaya ee leh Itoobiyaa ka xumaanaysa, masar ayaa ku jirta waar wax ay ogyihiin ma jirto. Qofku wax aanu ogayn kama waramo, haduu ka warama waa ceeb, waa nusqaan jahliga ayey ka mid tahay.

Arrinta labaad horumarka wadanka ayey wax ku soo kordhinaysaa faa’iido ayenu ka helaynaa, meesha waynu kiraynaynaa, mashaariic waaweyna ayaa laynoo qabanayaa oo cidi inoo qaban kari wayday, shan iyo laaban sanadood aynu dhisan kari waynay berbera corridor laba boqol iyo lixdan milyan ayaa ku baxaya wadada cusub Berbera ilaa wajaale, qaadhaan ayaa layno dhigay soddon milyan oo Yuuro ayuu dhaafi waayey, waa halkaynu wadaa ka dhisi lahayn, badalka saldhigaa, kow ayuu mashruuca wadadaadsi ka yahay in dawladda Imaraadku inoo dhisto, waxa ka mida in mashaariic waaweyn oo biyood, Tamar iyo kuwo waxbarasho, iyo kuwo caafimaad inay inaga caawiyaan waxaasi sadaqad maaha, lacag weyn ayaa inooga soo baxaysa, inagu sanado ayenu siinaynaa, inaga waxa layna siinayaa aduun weyn oo aynu dalka ku dhisano.

Siyaasadana saamayn ayuu ku leeyahay saaxiib weyn oo inoo soo kordhay weeye, waar Somaliland inaynu dano ka abuurno ayeynu u baan nahay, annagu waxaanu aamin saameyn in siyaasada dibada Somaliland waxa ka maqani ay tahay dano aynu abuuri kari waynay, dano ayaanu abuuraynaa dunidu ay dugsato, nin waliba uu dhawro, dano iyo saaxiibo fiican kuwo hore iyo kuwo dambe ayaanu abuuraynaa.

Annagu wax welwel ah ma qabno, waxaa ayaanu dawladda Imaaraadka wadahadalna noo dhexeeya ee aanu isla fahanay iyo markaanu xisaabinay saldhigaa waxa ka imanaya waakaas, waxay na waydiisteena waa Madaarka Berbera, 70Km dhul la xidhayo iyo waxaasi waa dad aan xog hayn, rag waaweyn oo masuuliyiin ah ayaa intay fagaare soo istaagaan leh 70KM oo dhinac walba ah, waar ILAHAY ka cabsada ayaanu leenahay oo waxaa sheegaysaan u miidaan daya, ILAHAY (SWT) wuu idin waydiin doonaaye.

Khilaafka iyo dagaalka Yeman ka socda, annagu Madaxweynaha Jamhuuriaydda Somaliland khudbad sanadeedkiisii ayuu ku cadeeyey, siyaasadeedna ku wajahan wadanka Yeman, annagu siyaasadayadu waa taa, annagu waxaanu la jeeni nahay oo la jaal nahay, dawladdahaa is bahaysiga carabta, ee suniga ah laba labayn mayno, annagu fariiqada shiicada ma nihin, ee waxaanu nahay fariiqada suniga ah Umaddani waa sani, imikaba dhinac ayenu nahay, Wariye dhex ma nihin ee dagaalka dhinac ayeynu ka nahay, dagaalku ka gacanta oo kaliya maaha, arrin caqiido salka ku haysa intay tahay ayaanu aamin nahay, waxaanu la jaal nahay wadamahadaas. Imaraadkuna waa ka mid kuwaas, inaan belo ka iman ma damaanad qaadaysaa?, mayee damanad qaadi mayno, Ummad jirta eyeynu nahay cidii ina soo doonatana waynu iska celinaynaa, Umana rag li’in, kuwan aynu maanta is kaashanaynaa jaalalka aynu leenahay ayey ka mid noqonayaan. Xuutiyiina ka biqi mayno rag baan arkayey bulshada bajinaya oo leh balaa cirka ka soo dhacaysa, waar qaran xoog oo waayo araga, oo dagaalka yaqaan oo nabadda qayaan, oo godabta yaqaan ayeynu nahay, iyagaaba cidiidhi ku jira, waana u hub samaynayaa”.

Somaliland.Org/Hargeysa