‘Dalka Kuwait Waxa uu Inoo soo Dirayaa Cunno iyo Ceelal Biyood Laga Qodi doono Dalka’ Wasiir Xaashi

Kuwait (Somaliland.Org)- Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa shaaciyey in maalmo yar gudahood ay dawaladda Kuwait Somaliland soo gaadhsiin doono deeqo ku wajahan wax ka qabasahdda abaaraha dalka ku jira, oo isugu jira Cuno, dawooyin iyo ceelal biyoodyo la qodi doono, sida lagu sheegay qoraal dawladdu soo saartay maanta. Wasiirka oo hoggaaminayey […]

Somaliland: Qodobbadii Madaxweynuhu kala hadlay ku-xigeenka Ergayga gaarka ee xoghayaha QM

Hargeysa(Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Qarrammada midoobay iyo Hay’adaheeda kala duwan iyo ururrada caalamiga ahba ku dhaliilay inaanay wax kaalmo ah oo muuqata kaga jawaabin qeylo-dhaantiisii uu hore ugu baaqay in gurmad deg-deg ah lala soo gaadho dadka abaaruhu taseeyeen ee ku dhaqan Somaliland, kuwaasi oo uu xusay in haatan […]

Somaliland: Guddida Xakamaynta Sicir-bararka oo Heshiis la Gaadhay Shirkadaha Jaadka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddida heer Qaran ee la dagaallanka qiima-dhaca Shilinka Somaliland iyo sicir-bararka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay natiijada ka soo baxday kulan ay la yeesheen ganacsatada Jaadka (Qaad), waxaana kulankaasi oo shalay ka qabsoomay xarunta baanka dhexe ee Somaliland lagu kala saxeexday heshiis ka kooban saddex qodob. Guddidani waxay sheegtay in kulankaasi lagaga […]

Wasiirka Khaarajiga Itoobiya oo waraaqahii Aqoonsiga ka gudoomay wakiilka cusub ee Somaliland

Somaliland oo codsi cusub ee xubinnimada u gudbisay Midowga Afrika Addis Ababa(Somaliland.Org)-Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu ayaa waraaqahii aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Cusub ee Somaliland dhowaan u magacowday dalkaa Amb. Cali Salaan Jirde (Cali-Shoombe). Wasiir Dr. Gebeyehu oo shalay ku qaabilay xafiiskiisa safiirka Cusub ee Somaliland Amb. Cali Shoombe ayaa muujinaysa sare u […]

Somaliland: Wefti ka Socday Xukuumadda oo u Kicitimay Dalka Kuwait

Hargeysa(Somaliland.Org)- Wefti Wasiirro iyo xubno ka tirsan Guddida gurmadka abaaraha ee qaranka iskugu jiray, ayaa maanta u kicitimay dalka Kuwait, halkaasi oo ay u tagayaan sidii ay gargaar uga dooni lahaayeen dadka ku tabaaloobay abaarta ba’an ee ku habsatay gobollada bariga Somaliland. Weftigan Wasiirrada ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, […]

Dullucda Wareegto Madaxweynaha Somaliland maanta soo Saaray

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silanyo: · Isagoo gudanaya Xilka iyo Masuuliyadda Distooriga ah ee Xukuumadiisa ka saaran ilaalinta iyo la socodka qiimaha Shilinka Somaliland oo ah lacagta Sharciga ah ee uu Qarankani leeyahay; · Isagoo ay ka go’antahay in si rasmi ah loola dagaalamo Qiima-dhaca Shilinka Somaliland; · Isagoo gudanaya masuuliyadda Xukuumadiisa ka saaran […]

Cali Khaliif oo ku Gacan-saydhay Xubno ku Baaqday in la Hakiyo Wada-hadalka u Socda Somaliland

By:- Khadar M .Xaashi Buuhoodle(Somaliland.Org)- Hoggaamiyaha Kooxda khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo ay weheliyeen Masuuliiyiinta sar-sare ee maamulka Khaatumo, ayaa daboolka ka qaaday inaanay marnaba hakinaynin wada-hadalkii ay kula jireen dawladda Somaliland, iyaga oo tilmaamay inaanay waxba ka khuseyn war dhawaan ka soo baxay siyaasiyiin sheegay in la hakiyo wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo inta […]

Somaliland: Maareeye Ku-xigeen Cusub oo Loo Magacaabay TV-ga Qaranka

Hargeysa(Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta magacaabay Maareeye Ku-xigeenka cusub ee TV-ga Qaranka.Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyadda oo u qornaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4506/012017, ku magacaabay Maareeye Ku-xigeenka Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland. […]

“Markii Danta Qaranka aannu Dhinac Walba ka Eegnay Waxay Noqotay inaanu Halkaas Dhigno Doorashada”

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka dareen-celiyey heshiiska Madaxweynaha Somaliland, hoggaanka sadddexda xisbi iyo Komishanka Doorashada Qaranka isula meel dhigeen in doorashada Madaxtooyada dalka la qabto 10/10/2017, isla markaana xaaladda abaarta daran ee ka jirta dalka dib looga dhigo waqtigeedii hore […]

“Madaxweynuhu Wuxuu ku Guulaystay inuu soo afjaro Walaahowgii Siyaasiga ahaa” Xildhibaan Bidhi

Xildhibaan Bidhi oo soo dhaweeyay Doorashooyinka la Muddeeyay Hargeysa(Somaliland.Org)- Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan Golaha Deegaanka degmadda Burco, ayaa sheegay in madaxweyne Siilanyo uu ku guulaystay inuu waan-waan ku soo afjaro toddobaadyo dalka ay ka taagnayd wax uu ugu yeedhay walaahow siyaasiya. Xildhibaanku wuxuu sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu soo […]

Saddexda Xisbi Qaran oo ku Heshiiyay Muddeynta Doorashooyinka

Shir ay wada yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Guddida Doorashooyinka Qaranka, Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, oo lagaga arrinsanyo muddaynta Doorashooyinka Madaxtooyada, Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deeganka. Falanqayn iyo dood dheer ka dib, waxa si wada jir ah la isugu raacay qodobaddan hoos ku xusan: 1.In Doorashada Madaxtooyada ee hadda dib u dhacday […]

Madaxweyne Siilaanyo oo caawa soo saaray Digreeto Taariikhi ah oo uu bulshadiisa ugu damqaday

Hargeysa(Somaliland.Org)-Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu caawa wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/WM/222-4504/012017, ka saxeexay Qorshaha Deg-dega ah ee Joojinta Sicir-bararka dalka. Madaxweynuhu: Ku:Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Hargeysa Ku:Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa Ku:Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Hargeysa Ku:Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Hargeysa Ku:Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Hargeysa Ku:Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL Hargeysa Ku:Xisaabiyaha […]

Wasiirka Waxbarashada oo Abaalmarin Guddoonsiiyay Muwaaddin Dugsi Hirgaliyay

Hargeysa (Somaliland.Org)– Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahin Habbane ayaa abaalmarin guddoonsiiyay Muwaaddin Cabdixakiin Axmed Xirsi oo Dugsi sare ka hirgaliyay deegaanka Carrooley ee gobolka Xaysimo. Munaasibad loo sameeyay guddoonsiinta Abaalmarintan oo ka qabsoontay xarunta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa khudbad uu ka jeediyay Wasiir Habbane waxa uu ku xusay inay abaalmarintan uga dan leeyihiin […]

Xisbiga WADDANI oo Somaliland ka Bilaabay Olole Siyaasadeed oo ay ugu Adeegayaan Dawladda Soomaaliya

WADDANI ma xasaasiyad buu ka qaadaa horumarinta dalka iyo kasbashada maalgashiga caalamiga ah? Hargeysa(Dawan)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa bilaabay olole siyaasadeed oo ay ku doonayaan inay ku fashiliyaan saldhig millatari oo dawladda imaaraadka carabtu danaynayso inay ka furato Somaliland, waxaana ilo looga qaateen ahi ay xaqiijiyeen in xisbigaasi fulinayo qodobbadii ay hore uga […]

Madaxweyne Siilaanyo oo Shacbiga ka Tacsiyadeeyay Geerida Marxuum Xuseen Cali Xirsi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa siyaasiyiinta, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xuseen Cali Xirsi oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 22/01/2017, magaalada […]

Guddoomiyaha Cusub Maroodijeex oo Xilkii la Wareegay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha cusub ee gobolka Maroodijeex, Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), ayaa shalay si rasmi ah xilkii u gala wareegay Guddoomiye ku xigeenka gobolka Maroodijeex oo ahaa ku simaha Guddoomiyaha Gobolka. Munaasibad loo qabtay xil wareejinta ayaa lagu qabtay hoolka xarunta maamulka gobolka Maroodijeex ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qabygalay Wasiirka arrimaha Gudaha, Yaasiin […]

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee Xafiiska Wakaaladda Qurbajoogga

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa maanta xadhiga ka jaray dhisme Xafiis cusub oo looga dhisay Wakaaladda Qurbajoogga xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo sidoo kale dayactir iyo qurxin lagu sameeyay barxadda iyo xayndaabka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hargeysa, Caasimadda JSL. Xaflad ay soo agaasintay Wakaaladda Qurbajooggu munaasibada xadhig […]

Dawladda UAE oo Markab Raashin ah Ugu Deeqday Bulshada Abaaruhu Tabaaleeyeen ee Somaliland

Saldhiga Milatari ee Imaaraadku ka furanayo Berbera waa aqoonsi dadban oo uu siiyay Somaliland Hargeysa(Somaliland.Org)- Dawladda Imaaraadka Carabtu waxay dadka ku tabaaloobay abaaraha kulul ee ka jira gobollada bariga dalka Somaliland u soo dirtay Markab raashin mucaawimo ah oo ay ugu talogashay samato-bixinta bulshada abaaruhu taseeyeen. Markabkaas oo jidka ku soo jira, sida ay noo […]

Ingiriiska oo jawaab ka bixiyey dalab xukuumada Somaliland hore ugu gudbisay

London(Somaliland.Org) Xukuumada Ingiriiska ayaa jawaab ka bixisay dalab xukuumada Somaliland kaga codsatay inay kaalin goobjooge-nimmo ku yeelato wadamadda Barwaaqo-sooranka, oo shalay lagu weydiiyey baarlamaanka Ingiriiska inkastoo aan la shaacin wakhtiga xukuumada Somaliland u gudbisay dalabkeeda kaalin goob-joogenimmo inay ku yeelato Wadamadda barwaaqo-sooranka ayaa xildhibaan Andrew Rosindell su’aal ka jeediyey fadhigii baarlamaanka u dhignayd, “Hadaan weydiiyo […]

Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Guddoomiyaha Cusub ee Maroodi-jeex

Hargeysa(Somaliland.Org)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4495/012017 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex. Madaxweynuhu: Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay:Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka; Markuu Aqoonsaday:In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex […]

Muuse Biixi oo soo Bandhigay Dariiqa kali ah ee lagu kala Maarayn karo Doorashada iyo Abaarta

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo bandhigay hannaan keliya ee lagu kala furdaamin karo xaaladda abaarta daran eek a jirta dalka iyo qabashada doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan 28 March 2017. Guddoomiyaha KULMIYE oo hadal ka jeediyey kulan lagu shaacinayey heshiis dhexmaray garabkii xisbiga UICD ee […]

Madaxweyne Siilaanyo oo Kormeer Kadis ah Kaga Dul-degay Wasaarado iyo Ha’yadda Dawladda Qaarkood

Madaxweynuhu waxa kaloo uu la Qaxweeyey Qaybo ka Mid ah Bulshada ku nool Caasimada. Hargeysa(Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo) oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Taliyaha Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada, ayaa subaxnimadii hore ee saaka (16.01.2017) kormeer kedis ah ku tegay Hay’adaha Xukuumadda oo […]