12 Qof oo Xanuunka Shuban Biyoodka ugu Geeriyooday Deegaanka Coodanle

By: Cumar M. Faarax Daryeelle caafimaad oo sharraxay duruufo adag oo ka taagan deegaankiisa iyo baahida jirta Coodanle (Somaliland.Org)- Madaxa caafimaadka ee deegaanka Coodanle oo ka tirsan gobolka Buuhoodle, Cabdi Maxamed Cali, ayaa xaqiijiyay in xanuunka shuban biyoodku ka dilaacay deegaankaas isla markaana ay halkaasi ugu geeriyoodeen laba iyo toban qof. Cali Maxamed, waxa kaloo […]

Somaliland: Jaamacadaha Jabuuti & Hargeysa oo Kala Saxeexday Heshiis

By: Cumar M. Faarax Jabuuti (Somaliland.Org)- Guddoomiyeyaasha jaamacadaha Jabuuti iyo Hargeysa, ayaa heshiis iskaashi iyo wax wada qabsi ah ku kala saxeexday xarunta jaamacadda Jamhuuriyada Jabuuti. Masuuliyiinta labada jaamacadood ee Hargeysa iyo Jabuuti oo ka hadlay nuxurka heshiiska ay gaadheen, ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan heshiiskan cusub ee ay kala saxeexdeen, kaas oo ay […]

Xubno ka Tirsanaa Golaha Dhexe ee Waddani oo ka Baxay Xisbigaas

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xubno ka tirsanaa Golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaanba iska casileen xubinimadii iyo xilalkii ay ka hayeen xisbigaas. Xubnahan ka baxay xisbiga WADDANI oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxay sheegeen in sababta xisbiga WADDANI ay uga baxeen ay tahay markii ay arkeen in […]

Guddoomiyaha KULMIYE oo Noqday Masuulkii ugu Sarreeyey Somaliland ee u Hoyda Taleex

Taleex (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa noqday masuulkii ugu sarreeyey ee Somaliland ee hoggaamiye xisbi iyo murrashax Madasxweyne ah oo booqasho ku taga, una hoyda degmada Taleex ee Gobolka Xaysimo oo qiyaastii ilaa 160KM dhanka bariga kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Wefti uu hoggaaminayo […]

Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay Xilliga Ballaadhinta Dekadda Berbera Dhammaanayso

“Dekeddu fursad wanaagsan ayey u tahay adeegyada Itoobiya ee soo dejnta iyo dhoofintaba” Addis Ababa(Somaliland.Org)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay xilliga uu dhammaanayo mashruuca ballaadhinta dekedda Berbera oo shirkadda DP World ku maalgelinayso hanti gaadhaysa $442 milyan iyo qorshahooda soo jiidashada badeecadaha ganacsi ee Itoobiya. Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire oo u waramay […]

Wasiirka Waxbarashada oo si adag uga Jawaabay Eedaymo uga yimid Xisbiga Waddani

Hargeysa (Somaliland.Org) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane ayaa beeniyay eedaymo Wasaaraddiisa uga yimid hoggaanka xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, kuwaas oo daarranaa in lacag laga qaado ardayda dugsiyada hoose-dhexe ee dalka. Wasiirka oo maanta hadal ka jeediyay madal ay xilka kula wareegayeen Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada […]

KULMIYE oo Magaalada Burco ugu fooladeeyay taageerayaal kasoo jeeda War-Cibraan iyo Gunbur Libaax

Hargeysa(Somaliland.Org)- Xisbiga taladda Dalka hogaamiya ee KULMIYE ayaa soo dhaweeyay Taageerayaal Laxaad leh kuwaasi oo kasoo jeedaa deegaanada War-Cibraan , Gunbur Libaax iyo Deegaano kale oo hoos yimaada Degmada Burco iyo guud ahaanba gobolka Togdheer. Soo dhaweynta Taageerayaashan xoogan waxaa ka qayb galay Wefti balaadhan oo uu hogaaminaya Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE […]

Khudbad Saddex Qoddob ah oo Guddoomiyaha 8aad ee SONYO ka Jeediyey Madashii Lagu Doortay

Hargreysa (Somaliland.Org)- “Sharaf weyn bay ii tahay inaad ii doorataan inaan saddexda sanno ee soo socda aan hoggaamiyo dallada dhallinyarada Somaliland ee SONYO. run ahaanna maanta hadalkayga waxaan ku soo koobayaa saddex qoddob oo kala ah, mahad naq, dardaaran iyo hambalyo,” sidaas waxaa yidhi guddoomiyaha cusub ee dallada dhalinyada dhalinyarada Somaliland ee SONYO Mr. Cabdicasiis […]

Xildhibaanka Baarlamaanka Sweden oo Shahaado sharaf gudoon siiyay Afhayeenka Madaxtooyadda

Hargeysa(Somaliland.Org)-Mudane ARHE HAMEDNACA oo ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka Parliament-ka ee dalka Sweden, gaar ahaan Xisbiga talada haya ee Social Democrats, oo beryahanba booqasho hawleed ku joogay JSL ayaa wuxuu Wasaarada Arrimaha Dibedda shahaado sharafyo ku gudoonsiiyey xubno ka tirsan Xukuumadda kuwaasoo kala ahaa Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda, Afhayeenka Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha […]

Guddoomiyaha KULMIYE oo Guddida Abaaraha Togdheer Wareejiyay $40,000

Hargeysa(Somaliland.Org)-Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna murrashaxa jagada madaxweynenimo ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan isxogwaraysi ah la yeeshay guddiga heer gobol ee abaaraha , kuwaasi oo ka xog waramay xaaladaha Abaaraha ee gobolka Togdheer iyo guud ahaanba deegaanada hoos yimaada. Kulankani oo muhiimadiisu ahayd xog ogaal u noqoshada xaalada abaaraheed ee kasii […]

Somaliland oo Saraar ka Bilowday Wacyigelinta Kaalinta Bulshada ee Sahaminta Shiidaalka

Caynaba(Somaliland.Org)- Wasiirka Tamarta & Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa shaaciyey in loo baahan yahay aqoon bulshadu u yeelato waajibaadka golaha deegaanka, xukuumadda dhexe marka laga hadlayo sahaminta shidaalka iyo shirkadaha ku hawlan. Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, oo kaga qeybgalay magaalada Caynaba, kulan wacyigelin ah oo la xidhiidhay kaalinta bulshadda ee sahaminta shiidaalka, […]

“Somaliland Ilaahay baa wata oo khiyaamo iyo shirqool kasta oo laga galo Ilaahay baa fashila”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhiillo laf-jab ku ah qarannimada iyo jiritaanka Somaliland ku tilmaamay kulamadii qarsoodiga ahaa ee la wariyey inay ku dhexmareen magaalada Nariobi hoggaanka xisbiga WADDANI iyo madaxda dawladda Soomaaliya oo ay baahiyeen wargeysyo waawayn oo ka soo baxa […]

The Star oo Bayaamiyay Inuu Cirro Kala Shiray Somalia Sidii Somaliland ula Midoobi Lahayd

Cirro wuxuu la gaadhay dawladda Muqdisho, sidii looga dhabeyn lahaa in Somaliland la midowdo Soomaaliya Wargeysku wuxuu daaha ka rogay xaqiiqdii kulankii ka dhacay Huteelka Serena ee Nairobi Nairobi(Somaliland.Org)- Wargeyska caanka ah ee The Star ee ka soo baxa dalka Kenya, ayaa jimcihii shalay shabakadiisa internet-ka ku daabacay in Guddoomiyaha, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga mucaaridka […]

Wefti ka Socda Somaliland oo Booqasho la Xidhiidha Dhoofka Xoolaha ku Tagey Qatar

Dooxa(Somaliland.Org)- Wefti Wasiirro ah oo ka socda xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay ka degay magaaladda Dooxa ee caasimadda dalka Qadar. Weftigan wasiirrada ah oo uu hogaaminaayo wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta Somaliland Maxamed Aadan (Qabyo-tire), oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Axmed Aadan Kayse, Wasiirku xigeenka wasaaradda madaxtooyada Axmed Xaashi Cabdi iyo […]

Somaliland pushing for reunion with Somali after 25 years of division

Somaliland’s main opposition leader has hinted at a possible unification with Somalia ahead of next year’s elections. Somaliland, which acquired independence in 1991 during the civil war that erupted after the collapse of Siyad Barre, still remains an autonomous region of Somalia, subject to the Somali Federal Government (SFG) in Mogadishu. Attempts to seek recognition […]

Somaliland: Golaha Wasiirrada oo meel-mariyay Miisaaniyad Sanadeedka 2017-ka

Hargeysa(Somaliland.Org)-Shirkii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee Khamiislaha ahaa tirsigiisuna yahay 210 oo uu gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dood-dheer iyo falanqayn ka dib waxay xubnaha golaha wasiiradu duuduub ku ansixiyeen Dakhliga Miisaaniyadda Sannadka 2017-ka, oo golaha la horkeenay maanta kana […]

Xildhibaan Baarlamaanka Sweden ka mid ah oo Caalamka ugu Baaqay Aqoonsiga Somaliland

Wuxuu balan-qaaday in wixii uu ku arkay Somaliland u gudbin doono Baarlamaanka iyo dawladiisa Hargeysa(Somaliland.Org)- Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Sweden,,ayaa ugu baaqay dalalka Adduunku in ay aqoonsadaan Jamhuuriyadda Somaliland oo ah qaran jira oo madax-bannaan isla markaana buuxiyay dhammaan shuruudahaca dawladnimo. Waxa kale oo uu caddeeyay xildhibaankaasi in uu diyaar u yahay in uu […]

Muuse Biixi oo la Kulmay Danjiraha Turkiga Iyo Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Sweden

Hargeysa(Somaliland.Org)-Guddoomiyaha ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbul-xaakimka KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Olgan Bekar oo uu wehelinayey Qunsulka u fadhiya caasimadda Somaliland ee Hargeysa Mr Muzaffer Yuksel. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta dhexe ee xisbigaas oo uu ku saxeexnaa […]

Wasiirka Duulista oo Beeniyay Inay Dawladda UAE Saldhig Millatari ka Siiyeen Berbera

Hargaysa(Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Farxaan Aadan Haybe, ayaa sheegay inaanu jirin heshiis la xidhiidha in dawladda Imaaraadka carabtu saldhig milatari ka sameysato magaalada Berbera oo labada dawladood kala saxeexdeen, waxase uu ku dooday in arrintaasi ahayd mid la isla soo qaaday oo aan si rasmi ah loo sii gudo-gelin. […]

Madaxweynaha Somaliland oo la shiray saraakiil ka socday OCHA iyo ECHO

Hargaysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay masuuliyiin ka kala socday hay’adda qaramadda midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadan-nimadda ee OCHA iyo ururka midawga Yurub qaybta gar-gaarka bani’aadan-nimadda ee loo soo gaabiyo ECHO. Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyadda Somaliland ee Hargaysa , waxaa madaxweynaha ku wehelinayay […]

Madaxweynaha oo Cafis u Fidiyay Sheekh Aadan Sunne oo Maxkamadda Maroodi-jeex Xukuntay

Hargaysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa cafis Madaxweyne u xoriyadiisii ugu sii daayay Sheekh Aadan C/raxmaan Warsame (Aadan Sunne) , oo ka mid ahaa maxaabiista xukuman ee ku jiray jeelasha dalka. Sidaasna waxa lagu caddeeyay qoraal uu soo saaray madaxweynaha Somaliland, 19-kii bishan December, waxaanay u qornayd sidan:- Madaxweynaha jamhuuriyadda […]

Dawladda Imaaraadka Carabta oo 20 Ceel Biyood ka Hirgelinaysa Somaliland,

“Waxaanu Imaaraadka uga mahad-celinaynaa inay noqotay dawladda ugu horaysa ee ka jawaabtay baaqa Madaxweynaha ee gurmadka abaaraha” Hargeysa (Somaliland.Org)-Waxa Jamhuuriyadda Somaliland soo gaadhay wefti khuburro ah oo dawladda Imaaraadku u soo dirtay in ay soo sahamiyaan labaatan ceel biyood oo ay ka qodi doonaan gobollada Somaliland, una soo dersa sida ugu habboon ee loo taakulayn […]

Falanqeynta Kalmaddii Madaxweyne Siilaanyo ee Mahad-celinta Dhallinyarada iyo Haweenka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu isagoo xurmaynaya dhallinyarada iyo haweenka ku sifeeyey inay yihiin bardaanka iyo bud-dhigga syaasadda dalka, kuwaas oo uu xaqiijiyey inay yihiin cududdii u horseedday inuu noqdo Madaxweynaha 4aad ee qaranka. Madaxweyne Siilaanyo oo khubad ka jeediyey xafladdii furitaanka shirweynihii garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbul-xaakimka KULMIYE […]