Guddida Gurmadka Abaaraha oo ka Shiray Xoojinta Qorshaha ay ku Hawl-galayaan

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddida gurmadka abaaraha heer qaran ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa caawa shir lagu xoojinayo kaalintooda taakulaynta dadka tabaaleysan waxay ku yeesheen xarunta madaxtooyadda, waxaana shirkaasi guddoominayay Wasiirka madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, isla markaana ah ku-simaha guddoomiyaha guddidaas. Sida lagu caddeeyay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee xarunta madaxtooyadda Somaliland, waxaana lagu […]

‘Siciid Sulub Isagaa Odayaal isku Raas ah Rayaale Horfadhiisin Jiray’ Cabdikariim Xinif

Hargeysa (Somaliland.org)- Xoghayaha Abaabulka iyo Wacyigelinta ee xisbiga KULMIYE, ahna xubin ka tirsan Guddida Fulinta ee xisbiga Md. Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), ayaa jawaab ka bixiyey`dhaliilo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga WADDANI u jeediyeen Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Siilaanyo iyo xisbiga KULMIYE. Cabdikariin Xinif oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa shalay, waxa uu deedafeeyey sas iyo […]

Kulan Dhexmaray Masuuliyiinta Wasaaradda Biyaha iyo Khubarro ka socday Denmark

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasaaradda khayraadka Biyaha Somaliland ayaa ku hawlan qorshe cusub oo biyo ku filan oo nadiif ah loogu raadinayo bulsho weynta Somaliland, isla markaana lagaga hor tagayo abaaraha soo noqnoqda ee ka dhaca dalkeenna. Qorshahan cusub ee ay waddo wasaaradda khayraadka biyaha Somaliland ayaa shalay lagu gorfeeyay kulan ballaadhan oo ay wada yeesheen masuuliyiinta […]

“Ganacsatadu ha u Soo Jeedsadaan Maalgashiga Khayraadka Biyaha

Hargaysa (Somaliland.Org)-Wasiirka wasaaradda kalumaysiga iyo khayraadka baddaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cali Jaamac Faarax (Buureed), ayaa shalay furay wejiga labaad ee barnaamijka kordhinta isticmaalka kalluunka oo ay soo qaban qaabisay shirkadda wadaniga ah ee ka shaqaysa arrimaha kalluumaysiga Pontus Marine. Wasiirka oo munaasibadii furitaanka hadal ka jeediyay ayaa ugu baaqay ganacsatada dalka in ay bulshada uga faa’iideeyaan […]

Madaxweyne Siilaanyo: 22 Magaalo Ayuu Toban Maalmood ku Dersay Duruuftooda Abaareed

By: Cumar M. Faarax Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Isniintii toddobaadkan dib ugu soo laabtay Hargeysa, ka dib markii uu soo dhammaystay socdaalkiisii loogu magac-daray TABANTAABO ee uu ugu kuurgalayay xaaladda adag ee gobollada bariga dalka oo ay ku dhufatay abaar adagi. Afhayeenka madaxtooyadda Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr), ayaa sheegay […]

Waddani Wuxuu Noqday Hasha Geella Cunta ee Haddana Cabaadda!

By: Ismaaciil Cabdi Warsame Xisbiga Waddani wuxuu maanta aad uga gubtay, kaaderiintiisii oo dhamina ay sida fiinta uga qayliyeen, shir shalay ka dhacay Burco oo madaxweyne Siilaanyo fadhiyey, kaas oo hoggaanka dhaqanka ee jufada uu yahay Xirsi Cali ay taageero ugu muujiyeen Kulmiye, Xirsina ku tilmaameen nin kaligii cidlo maraya. Su’aashu waxay tahay Waddani ma […]

Samsam Abdi Adan is benevolent minister for Somaliland people

In a world of massive emotional kinds, some emotional sorts distort our perception while others sharpen it. Happiness, sorrow, desperation, and jubilation can be among the numerous feelings human being experience during their lifetime. Recently, one of our friend felt complex despair about seemingly increasing evil and its dominance in the world. The waves of […]

Wasaaradda Boosaha oo Daah-furtay Isgaadhsiin Hay’adaha Dawladdu Kula Xidhiidhayaan Adduunka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay soo bandhigay mashruuc isgaadhsiineed ay dhammaanba hay’adaha dawladda ee dalku kula xidhiidhi karayaan caalamka oo dhan. Xaflad soo sameeyey daah-furka habkan casriga ah oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee magaalada Hargeysa maanta, waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka kala socday shirkadaha […]

Xildhibaan Bidhi oo Madaxweynaha ku Bogaadiyay Kaalinta uu ka Qaatay Mashaariic laga fuliyay Burco

Burco (Somaliland.Org)- Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mid ah golaha deegaanka ee magaalada Burco ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku amaanay wax qabadka xukuumadiisu ka hirgalisay magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer. Xildhibaan Bidhi oo hadal ka jeediyay waddo laami ah oo golaha deegaanka ee magaalada Burco iyo xukuumadda dhexe ka hirgaliyeen xaafada Sheffield […]

Madaxweyne Siilaanyo Oo Lagu Soo Dhaweeyey Xayira, War-idaad, Gar-adag Kuna Laabtay Burco

Burco(Somaliland.Org) Weftigii Madaxweynaha Qaranka Somaliland ee mudada sideeda maalmood ah ku guda jiray socdaalkoodii Tabantaabo, ayaa saaka ka soo kicitimay magaalada Ceerigaabo oo ay laba habeen u dhexeen weftiga Madaxweynuhu, intii ay socdaalka ku jireen Madaxweynuhu waxa uu soo kormeeray hawsha baaxada leh ee ka socota wadada isku xidha Burco ilaa Ceerigaabo loona bixiyey Silaanyo […]

Madaxweynaha Somaliland oo Salaaddii Jimce la Tukadey Shacbiga Ceerigaabo

Ceerigaabo (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo ku sugan Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, kuna guda jira safarkiisi la magac baxay Tabantaabo oo maalintii todobaad madaxa la galay ayaa maanta salaadii Jimcaha la tukaday shacbiga ku dhaqan magaalada Ceerigaabo. Sheekh Maxamed Aadan oo isagu ahaa khadiibka masjidka tujiyey shalay ayaa shacbiga ku […]

Wasiirka Hawlaha Guud oo Shaaciyey Dayn Culus oo uu kala Wareegay Ex-wasiir Xirsi

Ceerigaabo (Somalilandorg) – Wasiirka Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed (Cali-Marreexaan), ayaa markii ugu horraysay shaaciyey in dayn dhaqaale oo badan oo lagu lahaa mashruuca dhismaha waddada Ceerigaabo uu markii la magacaabay kala wareegay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan. Wasiir Cali Marreexaan oo dhismaha waddada warbixin ka siinayey […]

Madaxweynaha Somaliland oo xalay Kulan La yeeshay Guddida Abaaraha Sanaag Iyo Waxgaradka Bulshadda

Ceerigaabo(Somaliland.Org)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo xalay u hoyday Magaalada Ceerigaabo isaga iyo weftigii balaadhna ee uu hogaaminayey waxay kulan muhiima la qaateen Guddida Abaaraha heer qaran iyo heer degmo ee Gobolka Sanaag iyo odayaasha dhaqanka ee gobolkaas, waxaanay ka wada hadleen xaalada abaartu baaxada ay leedahay iyo sida dadkaas wax loo gaadhsiin […]

Madaxweynaha Somaliland oo Iskaga Gudbay Xuddun illaa Bohol, caawa u Hoyday Ceel-afweyn

By: Cumar M. Faarax Ceel-Afweyn(Somaliland.Org) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey xalay u hoyday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa subaxnimadii hore ee saaka u jarmaaday dhinaca degmada Xudun oo ka tirsan gobolka Sool, halkaasoo weftiga madaxweynaha si balaadhan oo aan loo kala hadhin loogu soo dhaweeyay. Waxaanu noqday madaxweynihii u horreeyay ee […]

Madaxweynaha Somaliland la Kulmay Isimada Dhaqanka ee Gobolka Sool

Laascaanood(Somaliland.Org)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo Oo Ku guda jira socdaalkiisi Tabantaabo ayaa Habeenimadii Xalay ku hoyday Magaalo madaxda Sool, waxaanu kulamo muhiima la yeeshay madax dhaqameedka gobolka, iyadoo ay wehelinayaan gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Masuuliyiin kala duwan. Kulankan oo ahaa mid qiimo gaara u leh gobolka sool ayaa lagaga wada wadlay arrimo la […]

Madaxweyne Siilaanyo oo si aan loo kala hadhin Loogu soo dhaweeyay Magaaladda Laascaanood

Madaxweyne Siilaanyo oo noqday Taariikhda Madaxweynihii u horeeyay ee laba jeer u hoyda Laascaanood Socdaalkii Weftiga Madaxweynaha Ee Tabantaabo ayaa galay maalintii Afraad Oo Ay Ku Marayaan Gobollada Bariga Somaliland Laascaanood (Somaliland.Org) Weftigii balaadhnaa ee maalmahan ku marayey gobolada bariga Somaliland ayaa maalintii afraad galay maanta oo Salaasa ah taariikhduna tahay 22/11/2016, weftiga oo xalay […]

Maalintii Saddexaad ee Socdaalka Madaxweynaha Somaliland ku Marayo Gobollada Bari

Burco(Somaliland.Org)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftiga uu hoggaaminayey ee gobollada Bariga, ayaa subaxnimadii hore ee shalay ka baxay magaalada Burco, waxayna socod kormeer ah ku mareen magaalooyinka Shanshacadde, Bali-calanle, Taalabuur, Degmada Ballidhiig, magaalada Coodanle, Degmada Qorilugud oo ka tirsan Gobolka Buuhoodle, iyo Degmada Wadaamogoo, iyadoo Madaxweynuhu kormeeray dadka reer guuraaga ah ee […]

Mid Ka mid ah Xubnihii Tiir Dhexaadka u ahaa Guurtida Somaliland oo ku Geeriyooday Hargeysa

Marxuum-Ibraahim Aw Nuur Jiciir waxa si heer qaran ah loogu aasayaa Xabaalaha Naaso-hablood ee Hargeya Hargeysa(Somaliland.Org)- ALLE ha u naxariistee waxa Salaasadda beri xabaalaha Naaso-hablood ee magaaladda Hargeysa, si heer qaran ah loogu aasayaa Marxuum- Ibraahim Aw Nuur Jiciir, oo ka mid ahaa odayaashii kaalinta weyn ka soo qaatay nabadeyntii beelaha Somaliland, oo muddo dhawr […]

Guddoomiyaha KULMIYE oo magacaabay Masuuliyiinta Garabka dhalinyarada XIsbiga

Hargeysa(Somaliland.Org)-Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu digreeto Guddoomiye oo summadeedu tahay XK/XGX/0042227/2016 ku magacaabay Garabka Dhallinyaradda Heer Qaranka ee Xisbiga KULMIYE. Guddoomiyuhu; v Markuu arkay muhiimadda dhismaha Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE u leeyahay hawlaha iyo habsami-u-socodka abaabulka […]

Madaxweyne Siilaanyo oo maalintii Labaad ku Jira Socdaalkiisa TABANTAABO oo Booqday Daad-madheedh

Madaxweynuhu waxa kaloo uu xadhiga ka jaray mashaariic laga fuliyay Oodweyne Oodweyne(Somaliland.Org)Weftigii Madaxweynuhu hoggaaminayey ee xalay u hoyday Burco ayaa saaka u kicitimay dhinaca gobolka Daadmadheedh oo ay xaalad abaareed ka jirto, waxaanu madaxweynuhu markii uu gaadhay halkaasi waxa uu xadhiga ka jaray ceel-biyood laga hirgeliyey Ceel-xumo oo taariikhda markii u horaysay yeelan doonta ceelbiyood […]

Naf-hurka Siilaanyo ee Samato-bixinta Bulshada Abaareysani waa Dhaabbad Lagu Xusi Doono!

By: Cumar M. Faarax Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa in dhawaaleba jiif iyo joogba u diiday siday u beer-qaaday xaaladda walaaca leh iyo dhiillada la xidhiidha abaarta ba’an ee ku laxaadsatay gobollada bariga wadanka, iyadoo abaartaas kululi ay halis ugu jiraan dad xukuumaddu ku qadartay inay gaadhayaan 248, 000 (laba boqol, […]

Wasaarada Tamarta & Macdanta oo heshiis sahamin shidaal la saxeexday shirkad Shiine ah

Hargeysa(Somaliland.Org):-Wasaarada Tamarta iyo Macdanta ayaa heshiis lagu sahaminyo deegaano ka tirsan dalka la gashay shirkada laga leeyahay dalka Shiinaha, si ay uga faa’iidaystaan shirkadaha hawlaha shidaal-baadhista ka wada Somaliland. Wasiirka Tamarta & Macdanta Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo shalay heshiiska kula saxeexday shirkada BGP Inc, xarunta wasaarada ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada heshiiskan,“Annagoo wasaarada Tamarta […]

Madaxweynaha Somaliland Iyo Safarkiisa Gobollada Bariga ee Samato-bixinta bulshadda Abaareysan

Hargeysa(Somaliland.Org)-Madaxweynaha Ayaa Safar Uu Ugu Kuurgelayo Xaalada Abaareed Ee Gobolada Bariga Somaliland Ugu Baxay Maanta Kuna Hoyday Caawa Magaalada Burco Iyo Dareenka Dadkii Weftiga Madaxweynaha Soo Dhaweeyey Ujeedka Safarka ayaa ah sidii wax loo gaadhsiin lahaa dadka iyo xoolaha tabaalaysan ee la tiicaya haraadka, gaajada, dhaxanta iyo hayaanka qofba meel ku qabsatay reer guuraaga ku […]