Saylici oo Farta ku Fiiqay Asbaabaha Keenay Khilaafkii Shirkii Golaha Dhexe ee WADDANI

Hargeysa(Somaliland.Org)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ku ee deeyay xisbiga WADDANI in tiro aan sharci ahayn ay ku darsadeen shirkoodii golaha dhexe ee lagu doortay murrashaxiinta madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ee uga qeyb gali doona doorashada madaxtooyada ee loo muddeeyay 28-ka bisha March ee sannadka […]

Siyaasiyiin & Taageereyaal Xisbiga KULMIYE Kaga Biiray Gabiley

Gabiley (Somaliland.Org): Xubno isugu jiray siyaasiyiin, maayaradii hore ee degamadda Gabiley, qaar ka mid ah xildhibaanadii hore ee golaha degaanka Gabiley xildhibaanadda hadda jooga ee ka soo baxay xisbigayadda UCID iyo WADDANI iyo ururadii dhacay ee ka qayb qaatay doorashadii goleyaasha degaanka ayaa shalay ku biiray xisbiga KULMIYE. Xaflad balaadhan oo loo sameeyay xubnahaasi kala […]

“Komishanku Wuxuu Caddeynayaa in Aanay Jirin wax Xog ah oo Laga Xaday ama la Masaxay”

Hargaysa (Somaliland.Org): Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa beeniyay war uu Sabtidii toddobaadkan baahiyay wargeyska FOORE, oo sheegayay in la xaday ama la waayay xogtii diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobollada dalka laga qabtay.Waxaanay sheegeen komishanka doorashooyinku in aanay jirin haba yaraatee wax xog ah oo laga xaday ama ka luntay oo la waayay, isla markaana wararkaasi ay […]

Wasaarada Warfaafinta & Akaadamiga Nabadda oo Furay Tartan Suugaameed

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland iyo akaadamiga nabadda iyo horumarka, ayaa si wada-jir ah magaalada Hargeysa uga daah-furay tartan suugaaneed dhaqanka Somaliland, kaas oo maanta ka furmay Huteelka Maansoor. Tartankan waxa ka qeyb galay 18 qof oo Gabayaa ah iyo lix kooxood oo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ah oo ka kala yimid […]

Premier meets with Somaliland President

Addis Ababa October 29/2016 Prime Minister Hailemariam Desalegn has conferred today with a delegation led by a Somaliland President Ahmed Mohamed Mohamoud Silanyo on issues of bilateral relations and common interests. The two leaders exchanged views on fostering their existing cooperation in trade, investment and economic development. They have also discussed on ways of linking […]

Warqad Shaki Gelisay Xilka Guddoomiyenimada Xisbiga WADDANI Ee C qaadir Jirde

Hargeysa(Somaliland.Org):- Warqad uu Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) soo saaray 27-kii Bishan October oo ku beegnayd Khamiistii, ayaa dood ka abuurtay bulshadda dhexdeeda, warqadaas oo su’aal ka keentay in Cabdiraxmaan Cirro uu si kumeel gaadh ah u wareejiyay Guddoomiyenimada xisbigaasi iyo in kale. Warqadan oo dad […]

Madaxweyne Ku-xigeenka oo Furay Ciyaaraha Kubadda Kolleyga ee Gobollada

Hargeysa(Somaliland.Org):- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici,ayaa xalay si rasmi ah garoonka kubadda kolleyga Timad-cadde ee Caasimadda Hargeysa uga furay tartanka Kubadda Kolleyga gobollada Somaliland wareegiisa labaad oo ay ku kulmayaan 8 gobol ciyaartoygooda oo u soo gudbay wareega labaad. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in ciyaaruhu ay yihiin furaha […]

Masuuliyiin Xilal ka Hayay WADDANI oo Is-Casilay Xisbigana ka Baxay

Hargeysa(Somaliland.Org):- Masuuliyiin Xilal ka hayay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI iyo siyaasiyiin ka tirsanaa golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI, ayaa iska casilay xilkii ay xisbiga ka hayeen iyo xubinnimadii golaha dhexe isla markaana ku dhawaaqay in ay guud ahaanba ka bexeen Xisbiga WADDANI. siyaasi Keyse Jiinje oo ka mida ahaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga […]

Xildhibaanno Ka Deyriyay Abaar ku Laxaadsatay Gobolka Togdheer

Burco (Somaliland.Org):-Guddi xaqiiqo raadis ah oo iskugu jira Xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka ee degmadda Burco iyo maamulka Gobolka Togdheer, oo qiimeyn ku soo sameeyay baaxadda abaar kulul oo ka jirta deegaamada gobolkaasi, ayaa walaac weyn ka muujiyay duruufta ay ku soo arkeen deegaamo ay booqdeen. Waxaanay sheegeen in dadkaasi ay u baahan yihiin biyo, […]

Madaxweynaha Somaliland oo socdaal shaqo ku Tagay Itoobiya

Hargaysa (Somaliland.Org): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia. Socdaalka madaxweyne Siilaanyo ayaa ka danbeeyay marti qaad rasmi ah oo uu ka helay raysal wasaaraha dalka Ethiopia Haile Mariam Desalegn, iyadoo mudadda uu joogo dalkaasina uu kulan la […]

Madaxweynaha Somaliland oo Ku Dhawaaqay Xaalad Abaareed Oo ka Taagan Bariga Dalka

Hargaysa (Somaliland.org): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa baaq qaylo-dhaan ah ka soo saaray xaaladda abaareed ee ka taagan gobollada Bariga dalka, kuwaasi oo ay haatan xaaladoodda nololeed meel adag marayso. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidaasi ka sheegay kulan lagaga wada tashanayay sidii gurmad deg-deg ah loola gaadhi lahaa dadka tabaalaysan ee […]

Masuuliyiin Dacwad ka Dhan ah Shirkii Golaha Dhexe WADDANI u Gudbinaya Guddida Diiwaan-gelinta

Hargeysa (Somaliland.Org)- Garabka toosinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa sheegay in ay dacwad u gudbin doonaan guddida diiwaan-galinta ururrada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka, dacwadaasi oo ka dhan ah qaabkii loo maamulay shirkii golaha dhexe xisbiga Waddani. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Waddani Faarax Muxumed Cabdulle oo shalay u waramayay qaar ka mid […]

Xaglatoosiye oo ka dayriyay abaar ba’an oo ka jirta Barriga Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Saleebaan Axmed Ciise (Xaglo-toosiye), ayaa caddeeyey in abaar ba’ani ka taagan tahay degaannada gobollada bariga Somaliland. Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye oo ka soo laabtay magaalada Buuhoodle oo uu u joogay tacsida geerida aabbihii Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Ciise Kaar oo dhawaan geeriyooday, ayaa ka sheegay magaalada Caynaba […]

Taliye Kaamil oo Geeriyooday iyo Madaxda Qaranka oo Ka Hadashay

Hargeysa(Somaliland.Org)-Taliyihiihore ee Ciidanka Madaxtooyada Somaliland Marxuum Gaashaanle Sare Faysal Kaamil Ciise,ayaa caawa fiidkii ku geeriyooday Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeyaa.Geerida Marxuumka ayaa waxaa ka hadlay madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo War-saxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland,oo uu Madaxweynaha Somaliland […]

Wasiir Cadami oo ka Hadlay Ahmiyadda ay Xukuumaddu Siisay Doorashadda Madaxtooyada

Hargeysa(Somaliland.Org):- Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Xaaji Cali Cadami,ayaa ka hadlay ahmiyadda ay Xukuumadda Somaliland siinayso in doorashooyinku wakhtigooda ay qabsoomaan. Waxaa kale oo uu ka hadlay 26 sanno oo ay Somaliland jirtay in ay caalamka ku tahay xujo aan la dhaafi karin oo cad isla markaana adduun-weynaha looga baahan yahay in ay garwaaqsadaan […]

Khasaaraha Weerar Lagu Qaaday Ciidanka AMISOM Ee Jabuuti ka jooga Somalia

Baladweyne(Somaliland.Org):- Ciidanka dalka Jabuuti ee ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Soomaaliya ka hawl gala ee AMISOM ee fadhigoodu yahay magaalada Beledweyne Xarunta Gobolka Hiiraan ee Soomaaliya ayaa lagu qaaday maanta weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaadhi wayn oo xammuul ah oo laga soo buuxiyay waxyaaaha qarxa. Weerarkaasi lala eegtay saldhigga ciidamada […]

Diblomaasi Maxamed Sh. Xasan oo Geeriyooday & Madaxweyne Siilaanyo oo ka Hadlay

Boorame (Somaliland.Org)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyay geeridda ALLE u ha naxariistee diblomaasi Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye, oo maanta ku geeriyooday magaaladda Boorame ee xarunta gobolka Awdal oo uu muddo ku xanuunsanayay. Marxuum-Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye, waxa uu ahaa diblomaasiyiintii caanka ahayd ee xiligii Soomaaliya, waxaanu danjire […]

Somaliland:Wasiirka Warfaafinta oo Cirro ku Xujeeyay Fasiraada Erey uu ku Duray

‘Xirsi waxa u hadhay uun inta uu odhanayo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenku anigay gacan yareyaal ii ahaayeen’ Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa Guddoomiyaha aqalka wakiiladda,ahna Murrashaxa madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ugu baaqay inuu ummadda u sharaxo erey suuqdi ah oo ka baxsan lahjabada […]

Buhoodle:Xildhibaan ku Baaqay soo Dhaweynta Dadka Abaaraha ka soo Hayaamay

Buuhoodle (Somaliland.Org)- Xildhibaan Cismaan Faarax Warsame Jiciir oo ka mid ah mudanayaasha golaha deegaanka degmada Buuhoodle ayaa ugu baaqay bulshada deeganadu ay dhawaan roobabku ka da’een ee gobolka Buuhoodle iyo koonfurta Togdheer, kuwaasi oo uu u soo jeediyay in ay soo dhaweeyaan dadka wallaalahood ah ee ka soo hayaamaya gobolada kale ee ay abaaruhu saameeyeen. […]

Xukuumadda oo Sababeysay Dib u Dhaca Shir waxgaradka Sool uga Furmi lahaa Burco ?

By: Khadar Cabdi Muuse Hargaysa (Somaliland.Org): Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay sababta keentay dib u dhaca ku yimid shirkii gogosha nabadaynta ee hore loo qorsheeyay in 25-ka bishan loogu qabto magaaladda Burco beelaha gobolka Sool. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Yaasiin Maxamed Xiir (Faratoon) oo xalay Telefoonka ugu waramay DAWAN, ayaa sheegay in shirkaasi uu […]

Xukuumadda oo Caddeysay In Heshiiska DP World Horseedayo Ilaalinta Tayadda Badeecadaha

By: Maxamuud Walaaleeye Hargeysa(Somaliland.Org):- Toddobaadkii hore waxaanu ku baahinay cadadkii wargeyska DAWAN ee Isniintii la soo dhaafay warbixin la xidhiidhay badeecadaha dhacay iyo kuwa tayadoodu xun yihiin ee dalka looga soo waarido dibadda. Mudadii ay weriyeyaasha DAWAN, ku gudo jiraan baadhista warbixintan waxa dad kala duwan oo looga qaateen ahi noo xaqiijiyeen in dhawaan la […]