Dawladda Somaliland oo Ugaadhsanaysa Kooxaha ku Shaqeysta Tahriibka

HARGEYSA-SOMALILAND-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in ay qaaday tallaabooyin wax ku ool ah oo wax lagaga qabanayo aafada tahriibta iyo sidii loo soo qab-qaban lahaa magafeyaasha ka shaqeeya tahriibinta dhalinyarrada. Wasiir ku xigeenka wasaarada qorshaynta Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo shalay u waramayay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in tahriibtu tahay aafo u […]

Somaliland Waxay ka Nabadgelyo Badan Tahay Dalal Gobolka ku Yaalla oo Somalia ka mid tahay

“Doorasho dambe oo dimuqraadiyad kaga qabsoonta Somaliland waxay meesha ka saari doontaa in la iska indho tiro aqoonsigeeda” “Baasaboorka Somaliland waxa laga ogolaaday dalal ku yaalla Afrika, Yurub Iyo Maraykanka….” By:Daily Maverick Hargeysa(Somaliland.Org):- Majalladda Daily Maverick oo fadhigeedu yahay johannesburg, South Africa,ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ka qortay warbixin dheer oo ay kaga hadashay xaaladda Somaliland, waxaanay […]

Madaxweyne Siilaanyo oo Wakiil Ku-xigeen Cusub u Magacaabay Xafiiska Somaliland Ee Kenya

Hargeysa(Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,ayaa Magacaabay Wakiil ku-xigeenka Somaliland u fadhiya dalka Kenya. Danjire Siciid Maxamed Daahir Afqarshe,ayuu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u magacaabay in uu ahaado wakiil ku-xigeenka Somaliland u fadhiya dalka Kenya. Digreeto Madaxweyne Axmed Siilaanyo soo saaray oo uu ku magacaabay Danjire ku-xigeenka dalka Kenya u fadhiya Somaliland ayaa […]

Cirro oo Ka Weji Qarsaday Kulan Maxkamadda Sare Su’aalo Ku Weydiin Lahayd

By Saciid Faarax Cagjar Hargeysa(Somaliland.Org)-Guddoomiyaha Golaha wakiiladda ee muddo dhaafka ku fadhiya, ahna Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka weji qarsaday oo aan gabi ahaanba ka soo xaadirin kulan ay maxkamadda sare ee Somaliland Hoggaamiyeyaasha xisbiyadda qaranka wax kaga weydiinaysay warqadii ay saddexda xisbi wada jirka ugu gudbiyen Madaxweyne […]

Galaydh oo ka Furay Shir uu Taageero Ugu Raadinayo Wada Hadallada Somaliland

? “Haddaynu Somaliland Heshiinno anigu Hargeysa Madaxweyne Iyo Wasiir midna kama rabo..” ? “Madaxweynaha Puntland Caafimaadkiisa iyo dawadda uu qaato anigaa soo bandhigaya” ? “Wada hadalka Waxaanu Somaliland ula galnay waxay ogolaatay innaga oo Khaatumo ah inay inala hadasho” Bali-cad(Somaliland.Org)-Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh ee Hoggaamiya kooxda Khaatumo ayaa sheegay in uu ka xun yahay in […]

Somaliland himiladeeda way gaadhaysaa, heer fiicana way maraysaa

By:Dr. Maxamed-Rashid Sheekh Xasan Maalmahan waxa wararka ku jiray laba war-murtiyeed oo kala dambeeyey. Mid ka soo baxay shirkii IGAD ee Muqdisho lagu qabtay laguna sheegay in dawladaha IGAD ay qaddarinayaan xuduudaha iyo midnimada Soomaaliya iyo mid ka soo baxay Beesha Caalamka ee doorashooyinka ka taageerta Somaliland, kaas oo ay ku muujiyeen walaac ay ka […]

Guddoomiyaha UCID oo Arrimaha Doorashooyinka Somaliland Kala hadlay Wefti Maraykan ah

Hargasya (Somaliland.Org): Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cal Waraabe, ayaa shalay magaaladda Hargaysa kula kulmay wefti culus oo ka socday dawladda Maraykanka, oo booqsho ku yimid Somaliland.Weftigaasi oo uu hogaaminayay madaxa xafiiska siyaasadda ee safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya,Mr. FRAN GASKIN Sidaasina waxaa lagu sheegay war-qoraal ah oo saxaafadda loogu tallo […]

Muuse Biixi “Cirro Ma Golihiisii Doorashadda Kala Qaaday Ayuu Dacweeyay”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku tilmaamay wax layaab leh dacwadda xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI u gudbiyey Maxkamadda Sare ee uu ku diidanyahay go’aankii Madaxweynaha ee kala qaadista labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada. Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu farta ku […]

Dawladda Somaliland oo ka Jawaab Celisay Hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya

Hargeysa(Somaliland.Org)-Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa jawaab ka bixisay hadal dhalanteed ah oo maanta ka soo yeedhay madaxweynaha magac u yaalka ah Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo sheegay in dekadda Berberi tahay hanti ummadda Soomaaliyeed wada leedahay oo wixii laga qabanayo loo baahan yahay in lagu meel mariyo go’aan loo dhan yahay. Madaxtooyadda Somaliland waxay ku boorrisay […]

Kullankii Madaxweynaha iyo Hoggaanka SSE (Somaliland Societies in Europe)

Hargeysa(Somaliland.Org)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silanyo oo uu weheliyo Af-hayeenka Madaxtooyada Xuseen Adan Cige (Deyr) ayaa 20.9.2016 Xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dallada Guud ee kulmisa Jaaliyadaha bulshada Somaliland ee ku dhaqan Qaaradda Yurub. Xubnaha weftiga waxa ka mid ahaa Guddoomiyaha Dallada SSE mudane Cabdiraxman Yasiin, Eng. Maxamed-Jibriil Balayax, Dr. Xuseen […]

Madaxweynaha oo Maxkamadda sare u gudbiyay codsi dib u eegida Fasaaradii ay soo saartay

Hargeysa(Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maxkamadda sare ee dastuuriga ah u gudbiyay codsi la xidhiidha dib u eegid qaraarkii fasiraada ahaa ee maxkamadda dastuuriga ahi arrimaha doorashooyinka ka soo saartay 18/8/2015-kii. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Md. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr), waxaanu u […]

Cabdirisaaq Ciyaale Oo Sharaxay Sababo Farsamo Aanay Doorashooyinka La Isu Raaci Karayn

“Dadka Doorashooyinka Is-raacinaaya Waxaan Leeyahay 1991-Kii Ayey Dalka Ku Celinayaane Ha U Tudheen” Guddoomiyaha Diiwaan Gelinta Hargeysa(Somaliland.Org)-Guddoomiyaha Guddida ururadda Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Somaliland Cabdirsaaq Jaamac Cumar (Cabdirisaaq Ciyaale), ayaa soo dhaweeyey go’aanka uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siillaanyo ku kala qaaday doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada, waxaanu sheegay aanay suuro gal ahayn in […]

Banaan-bax Lagu Taageerayay kala Qaadista Doorashooyinka oo ka dhacay Hargeysa iyo Boorame

Hargeysa(Somaliland.Org):- Kumanaan qof oo ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshadda Magaaladda Hargeysa, ayaa maanta iskugu soo baxay banaan-bax salmi ah oo ay ku muujiyeen taageerrada ay u hayaan go’aankii madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu 10-kii bishan ku kala qaaday doorashooyinka Golaha Wakiiladda iyo madaxtooyadda. Waxa kale oo Banaan-baxaas lagu naqdiyay […]

Madaxweynaha Somaliland oo Guddi u magacaabay Maamulka Sare ee Jaamacadda Hargeysa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo Summadeedu JSL/M/XERM/249-4264/092016 tahay ku magacaabay Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa) oo ka kooban 11-xubnood. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu dhaqangeliyey oo uu saxeexay wax ka bedelka iyo kaabista ay Jaamacada Hargeysi ku samaysay xeerka Jaamacada. Madaxweynuhu: […]

Wasiirka Duulista Oo Soo Kormeeray Madaarka Diyaaradaha Ceerigaabo

Ceerigaabo (Somaliland.Org): Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Farxaan Aadan Haybe, oo socdaal shaqo ku jooga Magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, ayaa shalay koremeer ku soo maray madaarka diyaaradaha magaaladaasi oo aan hadda shaqaynin. Waxaana wasiirka halkaasi warbixin ku siiyey badhasaabka gobaolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay, maayarka degmada Ceergaabo iyo Isu-duwaha wasaarada […]

Madaxtooyadda Somaliland oo ka Jawaabtay Bayaankii Beesha Caalamka

Hargeysa(Somaliland.Org)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii u horeysay jawaab waafi ah ka bixisay baaqii ka soo yeedhay beesha caalamka ee Somaliland kala shaqeeya doorashooyinka, kuwaasi oo ku baaqay in la is raaciyo doorashooyinka Madaxtooyadda iyo wakiiladda ee uu madaxweynaha JSL kala qaaday markii uu ku qancay inaanay suurto-gal ahayn in la qabto doorashadda wakiiladda. Xukuumadda […]

Xisbiga KULMIYE Oo soo Dhaweeyay siyaasiyiin miisaan culus

Hargeysa(Somaliland.Org)- Xisbiga Midnimada iyo Horumarinta Somaliland ee KULMIYE, ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyey siyaaasiyiin ka mid ahaa hormoodka xisbigii UDUB iyo xubno ka mid ahaa xisbiga WADDANI oo iska casilay. Xaflad bilan oo xisbiga KULMIYE ku soo dhaweynayey bahweynta ku soo biirtay oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay […]

Madaxweyne Siilaanyo oo Shacbiga ka Tacsiyadeeyay Geerida Marxuum-Cismaan Hindi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo kan shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa, Siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ku geeriyooday Ingiriiska Maanta 18/09/2016. Madaxweynuhu […]

Somaliland: Waxaan Doonayaa Nolol Aan Cidi Dilaalayn!

Jamhuuriyadda Somaliland waxyaabaha ay qarannimadeedu ku jiridaysatay ee taabbo-geliyay waxa ka mid ah inaan loogu wan-qalin maskax shisheeye iyo dhaqaale qaadhaan-bixiye midna. Balse lagu bineeyay yuhuunta waxgaradka iyo bulshada oo isku duubni iyo wada jir kaga soo dabbaashay waayihii qalafsanaa iyo duruufihii Somaliland la dhalatay markii ay la soo noqotay madax-bannaanideedii fool daran habowday lixdankii. […]

Itoobiya oo ka Hadashay Mowqifka Somaliland Iska Taagtay Qoddob ku Jiray Shirkii IGAD

Warbixin Todobaadle ah oo Wasaaradda Khaarajiga Itoobiya soo Saarto oo lagu Baahiyay Jawaabtii Madaxweyne Siilaanyo Ee Shirkii IGAD Addis-ababa (Somaliland.Org)-Wasaaradda Arrimaha dibadda dawladda Fedaraalka Itoobiya, ayaa warbixinteeda toddobaadlaha ah ee ay ka qorto dalalka Mandaqadda Geeska Afrika, waxay shalay ku baahisay jawaabtii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku naqdiyay qoddob ku jiray […]

Xildhibaan Madaxweyne Siilaanyo ku Taageeray Jawaabtii uu Ka Bixiyay Shirkii IGAD

Hargeysa(Somaliland.Org)- Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan Golaha deegaanka ee degmadda Burco, ayaa ka dareen celiyay khudbadii Madaxweynaha Somaliland kaga jawaab celiyay war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii urur goboleedka IGAD ee Salaasadii ku qabsoomay magaaladda Muqdisho ee dalka qalalaasuhu hadheeyay ee Soomaaliya. Xildhibaanka oo xalay u warramayay wargeyska DAWAN, waxa uu sheegay in […]

Turkiga oo Markab Raashin Ah Ugu Deeqay Somaliland Iyo Itoobiya

Mersin(Somaliland.Org):- Xukuumadda Turkiga ayaa sheegtay inay mucaawino gaadhaysa shan kun oo ton, soo gaadhsiin doonto shacabka Somaliland, isla markaana markabkii siday ka soo shiraacday magaalada Mersin ee dalkaas. Sida lagu faafiyey mareegta internet-ka ee xafiiska qunsuliyadda Turkigu ku leeyahay Somaliland oo lagu sheegay in kaalmadan oo u badan sonkor iyo daqiiq iyo noocyada kale cuntooyinka […]