Munaasibad Lagu Muunaynayo Qurba Joogta Togdheer Oo Lagu Qabtay Burco

“Madaxweyne Siilaanyo Wuu u Abaal-guday Qurbo-jooga Oo Dawladuba Waxay u Badan Tahay Qurbo-joog Wasiirka Hawlaha Guud Burco (Somaliland.Org)- Wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland Cali Maxamad Xasan (Mareexaan) ayaa ka qeyb-galay xaflad balaadhan oo loo sameeyay qurba joogta gobolka Togdheer u dhalatay oo lagu qabtay guriga madaxtooyadda ee magaalada Burco xalay. Waxa xafladan oo ah […]

Raila Odinga Oo Ka Hadlay Taageeradda Uu u Hayo Somaliland

“Annigu Shaqsiyan Si Weyn Ayaan u Taageeraa Aqoonsiga Somaliland, Waxaan Aaminsanahay Inay Buuxiyeen ShuruudIhii  Dawladnimo” London(Somaliland.Org):- Ra’ysul-wasaarahii hore dalka Kenya Mr. Raila Odinga ayaa si weyn u soo dhoweeyey madaxbanaanida Somaliland ka hesho beesha caalmka, isla markaana sheegay inay buuxiyeen dhammaan shuruudahii looga baahnaa. Mr. Odinga oo shalay ka khudbad ku saabsan muhiimada Nidaamka Dimuqraadiyaddu  […]

Jidka Ceerigaabo “80km Waa La Dhammeeyay, 200km Oo Kalena Carro-kaawo Ayaa La Dhigay”

Hargeysa (Somaliland.Org)-Maareeye Ku-xigeenka wakaaladda horumarinta waddooyinka Somaliland, Eng. Maxamuud Daahir, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay ku rejo weyn tahay inay ku guulaysato dhammaystirka jidka isku xidhaya Burco iyo Ceerigaabo oo dhererkiisu yahay 37km, waxase uu dhaliilay kaalintii bulshaddu ay ka qaadan lahayd qaadhaanka lagu dhisayo jidkan hal-bowlaha ah. Maareeye Ku-xigeenku waxa uu shacbiga ugu […]

Somaliland Iyo Baanka Adduunka Oo Kala Saxeexday Heshiis Lagu Tayaynayo Shaqaalaha Dawladda

Nairobi (Somaliland.Org) —Wefti ka socday Xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland oo uu Hogaaminay Wasiirka Arrimaha Dibada Dr. Sacad Cali Shirre, oo maalmahanba socdaal shaqo ku joogay Kenaya, ayaa maanta heshiis ku kacaya toban Milyan oo doolar oo loogu tallo-galay tayaynta shaqaalaha iyo shaqadda dawladda la saxeexday Baanka adduunka. Weftiga Wasiirka Khaarajiga ee Nairobi ku sugan waxa booqashadooda […]

Somaliland: Cabinet Approves Dubai Ports World Deal with Somaliland government

Hargeysa(Somaliland.Org)-Cabinet ministers approved the project of Agreement between the Government of Somaliland and Dubai Ports World on Thursday. The president of SL, Ahmed Silanyo flanked by the vice president, Abdirahman Saylici were co-chairing the council of ministers meeting. The ministerial committee in charge of the deal that SL entered into DPW said that several foreign-based […]

Suldaan Lagu Xidhay Abaabulka Facaa’il Nabad-gelyadda Ka Dhan Ah

Hargeysa(Somaliland.Org)-Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa maanta suuqa Hargeysa ka qabtay Suldaan Saleebaan Maxamuud, oo ka soo jeeda deegaanka Gobolka Saaxil. Afhayeenka Ciidanka Booliska Gaashaanle sare Faysal Xiis, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay xadhiga Suldaanka iyo nooca kiisa lagu haysataba. “Waxaanu idiinku yeedhnay inaanu idiin sheegno in ciidanka Boolisku ay maanta soo xidhiidheen Suldaan Saleebaan Maxamuud oo 50 […]

Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ansixiyay Heshiiska Horumarinta Dekadda Berbera

Hargeysa(Somaliland.Org)-Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa ansixiyay heshiiska hordhaca ah ee ku wajahan casriyaynta dekadda Berbera ee ay la gashay shirkadda DP World. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Garyaqaan Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax), waxaanu ku sharaxay warbixintii Golaha ay ka horjeediyeen Wasiirradii xukuumadda u qaabilsanaa wada hadallada heshiiska dekadda lagu gunaanadayay. […]

Xildhibaanno Qadhaabsiga Siyaasaddu La Gashay Abaabulka Naxli Lagu Kala Dhex Dhigayo Bulshadda

“Waxaanu Leenahay 8 Nin Ayaa Loo Wada Dilayaa Nin Kaliya Wax Soconaya Maaha” Xasan Cawaale Iyo Siciid Cilmi Rooble Hargeysa(Somaliland.Org):- Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka soo horjeestay oo si indho la’aan ah oo sharci darro ku tilmaamay xukun ay Maxkamadda Ciidamada Somaliland ee derajada koowaad ku riday eedaysaneyaasha dilkii Taliyihii hore […]

Axmed Ismaaciil Samatar Oo Sheegay Qoddobo Ay Ku Heshiiyeen KULMIYE

“Waxaannu Ku Heshiinay Wada Yeelashada Xisbiga Iyo Xukuumadda La Dhisayo Marka La Guulaysto” “Markaan Hufay Waxaan Gartay In KULMIYE Yahay Meel Aan Fadhiisan Karo” r Hargeysa (Somaliland.Org)- Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Somaliland, dhawaana ku biiray xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE, ayaa ka hadlay sababta uu ku xushay in uu […]

Dahabshiil Bank Oo $4000 Ugu Deeqay Dugsiga Ardayda Arraga ka Naafadda Ah

Hargeysa(Somaliland.Org)-Bangiga Dahabshil ee caalamiga ah ayaa u fidiyay deeq dhan afar kun oo doolar ($4000) xarunta dugsiga ardayda arraga ka naafadda ah ee Somaliland Braille Centre (SBC). Maamulaha baanka Dahabshiil Mr. Maxamed Siciid Cawaalle, oo ka hadlayay Isniintii xafladdii lagu wareejinayay deeqdaasi ayaa yidhi, “Haddii aanu nahay baanka caalamiga ah ee Dahabshil waxa aan aqoonsanay […]

AWDAL: Waxgarad Taageero Weyn u Muujiyay Maal-gelinta Dekadda Berbera

Boorama (Somaliland.Org): Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta gobollada galbeedka Somaliland ayaa sheegay in ay si weyn u taageersan yihiin mashruuca casriyaynta iyo balaadhinta dekadda Berbera, kaasi oo ay ku tilmaameen in uu ahmiyad u leeyahay dalka. Waxaanay sheegeen waxgaradka iyo siyaasiyiinta goboladda galbeedku in maalgelinta dekadda Berbera ay faa’iido u leedahay […]

Madaxweynaha Somaliland Oo Dhagax Dhigay Dib u Habaynta Jid 78Km Ah

Xamaas(Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta dhagax-dhigay dayactirka iyo buux-buuxin lagu casriyaynayo dhismaha jidka isku xidha Magaallada Xamaas ee gobolka Saaxil iyo Caasimadda. Hargeysa oo dhererkiisu yahay 78KM. taasi oo kharashka ku baxaya laga bixiyay sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF). Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka hadlay xafladii lagu billaabayay hagaajinta dhismahan, […]

Madaxweynaha Oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Geerida Marxuum-Cabdi-wahaab X. Cabdiaahi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiwahaab Xaaji Cabdillaahi Diiriye (Gamgam) oo caawa xanuun ku soo booday ugu geeriyooday […]

Siilaanyo Oo Sheegay Inuu Ka Xumaaday Weeraro Ka Dhacay Dalal Ku Yaalla Yurub

? Madaxweyne Siilaanyo Wuxuu Wada Shaqeynta EU iyo Somaliland Ku Sifeeyay Mid meel-mar Ah ? “Waxaan Idiinku Celinayaa In Aanay Haba-yaraatee Somaliland Qeyb ka Ahayn Hab Doorasho Oo Ka Dhaca Soomaaliya” ? Safiirradu Waxay Ku celiyeen In Doorashadda Somaliland Wakhtigeedii Ku Qabsoonto Hargeysa(Somaliland.Org)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dalalka Midowga yurub ka […]

Mashruuca Kobcinta Dhaqaalaha Ganacsatadda Somaliland Oo Laga Furay Hargeysa

“Somaliland Waa Ummad Dhaqan u Leh Oo Uu Dhiigooda Ku Jiro Ganacsigu, Mashruucanna Waxa Uu Kaalin Ka Qaadanayaa Horumarinta Ganacsiga” Wasiirka Ganacsiga Hargeysa(Somaliland.Org)-Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Mr.Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr), ayaa shalay ka furay huteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa shir lagu daah-furayay mashruuc ku wajahan “Kor u qaadista iyo kobcinta ganacsatadda Somaliland” […]

“Horumarka Dalku Waxa Uu Sii Socon Karaa Iyadoo La Doorto KULMIYE”

Xildhibaan Maxamed Cali Hargeysa(Somaliland.Org)-Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka mid ah mudanayaasha Golaha wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE ku faani karo miIsaaniyada laban laabantay lixdii sannadood ee uu tallada dalka hoggaaminayay. Maxamed Cali Xirsi, waxa uu ku amaanay qurbo jooga kaalinta wax ku oolka ah ee ay dalka ugu jiraan iyo sidii […]

Guddoomiyaha KULMIYE Oo La Kulmay Weftigii Midowga Yurub

Hargeysa(Somaliland.Org)- Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbul xaakimka Somaliland ee  KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa weftigii uu hoggaaminayay  Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Michele Cervone D’Urso, u bandhigay qorshaha u diyaar-garowga doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Golaha Wakiiladda ee loo cayimay inay wadanka ka qabsoomaan 28-ka Bisha March 2017-ka, hase yeeshee u sharaxay […]

Baashe Cawil Oo Waraysi Dheer Kaga Hadlay Casriyaynta Dekadda Iyo Siyaasadda

Hargeysa(Somaliland.Org):- Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka carabta Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa tafaasiil dheeraad ah iyo ahmiyadda uu qaranka u leeyahay ka hadlay heshiiska casriyaynta dekadda Berbera ee dawladdu Bishii May ay la gashay shirkadda DP World. Baashe Cawil waxa uu mid mid uga jawaabay su’aalo ku taxan taariikh nololeedkiisii, kaalintiisa siyaasadda iyo weydiimo […]

Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi u Diray Qoyskii Axmed Cali Shookare

Hargeysa(Somaliland.Org)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo. isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Cali Shookare oo ku geeriyooday Magaalada Burco 24/07/2016. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka […]

Gaadhi Tikniko Ah Iyo Maleeshiyo Isu Soo Dhiibay Ciidanka Qaranka

Hargeysa(Somaliland.Org):- Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland,ayaa sheegtay in ciidanka qaranka Somaliland in uu sugayo dhammaan soohdimaha Somaliland ay la wadaagto Soomaaliya oo ay Somaliland daris kala yahay maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland. Wasaaradda Difaaca Somaliland ayaa Puntland uga digtay in ay isku daydo in mar dambe in ay soo faro geliso dhulka Somaliland waxaanay ugu baaqday in […]

“Sanaag Wixii Laga Qabtay Way Muuqdaan”Wasiirka Madaxtooyadda

Hargaysa (Somaliland.Org): Wefti wasiirro ah oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, oo maalmahanba socdaal ku marayay goboladda Bariga ayaa shalay gaadhay magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Wasiirka madaxtooyadda waxaa safarkaasi ku wehelinaya wasiirka warfaafinta, wasiirka dib-u-dejinta iyo wasiiru-dawlaha duulista iyo hawadda, waxaanay weftigani doraad socdaalkooda ku soo mareen degaamo ka […]

Wasiirka Biyaha Oo Lagu Soo Dhaweeyay Degmadda Adhi-caddeeye

Adhi-cadeeye (Somaliland.Org): Wefti uu hogaaminayo wasiirka wsaaradda khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac, oo ay ka mid yihiin xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa shalay gaadhay degmadda Adhi-cadeeye ee gobolka Sool. Weftiga wasiirka Biyuhu hogaminayo waxaa xubno ka ah xildhibaano C/qaadir Indho-indho oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland badhasaabka gobolka Maroodijeex, Maxamed Maxamuud Cali (Jeeniyare), siyaasiyiin iyo […]

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Farriin Adag U Diray Shirkadaha Laydhka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa farriin adag u direy shirkadaha korontada bixiya ee gobollada dalka Somaliland iyo waliba dawladaha hoose ee degmooyinka dalka. Wasiir Waran-cadde, waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeya, waxaanu ugu baaqay shirkadah Laydhka bixiya iyo dawladaha hoose […]