Hoggaanka KULMIYE Oo Ka Qeybgalay Madal Uu Khudbad Ka Jeedinayay Prof. Samatar

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay kulan ballaadhan oo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar muxaadaro aqooneed uga jeedinayey dhallinyarada jaamacadaha ama aqoonyahanka. Kulanka oo ka qabsoomay xarunta Dhaqanka ee Hargeysa caawa oo ay isugu yimaadeen kumanaan dhallinyaro ah aqoonyahan rag iyo dumarba isugu jira oo ballanta […]

Wasiirka Ganacsiga Oo La Kulmay Wefti Ganacsato Ah Oo Ka Socday Saldanada Cumaan Iyo Switzerland

Hargeysa(Somaliland.Org)Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga, Mudane Eng Xuseen Aadan Cigge, ayaa (31.05.2016) xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo Ganacsato iyo Maal-gashadayaal ah oo ka socday dalalka Saldanada Cumaan iyo Switzerland. Weftigani waxay Somaliland u yimaadeen inay indha-indheeyaan isla markaana u kuur galaan Fursadaha Ganacsi iyo kuwa Maalgashi ee dalkeena ka jira, gaar ahaan ka […]

Somaliland:Wasiirro Lagu Soo Dhaweeyay Xudun Oo Ay Mashaariic Ka Fureen

Xudun(Somaliland.Org) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda JSL, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi yo weft balaadhan oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayo ayaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hir galiyey degmada Xudun ee gobolka Sool. Wasiirka Xaashi iyo weftigaasi oo saaka si balaadhan loogu soo dhaweeyey degmadaasi, ayaa furay mashriic sadex ah, sidoo kalena […]

“Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya Wadaagaan Wuu Wanagsan Yahay” Brig Gen. Berhe Tesfay

Hargeysa(Somaliland.Org):- Brig Gen. Berhe Tesfay, Wakiilka xafiiska qunsuliyada dawladda Itoobiya ku leedahay Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inuu xidhiidh wanaagsan u dhaxeeyo xukuumadda Somaliland, isla markaana loo baahan sidii loo sii xoojin lahaa. Mr. Tesfay, oo ka hadlayey munaasibad lagu qabtay Huteel Maansoor shalay laguna xusayey sannad-guurada 25aad ee 20-ka Ginbot, oo ku beegan markii […]

The National Business: Heshiiska Dekadda Berbera Wuxuu Dhex Maray Laba Dawladood

Berbera(Somaliland.Org)-Wargeyska The National Business oo ka soo baxa dalka isku taga imaaraadka carabta, ayaa shalay warbixin ka qoray heshiiska is-faham ee lagu casriyaynayo marsadda Berbera oo lagu wado inay noqoto marin ganacsi iyo dekad caalamiya oo ay horaantii bishan May 2016 kala saxeexdeen xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka UAE. […]

Wasiirro Kulan Ku Saabsan Heshiiska Casriyaynta Dekedda Berbera La Yeeshay Ganacsatadda

Hargaysa (Somaliland.Org): Kulan balaadhan oo ku saabsanaa ka dhaadhicinta muwaadiniinta ee is-fahamka hor-dhaca ah ee dhaxmaray Somaliland iyo dwladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Madaxtooyadda Somaliland ee magaaladda Hargaysa. Kulankaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda madaxtooyadda waxaa ka soo qayb galay haldoorka ganacsatada dalka oo ilaa dhawr iyo labaatan ahayd iyo […]

Suldaan Soo Dhaweeyay Mashruuca Maalgelinta Dekadda Berbera

Hargeysa (Somaliland.Org): Suldaan Barre Xaaji Xuseen Caraale, oo ka mid ah salaadiinta Somaliland ayaa sheegay in uu s buuxda u taageersan yahay qorshaha maalgashiga dekada Berabera . isagoo dhinaca kalena fariin u diray bulshada iyo dad uu ku tilmaamay in ay yihiin war-xuma tashiilka dhanka xun wax ka eega. Suldaan Barre, oo shalay warbaahinta kula […]

James Jeffrey Oo Warbixin Xiiso Leh Kaga Faallooday Somaliland

HARGEYSA(Somaliland.Org)-Suxufiga la yidhaahdo James Jeffrey oo ka mid ahaa suxufiyiintii warbaahinta caalamiga ahayd ee ka soo qeyb gashay munaasibaddii 25 guurrada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa warbixin ku faah-faahiyay waxyaabihii Somaliland u tisqaaday rubuc qarnigii ay xornimadeedii kala soo noqotay Soomaaliya iyo siday beesha caalamku uga dhego adaygeen inay […]

“Maalgashiga Dekeddu Waa Mid Ka Mid Ah Waajibaadkii Xukuumadda Oo La Fuliyay”

Hargeysa(Somaliland.Org)- Maxamed Xirsi Guulleed oo sheegtay inuu u taagan yahay musharaxnimadda madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa soo dhaweeyay heshiiskii xukuumaddu la gashay shirkada DP World ee balaadhinta marsadda Berbera. Maxamed Xirsi Guuleed oo shalay la soo xidhiidhay wargeyska DAWAN, ayaa waxa uu xusay in ay tahay tallaabo xaga horumarka loo qaaday maal-gelinta […]

Somaliland: Ardaydii Ugu Badnayd Oo Maanta u Fadhiisanaya Imtixaanka Shahaadiga Ahaa

Hargaysa Somaliland.Org): Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka afraad ee dugsiga sare iyo fasalka sideedaad ee dugsiyadda dhexe ee Somaliland ayaa maanta ka bilaabmaya dalka oo dhan, iyadoo ay u fadhiisanayaan ardaydii ugu badnayd rubuc qarnigii Somaliland madax-banaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya. Tiradda guud ee ardayda sanadkan u fadhiisanaysaa ayaa marka la isku darro waxay yihiin […]

Heshiiska Casriyeynta Dekedda Berbera Kuma Hagaasayo Hagardaamada Cadowgiisa

By: Maxamuud Cali Sh. Maxamed (Walaaleye) waxaan jeclahay Inaan warbixin kooban ka qoro siday ku bilaabmatay iyo sababaha keenay inuu yeesho cadow badan markii uu soo baxay heshiiska casriyeynta dekeda Berbera ee dhexmaray xukuumada Somaliland iyo wadanka Imaaraadka carabta, oo hadaldayntiisu mudooyinkii u dambeeyey ku badnayd warbaahinta geyiga Soomaalida iyo baraha bulshooyinku ku xidhiidhaan. Sannadkii […]

“Heshiiska Dekedda Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Taariikhda Ku Galay” Guddoomiyaha UCID

Burco-(Somaliland.Org):- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa bulshadda Somaliland u soo jeediyey inay soo dhaweeyaan maal-gashiga lagu samaynayo dalka, kana mid tahay casriyeyta dekedda Berbera oo wax badan u tari doona dalka iyo dadka Somaliland. Gudoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe oo shalay kula hadlayey taageerayaal cusub oo xisbiga UCID magaalada Burco kaga […]

Xukuumadda Oo Tagsiileyaasha Madaarka Ku Booriyay adkaynta Nabad-gelyadda

Hargaysa (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Cumar Sh. Maxamed Faarax, ayaa ku booriyay ururka Tagsiileyaasha madaarka Hargeysa inay xil weyn iyo masuuliyad iska saaraan adkaynta nabad-gelyadda isla markaana ay wixii nabad-gelyadda dalka dhaawacaya kala shaqeeyaan dawladda. Wasiirku waxa uu shalay sidaasi ka sheegay xaflad ay barxadda Madaarka Cigaal International Airport […]

“Berbera Lama Wareejin Karo, Laakiin Waxaynu Rabnaa Maal-gashi” Muuse Biixi

Hargeysa(Somaliland.Org)- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna musharraxa madaxweynaha ee xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay muhiimadda ay Somaliland u leedahay midnimada iyo isku duubnimada shacabku, waxana uu sheegay in wada-jirka shacabku door laxaad leh ka qaadan karo tallaabooyinka qaranka horumarkiisa lagu hinidisayo. Guddoomiye Muuse Biixi oo ka hadlay xaflad loo qabtay ardayda sannadkan ka baxaysa […]

Golaha Guurtida Oo Bogaadiyay Heshiiska Balaadhinta Dekedda Berbera

Hargeysa (Somaliland.Org): Guddi hoosaadyada arrimaha dibada iyo difaaca ee golaha Guurtida Somaliland, ayaa xildhibaanadda golahaasi ka horjeediyay warbixino ku saabsan siyaasadda arrimaha dibada iyo xaaladda guud ee nabadgalyada dalku halka ay marayso. Guddiyadani waxay si weyn u soo dhaweeyeen heshiiskii maalgashiga dekaeda Berbera ee Somaliland la gashay shirkada PD World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka […]

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Wefti Heerkiisu Sareeyo Oo Ka Socday DP World

Hargeysa(Somaliland.Org)-Wefti heerkiisu sareeyo oo ka socda shirkadda DP World oo uu hoggaaminayo agaasimaha guud ee shirkadaasi Sultan Ahmed Bin Sulayem, ayaa maanta soo gaadhay Somaliland oo ay booqasho rasmi ah uga bilaabantay si ay uga wada hadlaan dhaqan-gelinta heshiiskii casriyaynta marsadda Berbera ee shirkadda iyo dawladda Somaliland kala saxeexdeen 9 bishan May. Weftigani oo ka […]

Mowqifkii Dalka Imaaraadka Carabtu ka Taagnaa Somaliland Oo Isbedal Ku Yimid

By: Maxamuud Walaaleeye Abu Dhabi(Dawan):- “Xilli weli mushkilado ka taagan yihiin Soomaaliya, ayaa qeybtii hore ee Waqooyi oo loo yaqaan Jamhuuriyada Somaliland, oo madaxbanaanidooda ku dhawaaqay sannadkii 1991-kii, markii xukuumadii dhexe burburtay, ayaa mudadii ka dambaysay ka gaadhay horumar dhinaca dhaqaalaha iyo nabadgelyadda oo abuuray jaamacado aqoonta kobciya,” ayaa lagu bilaabay warbixin wargeyska Al Ithihaad […]

“Somaliland Waxa Lagu Tilmaamay Meelaha Faro Ku Tiriska Ah Ee Iskood Wax u Qabsaday ” James Jeffrey

“Waxa Ka Hirgalay Nabad-gelyo, Dimuqraadiyad Iyo Maamul Wanaag Aanay Beesha Caalamku Kaalin Ku Lahayn” Hargeysa(Somaliland.Org)- Telefishanka Al-jazeera, ayaa shalay baahiyay warbixin xiiso leh oo ay ka diyaariyeen debaal dagii munaasibadii 25 guurrada ka soo wareegtay madax-banaanida Somaliland. waxaanay sheegeen inay Somaliland mudadii ay jirtay ay ku tallaabsatay dimuqraadiyad iyo dawlad wanaag aanay tahli karin dawlado […]

Somaliland: 25 years as an unrecognised state By:James Jeffrey

Hargeisa, Somaliland – On May 18, 1991, Somaliland declared its independence from Somalia. Twenty-five years on, it still has not received legal recognition from the international community. “Even if they don’t recognise us, our independence is by virtue of our existence and by virtue of our liberty,” said Yussef Ali, who had taken his four […]

Somaliland:Wefti Xukuumadda ka Socda Oo Wacyigelinta Codbixiyeyaasha Ka Bilaabay Bariga Sanaag

Hargeysa (Somaliland.Org): Wefti wasiirro ah oo uu hogaaminayo wasiirka waxbarashada Cabdillaahi Ibraahin Habane (C/laahi-dheere) ayaa maanta socdaal shaqo ugu baxay goboladda bariga Sanaag. Socdaalka wasiirradaasi ayaa la sheegay in uu la xidhiidho sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha diiwaangelitnta codbixiyayaasha oo la filayo in ay dhawaaan ka bilaabanto gobolka Sanaag. Weftigaasi uu hogaaminayo wasiirka waxbarashada […]

Madaxweynaha Somaliland Oo Cafis Ku Sii Daayay Madax-dhaqameed Maxkamadi Xuntay

Hargeysa(Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa cafis madaxweyne ku sii daayay 14 xubnood oo iskugu jira madax-dhaqameed iyo dhalinyarro maxkamadda Gobolka Hargeysa 2-dii bishan May ay ku xukuntay min laba sannadood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed,ka dib markii lagu helay inay shaqaaqo ka rideen horaantii sannadkan goob ay ka socotay […]

Munaasibadda 25 Guurrada Somaliland Oo Si Weyn Looga Xusay Maraykanka

Washington,DC (Somaliland.Org):- Dalka Maraykanka si weyn lagu qabtay xaflad caalami ah oo lagu xusaayey sannad guurada 25aad ee kasoo wareegtay markii ay Somaliland, la so noqotay madaxbanaanideeda, ee ay halgan dheer ka dib ku dhawaaqaday gooni isu-taaga Somaliland, ee la isla qaatay in Qarankani yahay mid muqadas ah 18-May-1991-kii. xafladaas oo ay kasoo qaybgaleen madax […]

“Muraad Ayaa Ah Maayarka Sharciga Ah Ee Burco” Wasiir Waran-cadde

Hargeysa(Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde, ayaa gaashaanka ku dhuftay 10 xildhibaan oo ka tirsan Golaha deegaanka Burco oo Sabtidii sheegay in doorteen maayar cusub oo aan ahayn Guddoomiyaha Golaha deegaanka degmadaasi Maxamed Yuusuf Muraad. Tallaabadan oo ka dhalatay khilaaf muddo soo jiitamayay oo laba garab u kala qeybiyay Golaha deegaanka Burco. “Arrinta […]