Madaxweynaha Somaliand Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirkii Boosaha Iyo Taliyihii Xeebaha

Hargeysa(Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa xilkii ka qaaday Wasiirkii Boosaha iyo isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal iyo Taliyihii Ciidanka ilaalada Xeebaha Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Xiirane. sidaasna waxa lagu caddeeyay qoraal ka soo baxay madaxtooyadda oo uu ku saxeexnaa afhayeenka Madaxtooyadda Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax). Labadan masuul waxa madaxweynuhu digreetadiisa ku […]

Madaxweynaha oo Ku Dhawaaqay Dib u Bilowga Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay dib u bilowga diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolada hadhsan, gaar ahaan kan gobolka Maroodi-jeex oo 30-04-2016 ay si rasmi ah uga furmayso dhammaan goobaha loogu talogalay ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Ku dhawaaqidan madaxweynuhu waxa uu ka jeediyey hoolka shirarka ee Guuleed Hotel, […]

Guddiga Abaaraha Oo Arday Hindiya Wax ku Baratay Ka Guddoomay Qaadhaan Lacageed

Hargaysa (Somaliland.Org): Dhalinyarro reer Somaliland ah oo wax ku soo bartay dalka Hindiya ayaa maanta gudiga abaarha heer qaran ku wareejiyay qaadhaan lacageed oo ay kaga qayb qadanayaan wax ka qabashadda abaaraha. Lacagtaasi ay ardaydu ku wareejiyeen guddida abaaraha oo dhamayd $3011. Kulankii ay dhalinyarradaasi lacagta ku wareejinayeen oo lagu qabtay xarunta madaxtooyadda waxaa goob […]

Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsiyadeeyay Shan Qof Oo Shil Ku Geeriyooday

Hargaysa (Somaliland.Org)-Shan qof ayaa ku geeriyooday, halka qof kale uu ku dhaawacmay shil gaadhi oo maanta ka dhacay duleedka bari ee magaaladda Hargeysa, ka dib markii laba booyadood oo ka mid ah gaadiidka biyaha u soo qaada magaalada Hargeysa isku dhaceen. Shilkan ayaa ka dhacay meesha lagu magacaabo Burcada yar ee bariga Hargeysa. Waxaana la […]

Xukuumadda Oo Shaacisay Tallaabooyin Ammaanka Madaarrada Lagu Adkaynayo oo La Dhaqan Geliyay

Hargaysa (Somaliland.Org)- Masuuliyiinta Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saaray go’aamo lagu adkaynayo amaanka madaarrada dalka, gaar ahaan madaarka Hargeysa oo ay ka joojiyeen shirarka jaraa’id ee lagu qaban jiray qolka nasashada ee madaarka gudihiisa xilliyadda masuuliyiinta dawladda iyo madaxda axsaabta qaranku ay dalka ku soo laabtaan. Sidaa waxa lagu sheegay […]

Wefti ka Socday Somaliland Oo Kulan Kula Yeeshay Kenya Safiirrada Midowga Yurub

Nairobi (Somaliland.Org) Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sharaxaad ka bixyey kulan ay magaalada Nairobi kula yeesheen isaga iyo masuuliyiin ka tirsan Dawladda Somaliland Wakiilo ka socday Midowga Yurub. Wasiir Xaashi ayaa faahfaahinyey Qodobo afar ah oo ay isla qaadaa dhigeen Waftiga Somaliland iyo safiiradaasi, waxaanu xusay inay Safiiradaasi u cadeeyeen in Somaliland […]

Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Shirkadda RAK-Gas Oo Socdaal ku Yimid Dalka

Hargeysa(Somaliland.Org)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti heerkiisu sareeyo oo ka socday shirkadda imaaraadka carabta laga leeyahay ee sahminta iyo qodista shiidaalka ee RAK-Gas. Madaxweynuhu waxa uu saraakiisha shirkadan uga warramay baahida Somaliland u qabto in la soo saaro oo laga faa’iidaysto khayraadka dabiiciga ah ee dalkan, sidaasna […]

Somaliland:Wasiir Ku-xigeenka Qorshaynta Iyo Dullucda Socdaalkiisa Dalka Giriiga

Hargeysa(Gudgudenews.com):- Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Dalka Giriiga u dirtay Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed, si uu gacan buuxda uga geysto Caawimada dadkii reer Somaliland ee ka badbaaday Doonidii ku Qarraqantay Badweynta Mediterranean ka, isla markaasna uu warbixin sugan ka keeno sida uu shilku u dhacay iyo tirada […]

Wefti ka Socday Somaliland Oo Ka Qeyb-galay Sagaashan Guuradda Boqorada Ingiriiska

London(Somaliland.Org)-Wefti iskugu Jira Wasiirro iyo Guddoomiyaha KULMIYE, ayaa ka qeyb-galay xaflad loo sameeyay sagaashan guurada ka soo wareegtay nolosha Boqorada dalka Ingiriiska. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu galabta soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax), waxaanu u qornaa sidan:- “Wefti sare oo ka socda dawladda Somaliland, ayaa ka qeyb-galay dabaal-dega caalamiga […]

“Somaliland Xiiso Uma Qabto Wada hadallada Soomaaliya Haddii Aan Xal Laga…”

Ankara-(Somaliland.Org):- Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa shaaca ka qaaday inay rajaynayaan natiijo ka soo baxda wada hadallada u dhaxeeya Soomaaliya, haddii kale aanay macno lahayn sii wadistoodu. Dr. Sacad Cali Shire iyo wefti uu hogaaminayo oo qeyb ka ahaayeen Wasiirka Madaxtooyada Mr. Maxamuud Xaashi Cabdi […]

Qoddobadii Lagu Falan-qeeyay Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland

HARGEYSA(Somaliland.Org)-Fadhigii Golaha Wasiirrada ee Khamiistii oo uu Guddoominayay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa lagu soo qaaday sidii wax looga qaban lahaa tahriibka iyo masiibooyinka ka dhashay. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax), waxaau u qornaa sidan:- “Shirkii Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, […]

Xukuumadda Oo Riig Ceel Biyood Ka Qodaya Banka Qool-caday Ku Wareejisay Waxgaradka Deegaanka

Hargeysa(Somaliland.Org):- Xukuumadda Somaliland,ayaa shalay ku wareejisay Guddiga horumarinta Sahan Barwaaqo ee Beesha deegaanka Gaadhi Riig ah oo ceel biyood ka qodi doona deegaanka Banka Qoolcaday. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),Wasiirudawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud (Jeeniyare) Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto […]

Diiwaan-gelintii Codbixiyeyaasha Oo Ka Bilaabmaysa Gobolka Maroodi-jeex

Hargeysa(Somaliland.Org)- Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha dib dalka looga bilaabi doono. Waxaanay cayimeen wakhtiga ay ka bilaabmayso gobolka Maroodi-jeex iyo degmadda Sallaxley. Guddida doorashooyinku waxay sheegeen in diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha laga bilaabi doono gobolka Maroodi-jeex 30-ka bishan April, sida lagu caddeyay war-saxaafadeed uu ku saxeexnaa afhayeenka Guddidaas Siciid Cali Muuse. “Sidaad la socotaan […]

Baaqa Guddida Qaban-qaabada 25-guuradda Madax-banaanida Somaliland Iyo Hal Ku-dhiga Sannadkan

Hargaysa (Somaliland.Org):- Guddida heer qaran ee qaban qaabadda xuska 25 guuradda ka soo wareegtay gooni-isku taaga jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May, ayaa sheegay in qadiyadda shacabka Somaliland oo midaysan loo gudbin doonno beesha caalamka iyo jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa. Guddida qaban qaabadda 18-ka May oo shalay kulan ku yeeshay magaaladda Hargaysa, ayaa sidoo kale ugu […]

Madaxweynaha Somaliland Oo UN-ka Ugu Baaqay Inaanay Deeqaha U Soo Marin Soomaaliya

HARGEYSA(Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ugu baaqay qaramadda midoobay inaanay kaalmooyinka ay Somaliland ugu tallo-galeen ay toos ugu soo gudbiyaan xukuumadiisa, hase yeeshee aanay isku halayn karin in deeqaha loo soo mariyo dawladda itaalka daran ee Soomaaliya. sidaasna Madaxweynuhu waxa uu u sheegay mar uu shalay qaabiley Ku-xigeenka ergeyga gaarka ah qaramada […]

Madaxweynaha Somaliland Oo Sheegay In Tallo Qaran Lagu Suulin Doono Tahriibka

HARGEYSA(Somaliland.Org)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay inay dejin doonaan qorshe qaran oo lagu waajahayo xakamaynta tahriibka, ka dib markii dhalinyarro badan oo reer Somaliland ahi ay ku naf waayeen doonidii 370-ka qof ku dhinteen ee ku burburtay xeebaha Masar iyo Giriiga. Madaxweynuhu waxa uu shalay dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii […]

Xildhibaan Bidhi Oo Ku Baaqay In La Iska Kaashado Shaqo u Abuurka Dhalinyarrada

BURCO(Somaliland.Org)- Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan Golaha deegaanka degmadda Burco, ayaa dhalinyarrada Somaliland ku booriyay inay ka waantoobaan inay nafahooda ku biimeeyaan tahriibta halaaga ah. Waxaanu tacsi u diray qoysaska illaa lixdameeye dhalinyarro ah oo reer Somaliland ah oo ku dhintay dooni ku burburtay badda Mediterian-ka oo ka shiraaqday dalka Masar. Xildhibaan […]

Somaliland: Saylici Oo Qaabiley Wefti Ka Socday Hay’ad Islaami Ah Oo Reer Kuwait Ah

Hargeysa(Somaliland.Org)-Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xafiiskiisa kula kulmay saraakiil ka socday Ha’yad islaami ah oo dawladda Kuwait leedahay oo la yidhaahdo soo nooleynta dhaxalka iyo bulshadda islaamka (Revival of Islamic Heritage society, State of Kuwait) oo raashin gaadh siin doona qoysas lagu qadaray laba kun oo qoys oo ka […]

Somaliland:Madaxweynaha Oo ka Qeyb-galay Aaskii Xildhibaan Ka Tirsanaa Guurtida

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo madaxda kale ee Qaranka, ayaa ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyey Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal oo ka mid ahaa xildhbaannadii Golaha Guurtida ee kaalinta weyn ka soo qaatay nabadayntii iyo dawladnimadii Somaliland. Aaska Marxuumka oo ka dhacay […]

Madaxweyne Siilaanyo Oo Caddeeyay Mowqifka Somaliland Ee Ku Wajahan Doorashada Soomaaliya

Hargeysa(Somaliland.Org)-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa soo saaray qoraal uu ugu caddaynayo dhawladda federaalka ee Soomaaliya mowqifka dawladda Somaliland ee ku aaddan hadal dhawaan ka soo yeedhay maamullada dalkaasi oo sheegayey inay Somaliland xubno metalayaa ka qaybgalayaan qaab doorasho oo soomaaliya ku heshiisay, 2016. War-murtiyeedka madaxweynuhu, wuxu u dhignaa sidan:- Anigoo ku hadlaya […]

Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Waraysi Lala Yeeshay Difaacay Siyaasadda Xukuumadda Iyo KULMIYE

“Labadan Masuul Waa Laba Masuul oo Nagu Qaali Ah, Kana Mid Ahaa Raggii ka Soo Shaqeeyay Guushii KULMIYE, Laakiin Waa La Kala Aragti Duwanaaday” “Haddii Aanu Xilal u Dhiibnay Rag Dawladdii UDUB Ahaa Waxay Ahayd In Nalagu Ammaano” Madaxweyne Ku-xigeenka WARAYSI GAAR AH Hargeysa(Somaliland.Org)-Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna Murrashaxa madaxweyne […]

Somaliland:Xukuumadda Oo Madax-dhaqameedka Uga Digtay Shirarka Soomaaliya

Hargaysa(Somaliland.Org)- wasiirka wasaarada arrimaha gudaha somaliland mudane Cali Maxamed Warancade oo socdaalka shaqo ku jooga dalka kenya ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray uga digay dhamaanba madaxdhaqameedka dalka Somaliland inaanay ku milmin Shir qoolada laga maleegayo maamulka taagta daran ee somaliya. warsaxaafadeedkaasi oo dhamays tiirana waxa uu u qornaa sidan hoose:- “Shirqoolka ka Socda Xamar ee […]

Waraysi Xiiso Badan Oo Laga Qaaday Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland

Hargeysa(Somaliland.Org):- Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha ee heer qaran Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),isla markaana ah Murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE, ayaa sheegay in dadkii ku caydhoobay iyo kuwii beerahoodu ku waxyeeloobeen ay u samaynayaan qorshe ay ku xoolaynayaan kuwii xoolo dhaqatada ahaa, kuwii beeralayda ahaana ay ku […]