Waraysi Madaxweyne Ku-xigeenku Ku Sharaxay Baaxadda Abaaraha Awdal Iyo Salel

Cabdiqaadir(Somaliland.Org):-“Waxyaabaha noogu daran ee aanu soo aragnay waxaa ka mid dadka soo guuray ee xooluhu ay ka baxeen oo ah sida reer magaalka hooyooyin caruurtoodu isku nuug tahay oo jilicsan oo duruufta haysataa ay adag tahay,” sidaa waxaa hadalkiisa ku bilaabay Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo waraysi gaar ah xalay […]

Dadweynaha Bari Oo Cambaareeyay Go’aankii WADDANI Kaga Soo Hor-jeestay Hakinta Diiwaan-gelinta

Hargeysa (Somaliland.Org)- Shacbiga iyo cuqaasha ku dhaqan goballada Togdheer, Sanaag iyo Sool ayaa soo dhaweeyay go’aankii lagu hakiyay muddo bil ah diwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland, waxaanay naqdiyeen xisbiga WADDANI oo ka soo horjeestay dib u dhigistaasi si loogu gurmado dadka abaaruhu tabaaleeyeen. Dadweynaha ku dhaqan goballada Togdheer Sanaag iyo Sool oo shalay warbaahinta qaranku wax […]

“Madaxweyne, Waxaad Na Tustay Sidaad Dadkaaga Ugu Damqanayso” Xildhibaan Jirde Siciid

Hargeysa (Somaliland.Org): Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa Madaxweynaha Somaliland ku hambalyeeyay go’aanka uu ka qaatay in la hakiyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka ee Gobolka Maroodijeex iyo ahmiyadda uu siiyay gurmadka iyo samato bixinta dadka abaaruhu halakeeyeen ee gobolada Awdal iyo Selel. Waxaanu ugu baaqay qurba joogta reer Somaliland iyo cid […]

Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Guddoomiyihii TELESOM Ee Gabiley Oo Geeriyooday

Hargaysa (Somaliland.Org): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa uu dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay marxuum Sheekh Maxamed Muumin Aadan, oo ahaa gudoomiyihii shirkada TELESOM ee Gabiley oo shalay ku geeriyooday magaaladda Gabiley. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Sheekh caalim ahaa […]

Wasiirka Ganacsiga Oo Ka Hadlay Guddi Farsamo Oo Itoobiya Kala Xaajoon Doona Arrimaha Ganacsiga

Hargeysa (Somaliland.Org) Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga Mudane, Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) ayaa madaarka caasimadda Hargeysa ku sagootiyey wefti Itoobiyan ah oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa Somaliland. Wasiirka ayaa kulan dardaaran iyo sii sagootin ah kula qaatay guddi farsamo oo ka koobnaa khubaro, aqoon-yahanno, maamulka sare ee dekkedda Berbera iyo agaasimayaal guud oo […]

Danjire Baashe Cawil Oo Ka Waramay Mashaariic Dawladda Imaaraadku Ka Saaciday Somaliland

“Ma Jiro Kaalin Aan Ku Leeyahay Qorshe Imaaraadka Loogu Wareejinayo Maal-gashiga Dekada Berbera” Danjire Baashe Cawil Hargeysa(Somaliland.Org)- Md. Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin masaalix wadanka Imaaraadka Carabtu ku doonayo bedelka mashaariicaha taageerada uu Somaliland ka fuliyo, balse yihiin dedaalo ku yimi siyaasadda xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilanyo hogaaminayo. Safiirka Somaliland u […]

Madaxweynaha Somaliland Iyo Dullucda Kulan Uu La Yeeshay Safiirro Ingiriis Ah

Hargeysa(Somaliland.Org):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa xafiiskiisa ku qaabilay laba danjire oo ka socday dawladda Ingiriiska oo socdaal shaqo ku yimid Somaliland. Labadan Safiir oo kala ah safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Ms. Harriet Mathews, oo ay weheliso Ms. Cat Evans oo ah ku xigeenka Safiirka dawladda Ingiriiska […]

Xildhibaan Bidhi Oo Ku Baaqay In Dimuqraadiyadda Somaliland La Taabo-geliyo

Burco(Somaliland.Org)-Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan Xildhibaanadda Golaha deegaanka degmadda Burco, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dimuqraadiyadda Somaliland la sii taabo-geliyo oo aan dib loogu noqon in wax lagu qeybsado beelo. Xildhibaanka oo ka wakiil ahaa Golaha deegaanka Burco, waxa uu sidaasi ka sheegay kulan xog ururin ah oo ay Guddi […]

KULMIYE Oo Xubinimadii Xisbiga Ka Saaray Shan Xubnood

Sida ku cad warqadda sumadeedu tahay XK/XGX/0042185/2016, kuna taariikhaysan 23 March 2016 ee ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, taas oo lagu kala socodsiiyey hay’adaha ay khusayso, kadib markay wadatashi yeesheen Hoggaanka Sare ee Xisbiga iyo Guddida Fulinta, waxa caddaatay in xubnaha wadahadalka tooska ah kula jira xisbiyada Mucaaradka ah ay si badheedh ah […]

Somaliland Oo Ka Qeybgashay Shir Ay ka Qeyb-galeen 21 Dal

LONDON(Somaliland.Org)- Shir lagaga hadlayo ammaanka madaaradda adduunka ayaa saaka ka furmay magaaladda London ee dalka Ingiriiska kaasi oo ay ka qeybgaleen 21 wadan oo caalamka ku yaalla, oo Somaliland ka mid tahay. Shirkan waxa ka qeyb galay dalal ka kala socday Yurub, Asia iyo Africa.Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal xalay niskii dambe ka soo baxay […]

Muuse Biixi Oo La Shiray Xildhibaanno Iyo Saraakiil Hay’adeed

Hargeysa (Somaliland.Org):-Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi, ayaa shir wadatashi ah la yeeshay xildhibaannada Gobolka Wakiillada ugu jira xisbiga. Kulan casuumad qado ah oo hoggaanka xisbiga KULMIYE ku sameeyey huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa shalay, kaas oo ay isugu yimaadeen xildhibaannada matalada xisbiga ee Golaha Wakiillada, ayaa ujeeddadiisu […]

Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Kumanaan Dadweyne Salaad Roob Doon Ah La Tukaday

Hargaysa (Somaliland.Org): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Maanta kumanaan ka mid ah shacbi weynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa kula tukaday Salaad Roob-doon ah garoonka kubbadda cagta ee Hargaysa Stadium. Salaada Roob-doonta ah oo shalay dalka oo dhan si weyn looga oogay ayaa madaxweyne Siilaanyo waxa uu kumanaan dadweyne ah kula tukaday […]

Cirro Oo Si Qiiq Isku Qarin Ah Uga Jawaabay Eedo Musuqmaasuq Oo Loo Jeediyay

“Xildhibaanku Haddii Uu Is Yidhi Kaftan, Waxay Ahayd Inuu Meel Fiican Ka Bilaabo,  Arrintani Waa  Mid ka Dhalatay Bedalkii Lagu Sameeyay”  Hargeysa(Somaliland.Org)-Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa jar iska xoornimo ah ugaga jawaabay eedo musuqmaasuq iyo ku tagri-fal awoodeed oo uu Sabtidii todobaadkan u jeediyay Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi. Xildhibaankan  […]

Somaliland:Imaaraadka Carabta Oo Dadka Abaaruhu Tabaaleeyeen Ugu Deeqay Raashin

Berbera(Somaliland.Org)-Dawladda Imaaraadka carabta ayaa dawladda jamhuuriyadda Somaliland, soo gaadh siisay raashin mucaawimo ah oo dhan kun tan, oo loogu tallo-galay dadka abaaraha kululi saameeyeen ee ku dhaqan gobolladda dalka. Danjiraha Somaliland u fadhiya Imaaraadka carabta Baashe Cawil Xaaji Cumar, oo maanta ka hadlayay kulan deeqdan lagula kala wareegayay oo lagu qabtay magaaladda Berbera, ayaa sheegay […]

Madaxweyne Siilaanyo Oo La Kulmay Jaaliyadda Somaliland Ee Kuwayt

Hargeysa(Somaliland.Org)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminaayey ee ku sugnaa dalka kuwayt ayaa xalay, taariikhduna tahay 17/03/2016 kulan muhiima la qaatay Jaaliyadda Somaliland ee Dalka Kuwayt. Madaweynaha iyo weftigii uu hoggaaminayo oo caawa la kulmay jaaliyadda somaliland ee dalka kuwait waxay ka wada hadleen oo ay isla markaana uga warrameen ujeeddada […]

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo La Kulmay Wefti Imaaraadka Carabta Ka Socday

Hargeysa(Somaliland.Org)-Madaxwayne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha madaxwaynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan C/laahi Ismaciil (Saylici), ayaa maanta hoolka shirarka ee qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafti balaadhan oo ka socda Isu-tagga Imaaraatka Carabta ee (U.A.E). Weftigan Imaaraadka oo ka koobnaa 10 xubnood oo uu hogaaminayay guddoomiyaha hay’ada Imaraadka Carabta u qaabilsan Arrimaha Diinta & Awqaafta, oo booqasho […]

Reer Gabiley Oo Soo Dhaweynta Muuse Biixi Ugu Quus Gooyay Mucaaridka

Kumanaan qof oo soo dhawayn ay u adeegsadeen Fardo, gaadiid, ubax, caleemo-qoyan ku qaabilay weftiga Guddoomiyaha KULMIYE + nuxurka khudbad murrashax Muuse Biixi u jeediyey reer Gabiley Gabiley (Somaliland.Org):- Shacabka Gobolka Gabiley, ayaa baaxadda taageerada ay u hayaan xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE ugu quus-gooyey xisbiyada mucaaradka ah ee quud-darradu ka haysay. Bulshada ku dhaqan degmooyinka […]

Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Boqorka Kuwait

Kuwait(Somaliland.org)- boqorka Kuwait Sheekh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, ayaa maanta qaabilay weftigii uu hoggaaminayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee socdaalka shaqo ku jooga dalkaasi. Madaxweynaha Somaliland iyo Boqorka Kuwait, waxay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wax wada qabsiga labada dal, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Cabdiraxmaan Sheekh […]

Madaxweynaha Somaliland Oo Socdaal Ugu Kicitimay Dalka Kuwait

Hargeysa(Somaliland.Org)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminaayey ayaa ka dhoofay dhabaha diyaaradaha ee Egal International Airport Hargeisa galabta. Weftiga Madaxweynuhu hogaaminaayey ayaa sidii warkii horeba aanu ku cadaynay waxa uu martiqaad rasmi ah ka helay Dalka Kuwait oo madaxweynaha iyo weftigiisa u soo diray diyaarad gaara oo madaxweynaha toos u geyndoonta […]

Madaxweyne Siilaanyo Oo Shahaado Sharaf Ugu Abaal Celiyay G.Degaanka Cardiff

London (Somaliland.Org):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shahaado sharaf ku abaal mariyay Maayarka iyo Golaha degaanka Magaaladda Cardiff ee dawlad hoosaadka Wales, ka dib markii Golaha deegaanka ee magaaladaas xukumaa ay sannadkii hore ansixiyeen mooshin ay ku caddeeyeen inay Somaliland ugu aqoonsadeen dawlad madax banaan. Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Ingiriiska Cali […]

Bulshada ku Dhaqan Xagal iyo Laas-ciidle Oo Caddeeyay Taageeradooda Xisbiga KULMIYE

Berbera (Somaliland.Org):- Bulsho-waynta ku dhaqan Deegaamada Bariga Gobolka Saaxil, gaar ahaan dhulka hoos yimaada labada degmo ee Xagal iyo Laas-ciidle, ayaa dhayda ka caddeeyey taageerada ay u hayaan xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, kadib markii wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey hoggaaminayey Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi ay socdaal la xidhiidha wacyigelinta […]

Guddoomiye Muuse Biixi Oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Geerida Maxamed Xasan Xayd (Carmiye)

Hargeysa(Somaliland.Org)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida ALLE ha u naxariistii Marxuum-Maxamed Xasan Carmiye oo maanta ku geeriyooday Magaaladda Burco ee gobolka Togdheer. Sida lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray xisbigu caawa. Waxaanu u qornaa sidan:- “Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga […]

Muuse Biixi oo Khudbad Qiimo Badan ka Jeediyey Bilowga Diiwaangelinta Saaxil

Berbera (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad aad u qiimo badan oo ku saabsan qaranimada, wadajirka iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ka jeediyey xaflad daahfurka diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Gobolka Saaxil loogu sameeyey huteelka Maansoor ee magaalada Berbera maanta. Guddoomiye Muuse waxa uu ka hadlay qiimaha iyo muhiimada ay qaranka […]

Marwadda Koowaad Ee Somaliland Oo Tallooyin Ugu Nasteexaysay Xisbiyadda Ku Hirdamaya Tallada Dalka

“Tartan Xalaala Aynu Tartano Marka Ay Doorashadu Bilaabanto, Innaga Oo Aan Is Jiid Jiidanayn” Hargeysa (Somaliland.Org) – Marwadda Koowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, ayaa ku baaqday in doorashooyinka madaxtooyadda iyo wakiiladda ee lagu wado inay dalka ka qabsoomaan kal-dambe inay noqoto mid aan la is jiid-jiidan, hase yeeshee six or ah […]