Xildhibaan Mubaarig Bidhi Oo Agab Ciyaareed Ku Wareejiyay Wadaamo-goo iyo Qori-lugud

“Waxaan Jecelahay Inaan Wixii Awoodayda Ah Aan u Qabto Da’yarta Iyo Ciyaartoyga Dhammaan Degmooyinka Gobolka Tog-dheer” Togdheer (Somaliland.Org)- Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan xildhibaanadda Golaha deegaanka ee Magaaladda Burco, ayaa maanta gudoon siiyay agab ciyaareed ciyaartoyga degmooyinka Wadaamo-goo ee gobolka Saraar iyo degmadda Qorilugud ee gobolka Buuhoodle. Xildhibaanku waxa uu Siciid Dirir […]

Madaxweynaha Somaliland Oo Xilka Qaadis Iyo Magacaabis Cusub Soo Saaray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-3881/022016 uu magacaabid, isku-bedel, iyo Xilka qaadis ku sameeyey qaar ka mida Masuuliyiinta laamaha kala duwan ee Xukuumadda. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka; […]

Wasiirka Ganacsiga Oo La Kulmay Ganacsato Shiine Ah Oo Booqasho Ku Jooga Somaliland

Hargeysa(Somaliland.Org)-Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ganacsato ah oo ka socday dalka Shiinaha oo maalmihii ugu dambeeyay socdaal shaqo ku joogay Somaliland. Weftigan waxa weheliyay Safiirka Somaliland u qaabilsan Shiinaha Maxamuud Cabdi Saleebaan (Mingiste) iyo Guddoomiyaha jaaliaydda Somaliland ee ku […]

Madaxweynaha Iyo Guddoomiyaha KULMIYE Oo Shacbiga Ka Taciyadeeyay Laba Oday Oo Geeriyooday

Hargaysa (Somaliland.Org) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa tacsi u diray geerida ku timid marxuumiinta kala ahaa, Marxuum Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare iyo Marxuum Mujaahid Axmed Maxamed Xasan Awoowo (Axmed Jabaan) oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah tacsidaa ugu dirayaa Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland […]

“Xoolaha Ma Af Aqaano, Laakiin Waxaan Kaashanayaa Khubarrada Wasaaradda” Wasiir Cukuse

Hargeysa(Somaliland.Org):- Wasiirka wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),ayaa maanta la wareegay xilkii wasaaradaasi kala wareegay wasiirkii hore Cumar Sheekh Maxamed Faarax, oo haatan ah wasiirka duulista iyo hawadda. Munaasibadii ay labada wasiir xilalka kula kala wareegayeen oo shalay ka qabsoontay xarunta wasaaradda xoolaha ee caasimadda Hargeysa, waxaa ka soo qayb galay wasiirro, xildhibaanno,madaxda […]

Somaliland Iyo Itoobiya oo Ka Wada Hadlaya Qabyo-qoraalka Heshiiska Ganacsiga

Hargeysa (Somaliland.Org)- Khubarro ka tirsan dawladda Ingiriiska, ayaa ka taageeraya xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland wadahadalka la xidhiidha istaraatijiyadda arrimaha ganacsiga ee ay kula jiraan dawladda Itoobiya. Sida lagu caddeeyey qoraal ka soo baxay Hay’adda la yidhaah TAF (Trade Advocacy Fund) oo hoos tagta Waaxda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dawladda Ingiriiska ee DFID, waxa ay dawladda […]

Wefti Culus Oo ka Socda Imaaraadka Carabta Oo Somaliland u Yimid Taakuleynta Abaaraha

“gurmadkaa loo fidinaayey abaaraha ayaa Madaxweynuhu safiirada iyo dhamaan dalalka aynu cilaaqaadka leenahayna u gudbiyey in lasoo gaadho dadkaa iyo Duunyadaa” Hargeysa(Somaliland.Org):-garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport wefti ka socda Imaaraadka Carabka ku soo dhaweeyey Ambassador Baashe Cawil Cumar oo ah Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka imaaraadka Carabta. Mudadii uu safiirku hayey xilka Safiirnimo ee […]

Af-hayeenka Cusub Ee Madaxtooyadda Oo Xilkii Kala Wareegay Wasiirka Ganacsiga

Hargeysa(Somaliland.Org):- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga horena u ahaa Af-hayeenka madaxweynaha Eng. Xuseen Aadan Cigge(Xuseen-dayr), ayaa maanta xilkii ku wareejiyay af-hayeenka cusub ee Madaxtooyada Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye(Shamax). Munaasibadii uu xilka kula wareegayay af-hayeenka cusub ee madaxtooyadda oo lagu qabtay xarunta madaxtooyadda ee magaaladda Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Maxamuud […]

Wasiirro Deeq Gaadhsiiyay Degmada Allay Baday

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo wefti ay hogaaminayso ayaa maanta raashin taakulo ah gaadhsiiyay bulshada ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan deegaanka xidhinta ee degmada Allay Baday. Raashinkan deeqda ah oo loogu talo galay kun iyo shan baqol oo qoys oo ku dhaqan deegaanada degmooyinka Allay Baday, Sallaxley iyo […]

Somaliland Oo Qaadacday Shir Soomaaliya Loogu Qabanayo Turkiga

Hargeysa(Somaliland.Org) Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in aaney xukuumada Somaliland ka qey bgaleyn shirka ka dhacaya Istanbuul ee Turkiga. War saxaafadeedka ayaa xusay in inkasta oo Somaliland taageersantay hannaanka higsiga cusub ee soomaalida,islamarkaana soo dhaweynayso ka go’naanshaha beesha caalamka,haddana ay ka xun tahay in aaney ka qeyb geli […]

Somaliland:Jawigii Xafladii Wasiirka Cusub Ee Warfaafintu Xilka Kula Wareegay

Hargeysa (Somaliland.Org) – Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) ayaa xilkii wasaaraddaasi rasmi ah ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradaas Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo loo magacaabay Wasiirka cusub ee wasaaradda xanaanada xoolaha. Munaasibadda labada masuul xilka kula wareegayeen oo lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta, waxa […]

“Waxaan Balan-qaadayaa Inaan Ka Shaqeyn Doono Hadafka Iyo Himilladda Xukuumaddu Leedahay”

Wasiirka Cusub Ee Ganacsiga Oo Balan-qaaday In Uu Ka Midho-dhalin Doonno Waajibaadka Madaxweynuhu U Igmaday Hargasya (Somaliland.Org): Wasiirka cusub ee wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen-Dayr), ayaa shalay si rasmi ah xilkii ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda ganacsiga Dr. Muuse Qaasim Cumar. Munaasibadii uu wasiirka cusub ee […]

Guddoomiye Cirro Oo Ka Noqday Mooshinkii Ansixinta Gabolnimada Gabiley Ee Xisbigiisu Siyaasadeeyay

Guddoomiyaha WADDANI Oo Si Is burinaysa Uga Hadlay Guddida Madaxweyne Siilaanyo U Naqeeyay Aqoonsi Raadinta Somaliland Hargaysa(Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka noqday qorshe ay xildhibaanno ka tirsan xisbigiisu ay dhawaan shaaciyeen oo la xidhiidha inay mooshin ku keenayaan ansixinta gobolnimadda Gabiley, oo ay ka doonayeen inay ku […]

Madaxweynaha oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Geerida Xildhibaan Ku Geeriyooday Hargeysa

Hargeysa(Somaliland.Org)-Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacbiga ka tacsiyadeeyay geeridda ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum- Maxamed Axmed Maxamuud Diingool, oo ka mid ahaa Xildhibaanadda Golaha deegaanka Hargeysa oo shalay ku geeriyooday caasimadda Hargeysa. Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu xalay soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Cabdiraxmaan Sh. […]

“Xisbul-xaakimka Iyo Xukuumadu Waxay Dadka Ku Kasbanayaan Wixii Ay Qabteen” Cismaan Hindi

Hargaysa (Somaliland.Org): Siyaasiga Cismaan C/laahi Cigaal (Cismaan-Hindi), oo hore uga tirsanaa xisbigii bur-buray ee UDUB ayaa sheegay in doorashooyinku culays ku hayaan dalka, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in la soo koobo doorashooyinka faraha badan ee dhawrkii sannadoodba mar la gelayo. Cismaan Hindi oo Telefishanka Universal ugu waramayay magaaladda London ee dalka Ingiriiska oo […]

Xisbiga WADDANI Oo Boorame Ka Bilaabay Qorshe Ay Ku Mijo Xaabinayaan Xalaalnimadda Diiwaan-gelinta

“Waxaan Idiinku Bushaareynayaa Reer Awdal Inaydaan Ka Yaraanaynin Intii Iska Diiwaan-gelisay Gobolka Togdheer” Afhayeenka WADDANI “Cabdiraxmaan Cirro Waa Beeshii Dhab Libaax Ee Siddeed Sannadood Madaxweyne Daahir Rayaale Ku Jiifay” Guddoomiye Ku-xigeenka WADDANI Boorame (Somaliland.Org)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa dadweynaha ku dhaqan gobollada dalka doonaya inay u tartan siiyaan qorshe ku dhisan qabyaalad iyo […]

Guddoomiyaha Guddida Qaban-qaabadda 18-ka May Ee UK Oo La Magacaabay

London (Somaliland.Org): Safiirka Somaliland ee magaaladda London Cali Aadam Cawaale, ayaa shalay u magacaabay Maxamed Cumar Maygaag gudoomiyaha qaban-qaabadda ee xuska 25-guuradda munaasibadda qaran ee 18-ka ee dalka Britain. Sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal kooban oo uu shalay soo saaray danjire Cali Aadan, kaasi oo nuqul ka mid ah soo gaadhay wargeyska DAWAN, qoraalkaasina wuxuu […]

Weftigii Ka Socday Safaaradda Faransiiska Ee Kenya Oo Booqday Laas-geel

Hargeysa (Somaliland.Org): Wefti ka socday safaaradda dalka Faransiiska ayaa maalintii shalay booqasho ku tegay goobaha qadiimiga ah ee dalxiiska ee degmadda Laas-geel, taas oo ujeedada booqashadoodu ahayd ka soo war-helid iyo sidoo kale wixii awoodooda ah ee wax-qabad ah inay ka gaystaan.Weftigan oo uu hogaaminayey safiirka Faransiiska ee dalka Kenya u jooga Somaliland iyo Somaliya […]

Somaliland:Guddidii Wax Ka Qabashadda Sixir Bararka Oo Hawshoodii Dib U Bilaabay

Hargeysa(Somaliland.Org):- Guddida la dagaalanka Sixir-bararka iyo hoos u dhaca qiimaha shilinka Somaliland ee uu dhawaan magacabay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyadda Somaliland ee Hargaysa.Kulankan oo uu shir-guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ujeedadiisu ahayd in gudigu ay wax iska waydiiyaan tallaabooyinkii hore ay u […]

KULMIYE Oo Cambaareeyay Weerar Lagu Qaaday Goob Diiwaan-gelineed Oo Ku Taalla Lughaya

Hargeysa(Somaliland.Org)-Xisbiga talladda Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa cambaareeyay weerar maanta lagu qaaday goob diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu ka socotay oo ku taalla deegaanka hoos yimaada degmadda Lughaya ee gobolka Awdal. Sidaasna waxa caawa sheegay Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo war-saxaafadeed ka soo saaray dhacdadan, waxaanu qoraalkiisu u qornaa sidan:- “Xisbiga KULMIYE waxa uu […]

Madaxweynaha Somaliland Oo Tabobar U Soo Gabogabeeyay Dufcadii 3-aad Ee Saraakiisha Ciidanka Qaranka

Hargeysa(Somaliland.Org):- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta tababar u soo xidhay dufcadii saddexaad ee dhammaysatay saraakiisha ciidanka qaranka oo si xidhiidh ah koorsooyinka ugu qaatay Dugsiga Layliska Saraakiisha Cabdilaahi Askar oo ku yaalla Akaadamiyadda Ciidanka qaranka ee Dararweyne. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hir […]

Wasiirka Macdanta Oo Ka Hadlay Baahida Somaliland U Qabto Xeerka Tamarta Korontadda

Hargeysa(Somaliland.Org):- Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale,ayaa faah faahin ka bixiyay xeerka Tamarta korontadda oo qabyo qoraal ah isla markaana hadda ay Wasaaradda Tamarta iyo laamaha xeerka lagu dhaqayaa ay dib u eegistiisa gacanta ku hayaan. Wasiirku waxaa kale oo uu sharaxaad ka bixiyay faa’iidada xeerka Tamarta Laydhku u leeyahay dalka iyo […]

Madaxweynaha Somaliland Oo Taxay Dedaalka Xukuumadiisu Gelisay Kor u Qaadista Waxbarashadda

Hargeysa(Somaliland.Org):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ugu baaqay hay’adaha ka shaqeeya waxbarashada inay fiiro gaar ah u yeeshaan wax ka qabashadda waxbarashada farsamada gacanta, isla markaana faahfaahiyay dedaalka xukuumaddiisu ugu jirto kaalin gelinta waxbarashada dalka. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shalay ka qeyb galay munaasibad lagu furayay wejiga labaad […]