Xildhibaanno Baaq Qaylo-dhaan Abaareed U Diray Xukuumadda iyo Ganacsatadda

Ibraahim KacaanHargaysa (Somaliland.Org):- Xildhibaanadda golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland ee ka soo jeedda gobolladda Galbeedka iyo masuuliyiin kale ayaa baaq qaylo-dhaan ah oo ku waajahan wax u qabashadda abaaraha saameeyay dadka iyo duunyadaba ee dalka ka jira u diray xukuumadda Somaliland, shirkadaha, ganacsatadda iyo sidoo kale hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa islaamiga ah.

Mintidnimadii Ganacsatadda, Muuqaalkii Cali Xoor-xoor & Mowqifkii Wasiirka Madaxtooyadda

GanacsatoHargeysa(Somaliland.Org)- Maareeyaha Dekadda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) iyo Ganacsatadda wax kala soo degta marsadda ee dhawaan ka soo horjeedsaday khidmad lagu kordhiyay adeega dekadda, ayaa shalay markii u horeysay isku soo hor fadhiistay, kana qeyb-galay kulan saddex geesood ah oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda. Kulankaasi oo dood garnaqsi ah ay jilbaha is dareen Maamulka dekadda iyo Ganacsataddu.