Guddoomiyaha KULMIYE Iyo Hambalyadiisa Sannadka Cusub 2016

MuuseHargeysa(Somaliland.Org)-Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha xisbiga iyo taageerayaasha xisbiga waxa uu hambalyo u dirayaa guud ahaan ummaddaha kala duwan ee dunida ku nool, gaar ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland curashada sannadka cusub ee 2016 ee taariikhda Miilaadiga oo kowsanaya saqda dhexe saacadda Geeska Afrika ee Jimcaha caawa (01/01/2016).

Madax Dhaqameedka Sool Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelo Shaqaaqo Ku Dhex-Martay Bali-Xasan

Madax-dhaqameedkaBuuhoodle (Somaliland.Org): Ergo madax dhamaqameed ah oo uu hogaaminayo garaad jaamac garaad Ismaaciil Ducaale, oo ay wehelinayaan garaad C/risaaq garaad Soofe Duraan, suldaan Siciid Cismaan Cali iyo garaad Saleebaan Buraalle, cuqaal, culimo aw-diin iyo waxgarad ka soo jeedda goboladda Buuhoodel iyo Sool ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dhawaan shaqaaqadu ku dhex martay degaanka Bali-xasan oo ka tirsan dhulka dawlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya.