Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ansixiyay Odoroska Miisaaniyadda Qaranka Ee 2016-ka:

DSC_0003 (8)Hargeysa(Somaliland.Org)-Sida ku xusan Sharciga Maaliyadda Qaranka xeer lambar: 90/96, sida ku cad Dastuurka Qaranka qodobkiisa 55-aad, farqadiisa 1-aad ee la xidhiidha gudashada waajibaadka arrimaha Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Qaranka; Wasiirka Maaliyadda J.S.L Marwo Zamzam Cabdi Aadan, maanta oo ay taariikhdu tahay 26.11.2015-ka waxay Shirkii Golaha Wasiirrada hor keentay Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2016-ka.

Marwadda Koowaad Oo Agab Kala Duwan Gaadh Siisay Cisbitaalka Hargeysa

marwadda2Hargeysa (Somaliland.Org)-Marwada Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, ayaa maanta agab kala duwan u qaybisay Xarumaha Caafimaadka ee Sheekh Cumar, iyo Dhakhtarka weyn gaar ahaan qaybta caruurta aan gaadhin wakhtigii ay ku dhalan lahaayeen balse ka soo hormaray 9-ka bilood. qalabkaasi oo isugu jiray mid casriya oo lagu korin doono caruurtaasi, dawooyin iyo Sariiro Casriya, ka dib markii ay maamulka xarumahaasi marwada u gudbiyeen baahiyahooda.

WADDANI Oo Meeqaam Hoose Ku Soo Dhaweeyay Murrashax Xisbigooda ka Tirsan

Murrashaxa madaxweyneHargeysa (Somaliland.Org)- Dr.Maxamed Cali oo ka mid ah murrashaxiinta Madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga WADDANI, ayaa shalay Hargeysa lagu soo dhaweeyay, ka dib markii uu ka soo kicitimay dalka Ingiriiska oo uu degan yahay, waxase soo dhaweyntiisii ka maquurtay Hoggaanka WADDANI oo dhan sida Guddoomiyaha, Shanta Guddoomiye Ku-xigeen iyo Xoghayaha Guud ee xisbigaasi oo aan gabi ahaan-ba ka soo xaadirin soo dhaweyntii Murrashaxan.