Kulanka Maayar ku Xigeenka Caasimada Hargeysa iyo Madaxda Magaalada Bristol

maayir Bristol 2Bristol, (Somaliland.Org) — Maayar ku Xigeenka Caasimada Somaliland Xildhibaan Cabdicasiis Cagoweyne oo uu Weheliyo Safiirka Wareega ee Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed iyo xubno ka tirsan hormuudka Jaaliyada magaalada Bristol ayaa maanta la kulmay Madaxda Golaha Deegaanka ee Magaalada Bristol oo uu Hor kacayay Mayor ku Xigeenka Magaalada Bristol Deputy Lord Mayor of Bristol Councillor Alastair Watson iyo Xildhibaano kale oo ay ka mid ahaayeen Councillor Hibaq Jama, Councillor Margaret Hickman, Councillor Ron Stone iyo Masuuliyiin sare oo ka socday qaybta xidhiidhka Caalamka ee magaalada Bristol.

Raysal Wasaare Ku Xigeenka Imaaraadka Carabta Oo La Kulmay Madaxweynaha Somaliland

Madaxweynaha iyo imaaraadkaABUDUBAI (Somaliland.Org)- Raysal Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Madaxtooyadda ee dawladda Imaaraadka Carabta, Sheekh Mansour bin Zayed Al Nahyan, ayaa maanta qasriga madaxtooyadda ee wadankaasi ee Magaaladda Abu-dhabi qado sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayo oo maalmo ku sii hakaday wadanka UAE, iyagoo maalmaha soo socdana u kicitimi doona Ireland.