Muhmalkii Golaha Wakiiladdu Ku Go’aan Qaatay Iyo Xeer Hoosaadkii La Baal-maray

Golaha Wakiiladda SomalilandHargeysa (Somaliland.Org) –Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa fadhigoodii shalay waxay cod ku ansixiyeen mooshin sharci darro ah oo aan la marinin nidaamkii xeer hoosaadkoodu u dejiyay in la waafajiyo mooshinadda Golaha la hor-keeno. Waxaanay laaleen heshiis aanay xukuumaddu rasmi ahaan u gelin oo ay kaga hor-degayaan in shirkado ganacsi lagu wareejiyo maamulka haamaha shiidaalka Berbera.

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qeyb-galay Qalin-jabinta Arday ka Aflaxday Jaamacadda Cammuud

qalinjabin2Boorame(Somaliland.Org)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa saaka subaxnimadii hore waxa uu safar ugu baxay Gobolka Awdal gaar ahaan magaalo madaxdiisa Boorama oo uu kaga qaybgalay Qalinjebinta Dufcadii 14aad ee ka baxda Jaamacada Camuud University oo noqonaysana dufcadii 5aad ee uu madaxweynuhu si xidhiidha uga qaybgalo farxada Ardaydaasi itii uu xilka hayey.

Nairobi: Cirro Oo Dhaqaale Uu Ku Wado Xisbigiisa Ha’yado Kaga Dalbaday Magaca Golaha Wakiiladda

cirro sawirNairobi (Somaliland.Org): Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland, ahna Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo lixdii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa dalka Kenya, ayaa kulamo uu la yeeshay Ha’yadaha Samo-falka ee fadhigoodu yahay Nairobi ka dalbaday inay dhaqaale siiyaan aqalka Wakiiladda oo uu sheegay inay miisaaniyadda uu ku shaqeeyaa aad u yar tahay.