Suldaan Bogaadiyay Socdaalka Madaxweynaha Ee Barriga Somaliland

Suldaan XuseenHargeysa (Somaliland.Org)- Suldaan Xuseen Xaaji Cabdicabdilaahi oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyay socdaalka uu ku marayo gobollada barriga dalka, waxaanu xusay in socdaalkaasi yahay mid madaxweynuhu ku qiimaynayo mashaariicda horumarineed ee laga fuliyay dalka, si wixii dhiman uu u qabyo tiro kalka labaad ee muddo xileedkiisa.

Marwadda Koowaad Oo Kormeertay Xarumaha Agoomaha Iyo Dhaqan celinta Darbi-jiifka Burco

MarwaddaBurco(Somaliland.org):- Marwada Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina-waris),ayaa kormeer ku soo martay laba Xarumood oo kala ahaa mid lagu daryeelo Agoomaha magaalada Burco iyo Xarun lagu dhaqan celiyo caruurta darbi jiifka ahaan jirtay oo waxna lagu baro waxaanay Marwaddu labadaas xarumood gaadhsiisay deeq xoolo ah oo ay ugu tallo gashay in loo qalo caruurta ku jirta xarumahaas.