Madaxweynaha Somaliland oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Saddex Qof oo ku Dhintay Shil baabuur

Madaxweyne axmed SiilaanyoMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee ay ka geeriyoodeen
1. Marxuum Weli Daa’uud Cigaal (masuul sare oo ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyada qaybta Qorshaynta)
2. Marxuum Maxamed Daa’uud Yuusuf (Weriye ka tirsanaa Horn cable Tv) iyo
3. Marxuum Muuse Cali Haybe (Askarigii ilaalada u ahaa wasiirka Maaliyada) oo shil baabuur oo naxdin leh ugu geeriyooday inta u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa ka dib markii ay dulmartay gaadhi booyad ahi, gaadhigii ay saarnayeen saddexdaa marxuum shilkaasina ay ku geeriyoodeen.

26-ka Juun Waa Maalinta Qarannimada Soomaliland By: Axmed Carwo

axmed carwoWaa qarannimo 55tan jirsatay, waa da’ kolka loo eego cimriga aadmiga laakiin waa shabaab kolka loo eego cimriga dawladaha. Maanta waxa inala gudboon inaynu qiimeheeda siino, walow ay jiraan duruufo aynu ku kala qaybsanay oo ka dhashay gaabis siiyaasi oo dhammaan aynu ka mas’uul nahay mucaarid iyo muxaafidba. Eedda ugu weyna ay leeyihiin Golaha Wakiilada ee shacbiga matalo oo noqday gaabis guntii.

Dooddii Muuse Biixi,Duul-duulkii Faysal Cali Waraabe Iyo Indho Adaygii C Raxmaan Cirro

“Dib u Dhaca Doorashooyinka Waxa Masuuliyadeeda Kow ka ah Guddoomiye Cirro, 26-ka June-na Innaga oo Gacmaha Is Haysana Ayaynu Debaal-degaynaa” Muuse Biixi

“Xukuumaddu Markii Ay Doorashadu Soo Dhawaatay, Carqalad Bay Bilawaday Oo Xeerkii Diwaangelinta Ee Komishanku Sameeyay Bay Tuurtay” Cabdiraxmaan Cirro

“Markay 27 July Ay Gaadho Haddii aynu Intaas Xal Weyno, Bal Cidii Dhegaha Laga Furaysan Karo Ha Laga Furaysto” Faysal Cali Waraabeguddoomiyayaasha-saddexda-xisbi