Dullucda Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo Ee Gobolka Saaxil

berbera1Berbera (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti ballaadhan oo u hoggaaminaayo ayaa galabta gaadhay Magaalo xeebeedka Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil. Madaxweynaha ayaa la filaaya inuu intuu joogo Magaalada Berbera uu xadhiga ka jaro mashariic laga fuliyay Gobolkaas, kuwaas oo ay ugu muhiim santahay Lap shaybaadh oo casriya kaas oo lagu baadhi doono tayada Shidaalka dalka imanaaya.

Cuqaasha Galbeedka Burco Oo Ku Dhawaaqay Go’aan Qaran-dumisnimo Oo Uu u Laqimay Cabdiraxmaan Cirro

cabdiraxmaan cirroBurco(Somaliland.Org)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee mudada loo kordhiyay, ayaa beeshiisa ku dhaliyay inay qabtaan shirar kala duwan oo ay ku iclaaminayaan inaanay Somaliland wax dawlad ahi ka jiraynin wixii ka dambeeya bisha June ee fooda innagu soo haysa. Arrintaasi oo ah fadeexadii ugu xumayd ee soo wajahda Guddoomiye Cirro.

WADDANI Oo Wada-hadalladii Ka Baxay Markii UCID Iyo KULMIYE Isku Mowqif ka noqdeen Danta Guud

cirro sawir (2)Hargeysa(Somaliland.Org):- Xisbiyadda KULMIYE iyo UCID ayaa mawqif ay ku midaysan yihiin ka sheegay in guul laga gaadhay wada hadaladii u socday Xisbiyadda Qaranka iyo Xukuumadda oo kulmadii u socday kii ugu dambeeyay galabta ku yeeshay Guriga Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, halka Xisbiga labaad ee mucaaridka ah WADDANI uu dhankiisa tilmaamay in wadahadaladu burbureen.

Wasiir Cukuse Oo Xaflad Hadhimo sharafeed ah u Sameeyay Fanaaniinta qaranka

KOWHargeysa (Somaliland.org)- Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta hadhimo sharafeed ugu sameeyay Huteelka Dalxiis ee magaaladda Hargeysa Fanaaniinta qaranka Somaliland oo uu ku maamuusay kaalintii wacyigelineed ee ay ka qaateen munaasibaddii 24 guuradii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland ee 18-kii May.

“Nicholas Kay Waxaannu Leenahay Annaga (Somaliland) Doorashadda Soomaaliya Wax Na Khuseeya Maaha”

Cukuse55Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in sababta Wakiilka Qarramadda Midoobay u qaabilsan Somaliland/Soomaaliya Mr.Nicholas Kay uu u danaynayo doorashooyinka Somaliland ay tahay inuu aaminsan yahay in haddii doorashadda Somaliland dib u dhacdo in doorashooyinka ay Soomaaliya gacanta ugu hayaan ay iyaduna dib u dhici doonto.

Xukuumadda Somaliland Oo Joojisay Qaabillaada Qaxootiga Yeman

waran-cadeHargeysa (Somaliland.Org):- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamad Warancade,ayaa caddeeyay in dalka Somaliland dawlad ahaan aanay qaabili doonin qaxooti dambe oo ka soo qaxa dalka Yeman oo u dhashay Soomaaliya taasoo uu ku sababeeyay ka dib markii ha’yadaha caalamiga ah ee gargaarka u fidiya qaxootiyada dalalkooda ka qaxaa markii ay gacan u fidin waayeen dadka qaxooti ahaan ku yimaadda Somaliland ee ka soo cararay dagaaladda ka socda dalka Yeman.