Wefti Ka Socda Xukuumadda Oo Hawlo Nabadeyn Ah u Tagay Taleex

Taleex (Somaliland.Org): iyadoo ay magaaladda Taleex ku sii qulqulayaan ergooyinka nabadaynta ee ka qayb qaadanaya nabadaynta xurguf dhawaan laba beelood ku dhexmartay magaaladaasi, ayaa shalay waxaa halkaasi gaadhay wefti ka socday xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha ee Somaliand Baashe Cali jaamac. weftigaasi oo ka kicitimay magaaladda Hargaysa ayaa waxa ka mid […]

DAAWO: Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb galay Salaada Roob Doonta

11159562_761514173962438_1460094940295695575_nHargeysa (Somaliland.Org);;- Waxa Saaka Dalka oo dhan laga tukaday Salaada Roobdoonta oo uu Madaxweynuhu hore u iclaamiyey, maantana uu la tukaday kalana qaybgalay shacbiga Tuulooyinka, Degmooyinka iyo Gobolada, gaar ahaana madaxweynuhu waxa uu la tukaday shacbiga Caasimada Hargeysa isaga oo Markiska Tabliiqiinta kaga qaybgalay salaada Roobdoonta.

Ducadii Madaxweynaha, Dar-daarankii Wasiirka Diinta Iyo Dhibicdii Hoortay Salaadii Jimce

Siilaanyo (2)Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta salaadii jimcaha dadweyne Iyo madaxda qaranka kula tukaday Masaajidka xarunta madaxtooyadda, ayaa EEBE ka baryay inuu raxmaadkiisa u shubo Somaliland, kana faydo abaaraha kulul ee ka jira deegaamo badan, iyadoo dhibicda roobku soo daadatay ka hor intii aan salaadii Jimce laga bixin.