Daawo:Wasiirka Caafimaadka JSL Oo Kormeer Ku Tagay Xarunta Daryeelka Hooyada Ee Deegaanka Adhi-cadeeye

wasiir-Xaglo-toosiyeAdhi-cadeeye (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland DR: Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye Iyo wafti Uu Hugaaminayo ayaa maanta Si Balaadhan Loogu soo dhaweeyay Deegaanka Adhi Cadeeye Oo Ka tirsan Gobolka Sool Wasiirka Iyo waftiga ayaa Booqday Xarunta Daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka oo Hore Wasiirka Caafimaadu U Dhagax dhigay,Dadweynaha Deegaankaas ayaa Ka Mahad Celiyay adeegyada Caafimaad ee Lasoo gaadhsiiyay,

Xildhibaan Guurtida ah Oo Farriimo Nabad-gelyadda Khuseeya u Diray Shacbiga

Xildhibaan ObsiiyeHargeysa (Somaliland.Org)- Gudoomiyaha guddi hoosaadka nabadgelyada ee golaha guurtida Somaliland xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye ayaa waxa ka hadlay xaalada nabadgelyada ee guud ahaan dalka. Xildhibaanku waxa uu sheegay in dalku horumar fiican ka gaadhay dhinacyo badan loona baahan yahay in halkaas laga sii wado. Sidoo kale xildhibaanku waxa uu soo jeediyay in wax laga qabto dhalinyara kooxa-kooxa isu disha oo uu sheegay hadii aan wax laga qaban inay dhaawici karto amaanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Dil Ka Dhacay Gobolka Sool

Taliye-Cabdilaahi-Fadal-Iimaan (1)Hargeysa(Somaliland.Org):- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay inay ciidanka Booliska Gobolka Sool gacanta ku soo dhigeen laba qof oo loo tuhunsan yahay inay habeen hore dil iyo dhaawac u geysteen laba qof, isla markaana waxa uu soo saaray ammaro cusub oo la xidhiidha xadhiga dhalinyarada caadeystay inay koox kooxda isku dilaan Caasimada Hargeysa oo soo noqnoqday.