Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Dagaalkii Saax-dheer

siilaanyo44Hargeysa(Somaliland.Org)-Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), sheegay in hadda gargaarka iyo mashaariicda la gaadh siin karo deegaanka Saax-dheer ka dib dhirbaaxadii ciidammadda qaranku khamiistii ku dhufteen kooxda nabad diidka ah ee Cali Khaliif Galaydh oo doonayay inay tuuladaasi ku qabtaan xaflad uu isku caleemo saari lahaa Mr. Galaydh.

Mucaaridku Doorashana way Doonayaan Haabkeediina Ma Hayaan!

ucid-wadani-partiesMurashaxa madaxweynaha xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo xukuumadda ku eedeyn jiray inay dawladu aanay doonaynin inay doorashooyinku dalka ka dhacaan, ayaa haddana cambaareynaya baaqyo ay mucaaridku soo jeedin jireen oo la xidhiidhay in la bedelo komishanka doorashooyinka qaranka taasi oo sida aan maqlay madaxweynaha Somaliland Md. Ahmed Mohamed Mohamud (Silanyo) uu labada xisbi ee WADDANI iyo UCID u qoray inay soo magacaabaan labadii xubnood ee ay soo xuli jireen ee Guddiga doorashooyinka qaranka.

Wada Hadallo Addis-ababa Ku Dhex Maray Wasiirro ka Socday Somaliland Iyo Itoobiya

addis-ababaHargeysa (Somaliland.Org)- Wefti oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga caalamiga ee Jamhuriyada Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Waran-cadde, ayaa khamiistii u kicitimay dalka Itoobiya ayaa shalay kulan la yeeshay Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibada isla markaana ah u qeybsanaha wasaarada arrimaha Afrika, Birhane Gkiristos.

Dhawaaqa Danjireyaashu Waa Faro-gelin Qaawan Oo Aanay Somaliland Dheg u Dhigi Doonin

Nicholas_Kay_UN_EnvoySomaliland oo ah Qaran Dimuqraadi ah oo si weyn u xaaleeya nabad-gelyadda guud ee mandaqadda gobolka Geeska Afrika,  waxay la yaabtay  baaq indho sarcaad ah  oo xaqiiqda lagu daboolayay  oo shalay ka soo yeedhay saddex danjire oo ka kala tirsan dawladda Maraykanka, Qaramadda Midoobay iyo Midowga Yurub, kuwaasi oo Somaliland ugu baaqay inay ka baxaan magaaladda Saax-dheer ee gobolka Sool oo ciidammadda qaranku ay khamiistii la wareegeen ka dib markii ay hawl-gal ay ku qaadeen kaga saareen kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo oo uu horkacayo Dagaal Ooge Cali Khaliif Galaydh.