“Guddoomiyaha Wakiiladda waxa la doortay 2005-tii imikana waa 2014-kii,haddana waxa uu..”

CukuseHARGEYSA (Somaliland.Org)-Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay inay la yaab tahay in Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo kursiga ku sii fadhiya muddo korodhsiimo aan ka yarayn xiligii dastuuriga ahaa ee la doortay, uu haddana ka hadlayo muddo kordhin aan wakhtigeediiba la joogin ee Madaxweynaha ay u hadhay halka sanno.

“Waxaynu maraynaa Marxalad Ummaddeenu ay dooranayso cida Hoggaaminaysa”

SamaalleHARGEYSA (Somaliland.Org)- Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdi-casiis Maxamed Samaalle ayaa sheegay inay ummadda reer Somaliland ay ka kortay xiligii qabyaalladda iyo xag-xagashada wax lagu dooni jiray oo ay u gudbiyeen cahdi ay iyagu gacmahooda ku cuganayaan cidii hoggaaminaysa. Waxaanu axsaabta mucaaridka ah u soo jeediyay inay dariiq wanaagsan ku beegsadaan himiladooda la xidhiidha inay dalka madaxtinimo ka qabtaan.

Madaxweynaha Somaliland Oo Qurbo-jooga UK la Oogay Salaadii Ciidul fidriga

ciidul fidrigaLondon(Somaliland.Org):- Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Maxamoud Siilaanyo,ayaa maanta la tukaday Salaada Ciidul-fidriga ee sanadka 1435 Ciidul fitridii sanadkan islaamka ee 1435,ayaa u ahayd jaaliyadda Somaliland eek u dhaqan magaalada London mid uga duwan dhamaan ciidihii hore ee ay ku ciideen dalka Ingiiiska ka dib markii uu kala qayb galay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) oo booqasho ku jooga dalka Ingiiiska.