Shirkadda Dahabshiil oo Deeq Gaadhsiisey Waddada Allaybaday-Arabsiyo

dahabshiil2Hargeysa (Somaliland.Org)-Maareeyaha Guud ee Xarunta Shirkadda Dahabshiil, Mudane Cabdiraxmaan Cali Cabdi, ayaa guuddoonsiiyey Guddoomiye-ku-Xigeenka Guddida Dhismaha waddada Allaybaday iyo Arabsiyo, iyo xubno kale oo isugu jira waayeel iyo waxgarad oo weheliyey, deeq lacag ah oo dhan US$25000 (Shan iyo labaatan kun oo Dollarka Maraykanka ah).

Weftigii Somaliland ee Taleex Ku Sugan iyo soo dhaweynta ay kala kulmeen waxgaradka jiidaas

Taleex (Somaliland.Org)-Wefti balaadhan oo ay hogaaminayaan Wasiirada Wasaaradaha Madaxtooyada JSL, Arrimaha IMG_0147Gudaha, Biyaha, Dhalin-yarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Bariga iyo Arrimaha Siyaasada, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Wacyigelinta iyo Dhaqanka, Maareeyaha Tv-ga Qaranka, Xildhibaan Indho-indho, Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Taliyeyaasha Ciidanka Booliska, Asluubta iyo Hogaanka Hawlgelinta Ciidanka Qaranka ayaa shalay gaadhay Degmada Taleex.

SONYO Oo Agabkii Ciyaareed Guddoonsiisay 70-Kooxood Oo Ka Dhisan Gobolada Somaliland

sonyo3Hargeysa (Somaliland.Org)- Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa deeqda agabkii ciyaareed ee ugu badnaa abid Guddoonsiisay Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland oo uu weheliyo xidhiidhka olombikada qaranka Somaliland, Agabkaa ciyaareed oo lagu wareejin doono 7-gobol oo ay si rasmi ah uga furmi doonaan dhawaan tartamada ciyaaraha kubadda cagta ee Bisha Barakaysan Ee Ramadaan.

Khubarro Daraasad Ku Sameeyay Reer Guuraaga Somaliland

KhubarroHargeysa (Somaliland.Org)- Cilmi-badhayaal caalami ah oo ka socda ururka SUNARPA ( Sustainability Use of Natural Resource and Piece in Pastoralist area), ayaa muddooyinkii u dambeeyey cilmi-baadhis ku saabsan caqabadaha nabadgelyo iyo degaan ee soo wajahi kara beeralayda iyo reer-guuraaga Somaliland ka wadday degaamada Gobolka Awdal.

Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbul-xaakimka KULMIYE Oo Bil Dib Loo Dhigay

Xogyaha-kulmiye-Xasan-siciid-3-238x300HARGEYSA (Somaliland.Org)- Xoghayaha Guud ee xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa sheegay in shirkii Golaha Dhexe ee xisbigaasi oo hore ugu mudaysnaa maanta oo taariikhdu tahay 24/06/2014-ka, dib loo dhigay illaa 05/08/2014-ka, ka dib markii Madaxweynuhu sidaasi ka codsaday fadhi uu maanta isugu yeedhay Hoggaanka xisbiga.