“Talaabadan Sheffeild City Council, waxay culays saari doontaa UK inay Aqoonsato Somaliland”

Kaysar Cabdilaahi111London (Somaliland.Org)- Danjiraha wareega ee Somaliland Mr. Kaysar Cabdilaahi Maxamed, ayaa sheegay in tallaabadda Golaha deegaanka ee Magaaladda Sheffeild ay ku doonayaan inay kaga dhawaaqaan aqoonsiga Somaliland fadhi ay yeelanayaan Arbacada todobaadkan, ay ku timid xarakaatka qurba jooga magaaladaasi oo uu tilmaamay inay u guntadeen inay kaalin weyn ka ciyaaraan qadiyadda ictiraaf raadinta.

Faxalnimo Muuji 18 May 2014: Muwaadin Ka Qayb-qaado Hirgelinta Himilada Dhismaha Wadada Ceergaabo.

kaysar 2Asalaamu Calaykum, Sida Muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay uu la socdo waxaa inagu soo aaddan Maalintii Qaranimada ee 18 May oo aynu Sanadkan u Dabaal-degayno 23 Sanadood oo Horumar ah, 23 Sanadood oo Barwaaqo ah, 23 Sanadood oo Dawladnimo nimo ah, 23 Sanadood oo ay Dadweynaheenu si Geesinimo ku jirto ay ugu Mashquulsanaayeen Dhismaha Dalkoodii Burburay oo ay dhinac kasta horumar ka muujiyeen xaga Dhaqaalaha, waxbarashada, Caafimaadka, Nabadgelyada iyo Dhismaha nidaamkeena Dawladnimo.

Madaxweyne u Guntaday Horumarinta Dalkiisa Barri Illaa Galbeed

Madaxweyne axmed SiilaanyoBismi laahi raxmaani raxiim
Waxa wadankoo dhammi ku baraarugay socdaalka madaxweynaha ee uu ku tagay gobolada dalka oo dhan. Marka hore waxaan halkan boogaadin uga dirayaa madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee mar kasta ku hawlan horumarinta dalka uu xilkiisa ugu sareeya hayo. Marka labaad waxaan iyagana bogaadinayaa shacabka Somaliland min barri illaa galbeed ee iyagu u jeelan wax-qabad dhab ah, siday u soo dhaweeyeen madaxdooda.

Madaxweyne Siilaanyo Waxa uu Mutaystay In loo maamuuso sidii Nelson Mandela

maqaal qoreMaalmaha adduunyada midba waxay leedahay xasuus gaara iyo taariikh gooni ah oo lagu xasuusto , taariikhdu waa astaanta ummadeed taasi oo u iftiimisa waayihii ay soo mareen dhinac kasta oo ay tahayba, taariikhdu waa hagaha ummadeed taas oo ay ku haybsadaan maalmihii noloshooda soo maray wanaag iyo dhibaataba.Abwaan hadraawi ayaa yidhi “Taariikhdu wax bay hagtaa dadkuna wuu haybsadaa”