Wasiir Dadweynaha Reer Boorame Ka Raali Geliyay Dhacdo Ka dhacday D/Hoose

Wasiirka BoosahaBoorame (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Maxamed Jaamac Abgaal oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Boorama ayaa ka waramay dhawr arrimood oo ay ku jirto xiisada ka oogan gudaha golaha degaanka ee degmada Boorama, iyo arin kale oo dad loo xidhxidhay oo ka dhacday degaano ka mid ah gobolka Awdal, kadib markii ay dad degaan ahi is hor taageen qodida xadhiga internetka ee SOMCABLE.

Boorame:Xildhibaanno G/Deegaanka Oo Beeniyay inay lacag boobayeen

XILDHIBAANO (1)Boorame( Somaliland.Org)-Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada Boorama oo maanta shir-jaraa’id qabtay ayaa waxa ay been abuur iyo buun-buunin ku tilmaameen dhacdadii u dambaysay ee ka dhacday D/Hoose ee Boorama oo saxaafada haysatay dhawrkii maalmood ee u dambeeyay, waxana ay sheegeen in Wasaarada Arrimaha Gudaha looga baahan yahay in 24 saac gudahood ay u soo faragaliso golaha deegaanka ee Degmada Boorama.

Sharaa’ig Ajanabi ah oo soo codsaday Biyo balaadhinta caasimadda Hargeysa

Wasiirka biyahaHargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Biyaha Somaliland iyo Mareeyaha Wakaalada Biyaha ee Hargaysa, ayaa si wada jira u shaaciyey inay magaaladda Hargeysa soo gaadheen 40 shirkadood oo ka kala yimid dalal kala duwan, kuwaas oo tartan u galaya qandaraaska biyo balaadhinta caasimada Hargeysa. Waxaanay sidaas ku sheegeen Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xarunta wakaalada biyaha Hargeysa.

Wasiirka Beeraha iyo socdaalkiisa Gobolka Awdal

Wasiirka BeerahaHargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka wasaaradda Beeraha Somaliland Prof. Faarax Cilmi Geedoole oo socdaal shaqo ku jooga Gobolka Awdal ayaa maanta agab kala duwan oo dhinaca ciyaaraha ah ku wareejiyey maamulka Degmada Dila ee Gobolkaasi.Agabkan oo isugu jira dhar iyo kabaha ciyaaraha oo ay ku deeqday Hay’adda Live Intranational ayaa loogu talo galay ardayda yaryar ee dhigata dugsiyada degmadaasi.

SONYO Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuustay Sarkaal ka Tirsan QM

Mohamed Ali BileHargeysa (Somaliland.Org)- Masuuliyiinta Dalladda Heer Qaran ee Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa Hadhimo Sharafeed Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ugu Sameeyey Aqoonyahan Maxamed Cali Bile oo ka mid ah Aqoonyahanka reer Somaliland, kana mid ah Saraakiisha ugu sar sarraysa Hay’adda UNICEF, dhawaanna loo magacaabay Isu Duwaha Deeqaha Gargaarka Bani Aadamnimo ee Qaramada Midoobay ee dalka Yemen, kaasi oo fasax kooban ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Somaliland’s Foreign Policy: A Policy with Audacity and Confidence

XUSEEN DAYRThe State of Somaliland received its independence from Great Britain on 26th June 1960, by Royal Proclamation of Her Majesty Queen Elizabeth II. In compliance with UN’s procedures to decolonization of former colonies, the official documents establishing the transfer of sovereignty to the Somaliland people were deposited with the United Nations. After the dissolution of the hasty and unsuccessful union with Somalia of the 1960 that never enjoyed a legal basis, in 1991 Somaliland reinstated to its sovereign state in 26th June 1960.

Madaxweynaha oo Tacsiyadeeyay Qoyskii Xaawa-luul Sheekh Maxamed Jirde

Madaxweyne axmed SiilaanyoMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Siilaanyo), Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Xubnaha golaha wasiirada, iyo madaxda kala duwan ee qaranku waxay tacsi u dirayaa dhamaanba reer Sheekh Maxamed Jirde iyo reer Maxamed Cabdi, gaar ahaan Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde oo ay ka tacsiyadaynayaan geerida ku timid Walaasheed Xaawa-luul Sheekh Maxamed Jirde oo ku geeriyootay Dalka Ingiriiska 23.02.2014.

Wasiirro Tacsi u diray Marwadda Koowaad oo walaasheed ku geeriyootay UK

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirrada wasaaradaha Madaxtooyadda iyo Maaliyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo C/Casiis Maxamed Samaalle, iyagoo ku hadlaya magaca shaqaalaha iyo madaxda kale ee wasaaradahooda waxay dhambaalo tacsi ah u dirayaan Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde oo ay ka tacsiyadeynayaan geerida ku timid walaasheed Marxuumad-Xaawa-luul Sh. Maxamed Jirde oo […]