“DekadduWaxay u Baahan Tahay Horumar & Inay Noqoto Marin Ganacsi”

Wasiirka Ganacsiga somalilandHargeysa-(Somaliland.Org)-Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa ka hadlay wada hadalo hor dhaca oo dhex maray Xukuumadda iyo Shirkadda Bolore ee Faransiiska ah oo Dekeda Berbera Maal-gashanaysa, waxaanu tilmaamay in Somaliland ay geli doonto heshiiska shirkadaasi marka ay ka baaraan-degto tallooyinka khubarro caalami ah iyo kuwo maxali ah oo daraasaad ku samaynaya faa’iidooyinka heshiiskan.

Wararka asqaysan bulshaddu ha ka Feejignaadaan

Cabdilaahi JohnWaxaa jirey maqaalo afka qalaad ee Igiriisigga ku qoran oo aan ka diyaariyey socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, markii uu ku sugnaa dalka Faransiiska, halkaasi oo madaxweynahu Mudane Ahmed Maxamed Maxamuud uu hawlo shaqo oo mahiima ku joogey, markii uu booqashadaasi soo dhamaystaynna uu u soo gudbey Wadankan Boqortooyadda Ingiriiska oo qayb hawleedkiisa ka mid ahaa.

Xisbiga Wadani Oo Golaha Wakiilada Ugu Xoog Sheegtay Xukuumadda Iyo XIsbigeedi: Wasiiro..!

Xisbiga Wadani Oo Golaha Wakiilada Ugu Xoog Sheegtay Xukuumadda Iyo XIsbigeedi: Wasiiro Iyo Xildhibaano Xukuumadda Ah Oo Guddoomiye Cirro la safan! Hargeisa (Burcoonline) 28.01.2014 – Xildhibaanadda golaha wakiiladda Somaliland ayaa manta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyey xeer hoosadka golaha wakiiladda. Wax ka bedelkaas ayaa daba socday khilaaf soo kala dhex […]

Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ansixiyay Hirgelinta Kaadhka Jinsiyadda

Xubnaha Golaha Wasirada iyo Shirkii SayliciHargeysa(Somaliland.Org)- Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen oo uu gudoominayay Ku simaha madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxay ku meel-mariyeen qorshaha qaadashada kaadhka Jinsiyadda oo wasaaradda daakhiligu ay bixin doonto bisha Feberwari ee fooda innagu soo haysa.

Maayarka Boorame Oo ka hadlay Turaan-turooyin hor yaala waxqabadkoodii

Boorame (Somaliland.Org)-Gudoomiyaha Golaha Degaanka ee Degmada Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi ayaa maanta qiray Maayarka Boorame 2inay jiraan caqabado badan oo gudaha golaha degaanka ah kuwaas oo wiiqay waxqabadkii D/Hoose ee Boorama ay ku talaabsan lahayd, sidana waxa uu maayar Saleebaan sheegay mar uu u ambabaxayay safar shaqo oo magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ah, isla markaana uu kormeerayay hawl ka socota wado halbowle ah oo ay D/Hoose dhismaheeda gacanta ku hayso.

Reyte Oo Cayda Iyo Hafarka Beeshiisa Kalsooni Kaga Doonaya Waddani

RayteHargeysa (Somaliland.Org) -Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), oo ah mudane ka tirsan Golaha Wakiilada, oo dhowaan sheegay in uu ku biiray xisbiga WADDANI ayaa si uu u raali geliyo isla markaana kalsooni uga helo masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga WADDANI darteed si badheedh ah u aflagaadeeyey beesha barriga Burco oo ka mid ah beelaha reer Somaliland, isla markaana ah beesha uu isagu shakhsi ka soo jeedo, taas oo uu ku eedeeyey in ay ka taajirtay boobkii iyo xatooyadii hantida ummadda mudadii sadexda sannadood ahayd ee ay xukuumadani jirtey.

TACSI Tiiraanyo Leh

Inaalilaahi wa inaailayhi raajicuun Geesiga dhulkiisa guusha u horseeda geerida dishay geedkaa ha ba’o. Geeridu waa xaq qof walibana maalin ayuu dhadhaminayaaye waxa maanta oo bishu tahay 26.01.2014 ku geeriyooday ciyaartoygii weynaa ee gobolka togdheer caanka ka ahaa sanadadii 70nadii iyo 80naadkii. Alla naxariistii jano ha ka waraabiyo’e Marxuum-Cabdirashiid Maxamed Sugule, ilaahay waxaanu uga baryeynaa […]