Shirkadaha Dahabshiil oo Hambalyeeyey Macaamiisha, Soona Bandhigay Yoolkooda 2014

CabdirashiidHargeysa (Somaliland.Org)-Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group, mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaa hambalyo iyo mahadnaq u rajeeyey macaamiisha shirkadaha, madaxda, hawlwadeennada iyo guud ahaan hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee wadashaqaynta dhow la leh shirkadaha, isaga oo sharraxaad ka bixiyey hawlihii kala duwanaa ee horumar, waxqabad iyo caqabadba lahaa ee shirkaddu kaga soo gudubtey 2013, isla markaana tilmaamay adeegyada iyo qorshayaal u meel yaal inay ka midho-dhaliyaan sannadka 2014.

Prof. Samatar Oo Boorame Booqday iyo Jawigii soo dhawayntiisa

Soo dhawayn Prof. SamatarBoorame (Somaliland.Org)- Waxa galinkii dambe ee maanta soo gaadhay magaalada Boorama Wefti uu hogaaminayo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar isla markaana ay ku weheliyaan Wasiirada Wasaaradaha Xidhiidhka Golayaasha, Beeraha iyo Wasiirudawlaha Maaliyada, iyo Agaasimaha Guud ee Macdanta. Wafdigan ayaa waxa duleedka Magaalada Gorayacawl kaga hortagay salaadiinta dhaqanka ee gobolka Awdal kuwaasi oo si diiran u soo dhaweeyay.

Jaaliyada Sucuudiga Oo Qalab Sport soo gaadh siisay Wasaarada Ciyaaraha ee G/Awdal

AWDAL CIYAARAHA (7)BOORAME (Somaliland.Org)-Waxa maanta la soo gaarsiiyay masuuliyiinta wasaarada ciyaaraha ee gobolka Awdal qalab ciyaareed oo isugu jira Kubado, diyraysyo ay la socdaan dharka kale ee ciyaartoyga loogu talo galay iyo Kabo, kaasi oo ay soo diren Jaaliyada reer Awdal ee dalka Sucuudiga ku dhaqan, waxana munaasabadan goobjoog ka ahaa Isuduwaha wasarada Ciyaaraha ee gobolka Awdal, qaar ka mid ah daneeyayaasha ciyaaraha reer Awdal, gaar ahaan dhalintii ciyaari jirtay sanadihii sagaashamaadkii, dhalinyarada ciyaarta maanta iyo suxufiyiin kale.

Caasimada Harraadan:Rajo ku saabsan in Hargeysa heli doonto Biyo ku filan

kaysar 2Sida qof kasta oo Caqli lhi uu qiri karo waa hubaal biyo kama dhibcaan ah oo Xaqiiq ah in Caasimadeenu ay Ooman tahay, mana aha baahida biyo la’aaneed ee ka jirta Hargeysa mid ku kooban xaafadaha Qaarkood, waxa biyo la’aantu ay ka jirtaa guud ahaan Magaalada Hargeysa oo dhan, marka laga reebo guryo tiro yar oo iyaga laftoodu hela biyo aan joogto ahayn, ma jirto amaba aad ayay u yar tahay meel ama xaafad la odhan karo si haqab li’i ah oo joogto ah ayay biyo ku filan u helaan, laakiin way is dhaamaan xaafaduhu.

SONYO Oo Qorshaynaysa Inay Kal-dambe Tartan Ciyaareed ku qabato Boorame

BoorameHARGEYSA (Somaliland.Org)-Saraakiil ka socota Dalada SONYO ee ay ku bahoobeen ururada dhalinyarada Somaliland ayaa booqasho gaaban ku yimid magaalada Boorama, ujeedada Booqashada ayaa salka ku haysay taabo galinta ciyaaraha waxana uu wafdigan oo ay weheliyaan masuuliyiinta Wasaarada Ciyaaraha ee gobolka Awdal booqdeen gudoonka Waxbarashada ee gobolka Awdal iyo dugsiyada sare ee Sh. Cali Jawhar, Ardaale, Aadan Isaaq iyo dugsiga sare Al-aqsa.