Umuliso Dhaqameedyo Tababar Xirfado Muhiim Ah Lagu Baray Oo Loogu Soo Xidhay Burco

ccrt Burco (1)Burco (Somaliland.Org)-Waxa maanta lagu soo gabagabeeyay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, tababar mudo 2 maalmood ah u socday 10 Umuliso dhaqameedyo oo ka socday xaaadaha dadka barakacayaasha ahi dagan yihiin ee Koosaar IDP ee isla magaaladaasi Burco, tababarkan oo u jeedadiisu ahayd in Umulisooyinka ka hawlgala xaafadaha isku raranta ah la baro sidii ay u samaysan lahaayeen Agabka Dhalmada oo Nadiif ah, isla markaana ay ugu ganacsan lahaayeen xirfadahaasi la baray, ayaa waxa fulinaysay hayada Wadaniga ah ee CCRT, halka ay maalgalintiisa ka lahayd hayada IOM ee qaramada midoobay u qaabilsan dhinaca Socdaalka.

Abwaan Ciise Dhan-Cadde oo ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa

HARGEYSA (Somaliland.Org)-Alla ha u naxariistee waxa magaaladda Hargeysa ku geeriyooday Abwaankii caanka ahaa Ciise Warsame Samatar (Ciise Dhancadde) oo ka mid ahaa abwaanadda waaweyn ee Soomaalida isla markaana sameeyey heeso ay dadku badi jecel yihiin. Abwaan Ciise Dhan-Cadde ayaa ka mid ahaa Hal abuuradii suugaantiisu caanbaxday, isla markaana ka mid ahaa Foolaadka suugaanleyda ee ilaa […]

Masuuliyiinta Madaxtooyadda oo Tacsi u diray Qoyska reer Cali Suudi

Wasiirka Madaxtooyada JSL Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan,Afhayeenka Madaxtooyada JSL, Mudane, Axmed Saleebaan (dhuxul), Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JSL, Mudane Xasan Cabdi Madar, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada JSL, Mudane Maxamed Muuse Abees, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Bariga Mudane Cali Sandule, Xog-hayaha Gaar ah ee Madaxweynaha JSL, Mudane, Cali Axmed Cali , Agaasimaha Protocol-ka Madaxtooyada JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim […]

Shirkada Nadaafada Ee Horseed Oo Haldoorka Reer Boorama Kala Shirtay Maaraynta Qashinka Magaalada

Horseed Boorama (5)Boorame (Somaliland.Org)-Shirkada Nadaafada ee HORSEED ee magaalada Boorama ayaa maanta kulmisay, Madaxda D/Hoose ee Boorama, Odayaasha Dhaqanka, Milkiilayaasha Hoteelada Cuntada ee gudaha Boorama, Haween, waxgarada iyo bahda caafimaadka, waxana ujeedada kulankani ay ahayd sidii la isaga kaashan lahaa Maaraynta Qashinka iyo Dhawrida nadaafda si loo hiigsado himilada ah Magaalada Boorama oo bilicsan.

Ogaysiis Muhiim ah oo khuseeya Jaaliyadda Somaliland ee UK

JidkaWaxaa loogu baaqayaa bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan gobalka ‘West Midlands’ ee ay magaalada Birmingham caasimadda u tahay iyo gobolka ‘Leicestershire’ ee ay caasimadda u tahay magaalada Leicester iyo gobolada kale ee UK in laga soo qayb galo shir balaadhan oo lagu soo bandhigayo mashruuca waddada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco.

Shir Wadeyaal Mise Shar Wadeyaal

Shaqsiyaadka caadada ka dhigtay baaqyada shir beeleedyadu ma aha kuwo ku cusub dhegaha shacbiga Somaliland. Waxa ay soo bilaabeen dhawaaqyada ma jaro habowsan sagaashameeyadii, mar kasta oo ay doonaan in ay damacooda dhaqdhaqaajiyaanba waxa ay ka billaabayeen hadallo deelqaaf iyo xambaarsan xag xagasho. Maantana kama duwana tan ay wadaan waxay ku soo caanbaxeen, horaa loo […]