Ibraahim Kacaan & Jaamac Shabeel oo Daadifeeyay Fadhigii Gudigga Qaban-qaabada KULMIYE

jaamac shabeelHARGEYSA (Somaliland.Org)- Xildhibaan Ibraahim Haybe (Ibraahim Kacaan) oo ka mid ah Guddiga qaban qaabada shirweynaha sadexaad ee xisbiga KULMIYE iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbigaas Jaamac Ismaaciil Cigge ayaa shir jaraa’id oo ay caawa fiidkii ku qabteen xarunta dhexe ee KULMIYE waxay sharci darro ku tilmaameen sharkii ay maanta ku doorteen Hoggaankooda 15 ka mid ah Guddigii qaban qaabada.

Madaxweynaha Somaliland Oo la Kulmay Sarkaalka QM u qaabilsan Horumarinta iyo Xuquuqul insaanka

Madaxweynaha iyo sarkaalka QMHARGEYSA (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan Xaga Horumarka iyo Bini’aadanimada ee Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Philippe Lazzarini.Sarkaalkan oo shalay ka mid ahaa wufuud Somaliland u timid sidii loo qiimayn lahaa iskaashiga Somaliland, qaadhaan bixiyeyaasha iyo Hay’adaha caalamiga ah.

Somaliland: Golaha Guurtida Oo Ansixiyay Xeerka Ciidanka Booliska

Golaha GuurtidaHargeysa (Somaliland.Org) – Xildhibaanada golaha guurtida ayaa fadhigoodii maanta oo uu shir-gudoominaayey gudoomiyaha golaha guurtida mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen xeerka booliska Somaliland xeer No:63.2013, kaas oo ay oo ay xildhibaanada guurtidu kaabis iyo waxka badal ku sameeyeen. Isla markaana ay hore u soo ansixiyeen golaha wakiiladu.

Jaadley illaa Dhakhtarad: Astaanta Hal-adayga iyo Dhiiranaanta

Cabdiraxmaan AadanDunidani sida xawliga ah u koraysa, waxaynu inta badan maqalnaa sheekooyin dareen-taabad leh oo dhiiga dhaqaajinaya. Waxaynu akhrinaa sheekooyin ku saabsan dad noloshooda meel hoose ka bilaabay, hadana figta sare fuulay, hindisay barnaamijyo lagu guulaystay, qaarkoodna ay noqdeen maareeyayaal sare iyo waliba madaxweynayaal. Sheekadani hoos ku xusani, kama xiiso yara, nuxur ahaana kama macno yara, sida aan filayo, sheekooyinka ku soo baxa bogaga hore ee Joornaalada Caalamiga ah iyo buugta loogu iibsiga badan yahay.

Guusha Waxa Lagu Gaadhaa Dedaal W/Q Axmed Aadam Cali ( Haybe) QALIN MAAL GROUP)

Dulqaadka, Jacalyka ,iskaashiga, dadaalka,sabirka iyo in laga midaysanaado in kor loo qaado hawlaaha caafimaad, dhaqaale, aqoonta iyo farsamada lagana faaiidaysato waaya aragga iyo culimada ayaa ah mishiinka dhaqaajinaya horumarka adkaynayana nabadda, isla markana abuuraya kalsooni iyo degenaansho joogto ah oo meel sare lagu gadho la iskana dhaxlo. Dawaladu waa hab ka mid saldhigyada bulsho ee […]