Maayarka Boorame Oo iska Fogeeyay Dhaliilo uu D/Hoose u jeediyay Xildhibaan deegaanka ahi

Xildhibaan. RoobleBOORAME(Somaliland.Org)-Xildhibaan Rooble Muuse Xoosh oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee Boorama ayaa si xoogan u dhaliilay hawlaha ay bulshada u hayso D/Hoose ee Boorama, faxana uu farta ku fiiqay in Hogaanka qaybta fulinta ee D/Hoose oo ah maayarka Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi uu ka cago jiidayo habsami u socodka hawsha isla markaana uu xagal daaciyay waxqabadkii golaha loo soo doortay.

Wasiirkii hore ee Boosaha “Madashu waa Raad Abeeso”

Madasha wada tashigaHargeysa(Somaliland.Orgl)-Wasiirkii hore ee Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland [Wakhtigii Madaxweyne Cigaal), Dr. Cabdijibaar Maxamed Cabdi, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mawqifkiisa Siyaasadeed ee ku wajahan marxalada uu dalku marayo, waxana uu si adag u naqdiyey Siyaasiyiinta la magac-baxay ‘Madasha Wada-tashiga iyo toosinta Qaranka.

Wasiirka Madaxtooyadda Oo Markii U Horeysay ka Jawaabay Dhaliilihii Loo Jeediyay Xeerka waddooyinka

“Kuwa Cayda ka Dhigaya Horumarkii Waddanka ee leh Dhagaxyo ayaa meel la dhigay. Wadada Ceerigaabo oo samaysan ayay arki doonaan”

“Qofka Waddooyinka ku Mucaaridaya ee la Dagaalamayaa ee Beenta Sheegaya ee leh Xoolo ayaa la boobayaa, isaga ayay Qalbigiisa ku jirtaa inuu Xoolo Boobaa”

“Waxay Mucaaridnimaddii noqotay Xaasidnimo, Yaan Waddooyin la samayn oo yaan Madaarro la Samayn”

“Dadkii mucaaridka ahaa markii ay wax ay ku Mucaarideen waayeen ay ka Ba’yaan Horumarkii dalka.”Wasiir Xirsi

Somaliland oo Shir Caalami ah ku soo Bandhigtay Qorshaheeda Waxbarashada Da’yarta

Wasiirul Dawlaha WaxbarashadaNew York, (Somaliland.Org) – Wasiiru-dawlaha wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Axmed Nuur Faahiye oo ay weheliyaan saraakiil sare oo wasaaraddaas ka tirsan ayaa dalka Maraykanka kaga qaybgalay shir laga hadlayay waxbarashada oo ay soo qaban-qaabiyeen hay’addaha Qaramada Midoobay.Weftigan reer Somaliland ayaa marti-qaad rasmi ah ka helay ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Mdoobay u qaabilsan waxbarashada.