Golaha Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad ah ku meel mariyay Wasiirro Cusub

Hargeysa (Somaliland.Org)-Fadhigii maanta ee golaha Wakiilada Somaliland oo uu Shir-gudoominayay Gudoomiyaha Golahaasi Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay ansixinta Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Dibada, Warfaafinta,Xidhiidhka Golayaasha, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Dib u dejinta,Wasiir ku xigeenada Ganacsiga,Qorshaynta, Gaashaandhiga iyo Wasiirul dawlaha Maaliyada.

Suuq Aad Loogu Han-weynaa Oo Laga Furay Boorama

BOORAME (Somaliland.Org)- Waxa xaafadaha Sh. Cali Jawhar gaar ahaan bariga magaalada Boorama laga furay suuq cusub oo aad u balaadhan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo loogu magac daray Awdal City Center, kaasi oo uu maal galiyay muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisu yahay Xuseen Daahir Mixile.

Somaliland: Wasiir Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Xariirad

Hargaysa (Somaliland.Org): Wasiirka wasaaradda Dib-u- Dejinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Kaahin ayaa ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee deegaanka Xariirad in ay arrintooda si nabad geliyo ah ku dhamaystaan. . Isaga oo tilmaamay in xalinta xiisadda labadaasi beelood ay hada gacanta ku hayaan xubnihii guurtidda ahaa ee loo xil-saaray.

Wasiirro Booqasho Hawleed Ku Tagay Sallaxley

Sallaxley (Somaliland.Org)- Wasiirrada wasaaradaha Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Md. C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), wasiirka wasaarada Arrimaha dibada Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirul dawlaha wasaarada madaxtooyada Md. Maxamed Muuse Abees ayaa maanta Booqasho hawleed ku tagay magaaladda Sallaxley.

Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Waa mid Muuqda

Wax qabadkii dowlada madaxweyne ahmed siilaanyo seddexdii sano ee u danbeeyay ee xilka ay haysay oo noqday record jabis, amaan iyo shukri badana ku muteysatey waxaana looga fadhiyaa dowlada in ay sii labanlaabto si ay ugu guuleysato marlabaad doorashooyinka madaxwenenimo ee dalka ka qabsoomi doona,, waxqabadkan oo ka mid ahaa ballan qaadkii qoraalka ahaa ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE uu ku galay olalihii doorashadii wadanka ka qabsoontey 26 kii june 2010 oo uu kaga guuleystay labada xisbi qaran ee udub iyo UCID.

Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Oo Khudbad ka jeediyay Shirka Melbourne

Melbourne, Australia (Somaliland.Org) – Waxa weli si habsami leh u socda shirweynihi caalamiga ahaa ee loo yaqaaney AfricaDownUnder Conference, ee ka socda magaalada Perth ee galbeedka dalweynaha Australia. Hadaba waxa maanta shirkaas qudbad dheer oo dhaxal gal ah isla markaasna taariikhi ah ka jeediyey wasiirka macdanta iyo khayraadka ee Jamhuuriyada Somaliland. mudane Xuseen Cabdi Ducaale. The right honorable Hussein Abdi Duale, The Minister of Energy and Minerals of the Republic of Somaliland.

Xildhibaano si Adag u dhaliilay Maayarka Lughaya

Boorame (Somaliland.Org)-Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha degaanka ee degmada Lughaya ayaa si kulul u dhaliilay hanaanka maamul ee maayarka degmadaasi Lughaya Md. Cabdilaahi Cali Awnuur, waxana aya ku dhaliileen in aanu haba yaraatee qaban kalfadhiyadii lagaga wada hadli lahaa hormarka degmada, iyo ku takri fal dhinaca awooda ah.
.

Xujayda Somaliland ee Sanadkan Oo Laga Sii Talaalayo Xanuunka Dabaysha

Hargeysa, (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa sheegay inay u diyaarinayaan xujayda Somaliland sannadkan xajka soo gudanaya xarumo ay ka helayaan talaalka cudurka dabaysha, ka dib markii dawladda Sucuudigu ku wargelisay xujayda ka imanaya wadamada geeska Afrika inay iska soo talaalaan cudurkaas oo dhawaan meelo ka mid ah Soomaaliya lagu sheegay.

Shirkadda Pontus Marine Oo Xafiis Ka Furatay Berbera

Berbera (Somaliland.Org)-Shirkamadda Casriga ah ee kalluunka Pontus Marine LTD, ayaa maanta xarun ka furatay magaalo xeebeeda Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, munaasibadii furitaanka oo ku qabsoontay hotel Barwaaqo magaalada Berbera, waxa ka soo qay galay Maareeyaha Shirkaddan, Afhayeenka Madasha Wada tashiga Ibraahim dhega wayne, Salaadiini iyo xubno ka mid ah ganacsatada Berbera.