Xukuumadda Somaliland Oo waxba Kama Jiraan Ku Tilmaantay Warbixin Ka soo baxday QM

“Warbixinta UNMG waxaanu u arragnaa inay tahay mid aan ku fadhiyin daraasad cilmi ah iyo xaqiiqo toona”

Hargeysa (DAWAN)- Xukuumadda Somaliland ayaa warbixin aan cilmi ku dhisnayn ku tilmaantay warbixin ay todobaadkii hore soo saareen Guddi la magac baxday Gudida dabo-galka iyo kormeerka qarrammadda Midoobay oo Somaliland ku sifaysay dal Lagu cabudhiyo, laguna tacadiyo madax-banaanida saxaafadda.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo xalay u waramayay Tifaftiraha Guud ee wargeyska DAWAN Cumar Maxamed Faarax, ayaa warbixintaasi naqdiyay isla markaana ku maseeyay inay tahay mid aan xaqiiq ahayn oo been abuur ah.

“Somaliland Laguma xad gudbo Saxaafadda,waxay haysataa madax-banaani buuxda. Waxa dalkan ka hawl gala ugu yaraan 11 wargeys oo madax banaan iyo TV-yo madax banaan. Waxa kale oo ka jira ururo saxaafadeed oo madax banaan, guud ahaan saxaafadda Somaliland waxay haysataa madax banaani taam ah oo ay u jidaysay shuruucda iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka ka tisqaaday,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu warbixintaasi ku tilmaamay mid aan daraasad cilmi ah iyo xaqiiq-toona ku fadhiyin, waxaanu yidhi “Warbixintaas ay soo saareen kooxda la yidhaahdo United Nation Monitering Group (UNMG) waxaanu u arragnaa inay tahay warbixin aan ku fadhiyin daraasad cilmi ah iyo xaqiiqo toona. Warbixin noocan oo kale ah markay Guddi qarrammadda midoobay ahi sii daynayso waxa shardi ah inay noqoto mid ku fadhida xaqiiqo. Waana been waxay ka qoreen dalkan oo aan ahayn dalalka lagu tacadiyo ama la cabudhiyo madax banaanidda Saxaafadda.”

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland waxa uu ugu baaqay Gudidaasi inay ka waantoobaan qoraaladda ka been sheegaya Somaliland ee lagu doonayo in sawir khaldan lagaga bixiyo xaqiida dhabta ah ee ka jirta Somaliland. Md. Cabdilaahi Cukuse waxa uu intaas ku daray inay cidii rabta inay xaqiijiso xoriyadda Saxaafadda Somaliland haysato ay indhahooda ku arki karaan oo ay soo booqan karaan dalka.

XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN