Madaxda Wasaaradda Boosaha oo Kormeeray Xarumaha Shirkadaha Isgaadhsiinta

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Jaamac Abgaal iyo Md. Faysal Cali Sheekh, ayaa kormeer ku soo maray maanta qaar ka mid ah xarumaha shirkadaha isgaadhsiinta eek u yaal caasimadda Hargeysa.

Wasiirka iyo Agaasimaha Guud oo ay wehelinayeen qaar ka mid ah ijneerraada Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta waxay kormeerkooda oo ku wajahnaa xogogaal-u-noqoshada xaaladaha shirkadaha isgaadhsiinta ka bilaabeen xarunta guud ee shirkadda SOMCABLE, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyey.

Masuuliyiinta shirkadda SOMCABLE ayaa madaxda Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta warbixin ka siiyey qaab-dhismeedka shirkadooda iyo adeegyada ay ugu talogaleen inay u fidiyaan bulshada Somaliland, waxaanay shaaca ka qaadeen in SOMCABLE bilaha soo socda bilaabi doonto tijaabada xadhkaha isgaadhsiinta badda hoosteeda mara ee shirkaddu dalka ka hirgelisay, iyagoo ballanqaaday in ay markasta ilaalin doonaan shuruucda siyaasadda isgaadhsiinta ee Somaliland, isla markaana wada-shaqayn fiican la yeelan doonaan Wasaaradda.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Maxamed Jaamac Abgaal oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in socdaalkoodu la xidhiidho sidii ay wax uga ogaan lahaayeen xaaladaha iyo duruufaha ay ku sugan yihiin shirkadaha isgaadhsiinta ee wasaaraddoodu u xilsaaran tahay iyo nidaamkooda shaqo, isagoo tilmaamay inay wasaarad ahaan si weyn u soo dhoweynayaan horumarka muuqda ee shirkadaha isgaadhsiintu ku tallaabsadeen, maamul ahaanna ku dhiirrigalinayaan inay halkaasi ka sii wadaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha oo dhowaan xilka la wareegay Md. Faysal Cali Sheekh, ayaa isaguna sheegay in kormeerkoodu yahay mid is-barasho iyo is-xog-waraysi ku saabsan sidii ay isula jaanqaadi lahaayeen masuuliyiinta cusub ee Wasaaradda iyo shirkadaha isgaadhsiintu, waxaannu soo jeediyey in gacmaha laysu qabsado wax kastoo dadka iyo dalka Somaliland horumar lagu gaadhsiin karo.

Waxa kaloo Md. Faysal Cali Sheekh uu ku ammaanay shirkadda SOMCABLE xadhkaha isgaadhsiinta badda hoosteeda mara ee ay dalka keentay, taas oo uu sheegay inay horseedi doonto horumar weyn oo isgaadhsiinta Somaliland gaadho mustaqbalka dhow, waxaannu u ballanqaaday inay kale shaqay doonaan sidii loo sii xaqiijin lahaa himilada shirkaddu higsanayso.

Sidoo kale, masuuliyiintaasi waxay kormeerkooda ku soo mareen xarunta shirkaddii fadhiisatay ee SOLTELCO oo ku taal xayndaabka xarunta Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee magaalada Hargeysa, waxaanay warbixin ka dhegaysteen madaxda shirkaddaas.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa