Guddoomiyaha UCID Oo Isku tilmaamay Basaas Firxad ah

Hargaysa (Somaliland):- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa isku misaalay in uu la mid yahay ninka sirdoonka Maraykanka ka fakaday ee magaciisa la yidhaahdo Edword Snowden.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta u waramay war-baahinta waxa uu sheegay in ka dib markii uu dhaliilo badan u jeediyay xukuumada talada haysa uu yool u noqday cid kasta oo xukuumada difaacaysaa in ay isaga dhaleecayso. Waxaanu yidhi “Anigu waxaan noqday yool sidii ninkii maraykanku baacsayeen ee sirta sheegay Edward Snowden-ka Somaliland ee sirtii laga baqay sheegay ayaan ahay, in hogaanka dalku cid kale gacanta u galay ayaan sheegay”.

Guddoomiyaha UCID waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay war-safxaafadeed ay sabtidii todobaadkan soo saareen guddida diiwaan-gelinta ururrada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka, kaasi oo ay kaga dalbanayeen xisbiga UCID in ay xilka ka qaadaan Eng. Faysal Cali Waraabe maadaama oo uu ka mdi noqday golaha sharci darada ah. Eng. Faysal Cali Waraabe isaga oo si gaar ah ugu jawaabaya guddoomiyaha guddida diiwaan-gelinta ururrada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka C/rasaaq Ciyaale, waxa uu yidhi “Anigu u jawaabi maayo C/risaaq Ciyaale, arrin kale ayaanu isku ogayn ee arrintan isku maanaan ogayn sharci ii diidaya in aan galo golahan iyo mid kale toona ma jiro, dastuurka dalku waa dimoqraadiyad gole aqoon yahan ah ayaan geli karaa, mid suxufiyiin ayaa geli karaa, xaq baan u leeyahay sharicigeenuna ma diidayo, mana odhanayo.

Haddii aad meel gasho meel kale ha gelin, golahana ma aha gole dastuuriya golaha dhalinyaradaa jirta, golaha saxafiyiinta ayaa jira. golaha aqoon yahanka ayaa jira, golaha dhexe ee xisbiyada ayaa jira, markaa hadii aqoondaro ka haysato oo jaahilnimo ka hayso waxaan u samaynayaa C/rasaaq Ciyaale afka jaahiliinta ayaan kula hadli doonaa”.
Somaliland.Org/Hargeysa