Askari Ku Geeriyooday Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Xudun

Xudun (Somaliland.Org):- Askari ka tirsanaa ciidamada qaranka Somaliland ee aaga degmada Xudun ee gobolka Sool ayaa maanta ku geeriyooday shil baabuur halka ay saddex kalena ku dhawaacmeen shilkaasi, sida ay noo xaqiijiyeen ehelada askariga geeriyooday.
Askariga dhintay oo magaciisa la odhan jiray Marxuum C/qani Ciise Cabdi iyo saddexda askari ee shaawacmay ayaa ka tirsanaa guutada lixaad ee ciidamada qaranka ee fadhigoodu yahay degmada Xudun ee gobolka Sool.

Wararka aanu deegaankaasi ka helayno ayaa sheegaya in baabuurka shilku ku dhacay ee askartaasi saarnaayeen in uu ka qayb qaatay soo dhawayntii sabtidii doraad deegaanka Fiqifuliye ee gobolka Sanaag lagu qaramaynayay maleeshiyo ka soo goosatay kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo.
Baabuurkan shika galay oo ka mid ah gaadiidka ciidanka qaranka ayaa la sheegay in shilku ku haleelay duleedka degmada Xudun ka dib markii uu ka soo laabtay soo dhawaynta loo sameeyay maleeshiyada ka soo goosatay jabhada khaatumo-seeg.

Marxuumka ku geeriyooday shilkaasi baabuur ayaa la sheegay in isla shalayba lagu aasay degmada Xudun, halka saddexda askari ee dhaawacmayna lagu dabiibayo cusbitaalka

.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa