Wasiirka Warfaafinta Oo Faah-faahiyay Maleeshiyad Lagu Qarrameeyay Fiqi-fuliye

“ILAAHAY baa mahad leh ciidammaddii shalay xabadda iskala soo horjeeday oo maantana dhan u wada jeeda”

HARGEYSA (Somaliland.Org)- Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa tafaasiil ka bixiyay in ka badan 500 oo ka mid ah maleeshiyaddii nabad diidka ahaa ee khaatumo oo maanta lagu qarrameeyay degmadda Fiqi-fuliye ee gobolka Sanaag.

Wasiir Cabdilaahi Cukuse oo ka hadlayay ciidammaddan la qarameeyay ayaa yidhi “Waxaan joogaa Fiqi fuliye oo 90 km dhinaca koonfur bari ka xigta Ceerigaabo, waxaanu wadnaa nabadeynta deegaamadda bariga inta qabyadda ka ahayd, hawl muhiim ah ayaanu qabanay maalmahan. ILAAHAY baa mahad leh waanu ku guulaysanay arrintan, wada hadal, isku soo dhawaansho iyo dadkii oo isku caqli celiyay ayaanu ku jirnaa. Shir balaadhan baanu imika ka baxnay. Ciidammo tiradoodu ay gaadhayso 500, 13 baabuur oo Tikniko ah iyo Baabuur xamuul ah maanta ayaa lagu qarameeyay magaaladda Fiqi-fuliye.”

“Hore waxay uga soo horjeedeen ciidammadda qaranka, maanta xabadaasi meesha way ka baxday,labada ciidan maanta waa isku mid oo waxa la yidhaahdaa ciidanka qaranka,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Wasiirka oo la weydiiyay cida guushan la dhalisay waxa uu yidhi “Waxa meesha maraya cuqaal tiro badan oo ka mid ah cuqaasha iyo waxgaradka degmadda Fiqi-fuliye, waxa joogay Garaadkii beesha oo la yidhaahdo Garaad Cabdilaahi Maxamed Guulleed,waxa maraya Taliyihii ciidankaasi oo la yidhaahdo C/Risaaq Maxamed Faarax, waxa isaguna maraya abaanduulihii maleeshiyadda Khaatumo ee deganaa Xudun iyo agagaarkeeda oo la yidhaahdo Maxamed Raagge.”

“ILAAHAY baa mahad leh, waa ciidammaddii shalay xabadda iskala soo horjeeday oo maantana dhan u wada jeeda oo ka wada shaqaynaya nabadii deegaankaasi, dawladnimadda iyo qaranimadda Somaliland-na wada dhistaan, colaadii yay nabad ku bedesheen,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta oo maanta u waramayay laanta afsoomaaliga ee BBC-da.

Tallaabadani waxay qeyb ka tahay baaqii nabadeed ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo u fidiyay bulshadda ku dhaqan Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle bil ka dib markii uu xilka la wareegay 27-kii Bishii July 2010-kii. Waxaanay intii wakhtigaasi ka dambaysay dawladda Somaliland juhdi adag gelisay tubta nabadda ee deegaamadaasi waxaanay wada hadal dheer heshiis la gashay hoggaamiyihii Ururkii SSC Mudane Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo loo magacaabay Xil Wasiirnimo.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com