Boqor Raabi Iyo Cuqaal Naqdiyay sharciyadda Golaha la baxay wada tashiga

Salaadiinta,Boqorada iyo Cuqaasha beel ka mid ah beelaha dega caasimada hargaysa ayaa Sharci daro ku tilmaamay Golihii dhawaan lagaga dhawaaqay Caasimada hargaysa isla markaana sheegay inaanu waafaqsanayn Sharciga Wadanka u yaal.

Boqor Raabi Yuusuf C/laahi oo Madashii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland ku dhisan tahay nidaam dimuquraadi ah oo ku salaysan Sadexda Gole Qaran iyo Xisbiyada Siyaasada,isagoo intaas ku daray inuu Sharciga baal marsan yahay Golihii Dhawaan Magaalada Hargaysa isku cumaamaday.

Caaqil Rashiid Maxamed Jaanbiir ayaa dhiniciisa ka sheegay in qaranimada Somaliland ay inagu joogto Qiime balaadhan isla markaana aan loo baahnayn ayuu yidhi cid khal khal gelisa.

Suldaan Axmed Cismaan ayaa sheegay in Golayaasha qaranka ee distoorku xalaaleeyay wax aan ahayn ay Sharci daro tahay.

Sidoo kale Cuqaal Tiro badan oo Madashaasi ka hadlay ayaa Cadeeyay in Golaha la baxay Toosinta iyo Wada tashigu inay baal marsan yihiin Sharciga wadanka isla markaana ugu baaqay Siyaasiyiinta dabada ka riixaya inay u tudhaan Qadiyada Qaranimada Somaliland, dalkana aanay u horseedin Khilaaf hor leh.

Somaliland.Org/Hargeysa