Wasiirul Dawle Oo Kormeer Ku Tegay Deegaano Ka Tirsan Sanaag

Ceerigaabo. (Somaliland.Org)- Wasiirul Dawlaha Cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland C/raxmaan Jaamac Cabdule, ayaa maanta socdaal ku tegay deegaanka Midigale ee gobolka Sanaag oo ku yaala xuduudka Somaliland la wadaagto Puntlanad. halkaasi oo si diiran dadwaynaha degaankaasi ugu sood haweeyeen.
.
Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Xanaanada Xooluhu intii uu ku guda jiray kormeerkiisa waxa uu kulamo kala duwan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada deegaamada uu sii maray isaga oo warbixino ka dhegaysatay duqayda iyo waxgaradka ku nool jiidahaas.

C/raxmaan Jaamac Cabdule,wasiirul Dawlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha isaga oo la hadlayay dadwaynihii halkaasi ku sood ahweeyay waxa uu yidhi “waxaan aad uga mahad celinyaa sida qiimaha leh ee aad nagu soo dhawayseen waxaan is leeyahay caadifad, muxubo iyo kalgaceyl aad u qabtaan Somaliland, fariinta koowaad ee aan idiin wado waa salaan aan idiinka sido madaxwaynaha, waxaad ogtihiin 22-sano oo ay ka soo wareegtay aasaaskii Somaliland adinkuna aad ka maqnaydeen maamulka Somaliland sababtuna ahayd maamulka oo aan idiin soo gaadhin, maanta nasiib wanaag waanu idiin nimid maamulkii ayaanu wadnaa wax qabad ayaan wadnaa inaad ka midtihiina aad halkan iiga cadayseen, dereenkiina, mashxaradiina iyo codkiina aad ku cadayseen inaad tihiin shacabka Somaliland maanta booqashadu salaan iyo indho indhayn ayay ahayd, waxaan idinku soo noqon doonaa anigoo mashaariic horumarineed idiin wada”.

Wasiirul Dawlaha Wasaarada Xanaanada Xooluhu .sidoo kale waxa uu ugu bushaareeyay in mashaariic horumarineed ay ka hirgalindoonaan deegaanadaasi isla markaana bulshada ku guubaabiyay inay niyad sami ku soo dhaweeyaan waxaanu yidhi “waxaad ogtihiin in Puntland halkan keenatay sanaaduuq doorasho ku sheeg ah ay doonayso inay ku carqaladeyso Somaliland, waxaad ka warqabtaan magaaladan in duufaan ka dhacey oo aanu u qaylo dhaan tagnay Puntland oo waxna ay ka qaban weyday, waxaan idiin sheegayaa in dugsi sare iyo saldhig bilays laydiin dhisayo oo howshisii soo dhamaatay, waxaan idnka codsanayaa in mashaariicdaa soo socota iyo kuwa ka danbeeyaba aydun dareenkkina kaga hortagtaan oo aanay dhicin in sanaaduuq Puntland la keenin degaankiina”.

Wasiirul Dawlaha Wasaarada Xanaanada Xooluha Somaliland ayaa ka mid ahaa xubno wasiiro ah oo kormeer shaqo ku tagay gobolka Sanaag bal se si gaar ah waxa uu kormeer hawleed ugu soo maray Deegaamo ka tirsan gobolkaasi.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com